Aniga oo ah (gabar, 14 jir ah) waxaa igu dhacay illaa iyo hadda seddex jeer dhiigayga caadada. Marwalba waxaa jiri jirtay hakad ah kudhowaadkii hal bil inta u dhaxaysa. Si kastaba, hadda ma uusan iga imaanin dhiiga afar bilood. Miyaan Xanuunsanahay?

Adiga waad wel-welaysaa sababtoo ah muddo ma uusan kaa imaanin dhiiga.
Midaasi gebi ahaanba waa wax la fahmi karo!
Si kastaba, macnaheedu ma ahan in aad xanuunsantahay.

Gabdho baddan ayaa ku dhaca caadooyin aan dabiici ahayn marka hore.
Mararka qaar hakadka u dhaxeeya caadada wuxuu noqonayaa mid gaaban.
Kadibna wuxuu qaadanayaa muddo aad u dheer illaa laga gaaro caadada xigta.
Mararka qaarna wuxuu qaadanayaa illaa ay caadadaadu ka timaado ku dhowaadkii hal bil.
Badanaa hakadka wuxuu yahay inta u dhaxaysa 21 iyo 35 maalmood.
Gabdhaha qaarkooda hakadyadu waxay yihiin kuwo marwalba gaaban ama kuwo dhaadheer.

Si kastaba, waxaa jiri karta sabab kale.
Tusaale ahaan: haddii aad wel-welsantahay.
Haddii aad qaadatay daawo.
Maadaama uu miisaankaagu isku bedelay si weyn.
Haddii aad hore u samaysay galmo:
Markaasna waxaa laga yaabaa in aad sidoo kale uur leedahay.
Haddii aadan hubin waxaad u tagi kartaa dhakhtarkaaga dumarka.
Waxay kugu samaynayaa baaritaan waxayna kaaga jawaabayaa su’aalahaaga.