Walaashaydu waa eeyad (waxaan ahay wiil, 16 jir ah). Sidaas ayaan ku iri. Hadda ayada waxay u sheegtay qofka mas’uulka naga ahaa. Wuxuu u arkay luuqada aan isticmaalay in ay tahay mid ‘jinsi ahaan ah’. Asagu wuu caraysanyahay, sax?

Macnaha ereyga “bitch” waxaa laga wadaa ‘eeyda’.
Nasiib daro, hadalkaan mararka qaar waxaa loo isticmaalaa gabdhaha.
Dadku inta baddan waxay u isticmaalaan si ay u dhahaan gabadha leh saaxiibo baddan oo wiilal ah.
Ama in ay gabar hore u samaysay galmo.
Waa erey aad u xun in gabdhaha loo isticmaalo.
Mas’uulkaaga wuu saxanyahay. Ereyada kuwaan oo kale ah waa kuwo tusinaya jinsi ahaan.
Waxaa jira ereyo baddan oo kale oo dhibaato ku ah gabdhaha.
Sidoo kale wiilasha waxaa lagu waxyeelayn karaa ereyada.
Tusaale ahaan, sida ereyada ‘fuley’.

Muhiim ma ahan hadalka ama qaabka loo isticmaalo.
Haddiiba aydhibaato u gaysanayso qof kale ma ahan mid sax ah.
Way wanaagsantahay in dadka si toos ah loola hadlo.
Ma wanaagsana in lagu dhibaateeyo hadalo.
Haddaba adiga waxaa khasab kugu ah in aad raali geliso.

Haddii aad u malaysid in hab dhaqanka walaashaadu aan wanaagsanayn waa in aad ayada la hadashaa.
Waa muhiim in aad isku muujisaa ixtiraam.
Midaana waxaa kamid ah luuqada aad isticmaashaan: waxay tusinaysaa in aad qofka kale ixtiraamaysid.