Aniga oo ah (gabar, 15 sanno jir ah) waxaa igu dhacay jacayl. Waxaan qabbaa su’aalooyin aad u baddan oo ku saabsan galmada. Ma garanayo sida aan u weydiiyo. Waalidiintaydu waxay dhahaan: Anigu uma baahni in aan oggaado waxyaabaha “sidaas oo kale ah” sababtoo ah waxaan qabaa dhibaato waxbarashada ah. Dhibaatada waxbarashada macnaheedu waxay tahay: In aan u baahanahay wakhti baddan iyo caawimaad la igu caawiyo waxyaabaha qaar. Kadibna wax kasta waan fahmayaa. Qofkee igu caawin kara su’aalahayga?

Waa wax wanaagsan in aad jacayl ku dhacday.
In aad qabtid su’aalooyin ku saabsan galmada waa mid gebi ahaanba caadi ah.
Galmadu waa wax hoosaad.
Midaasna macnaheedu waxay tahay: Waa mid ka dhaxaysa adiga iyo dadka aad ku kalsoontahay.
Waxaa dhici karta in waalidiintaada ay ka wel-welsanyihiin in qof uu ku khiyaamo ama ku dulmiyo.
Laakiin galmadu waa xaq aasaasi ah oo uu leeyahay qof walba.
Adigana waxaad xaq u leedahay in aad heshid qof kaaga jawaaba su’aalahaaga.

Ka fikir arinta: Qofkeed doonaysaa in aad arinta kala hadashid?
Wuxuu noqon karaa qof ka tirsan qoyskaaga.
Wuxuu noqon karaa qof lataliye ah.
Wuxuu noqon karaa qof iskuulka jooga.
Waxaa dhici karta in ay kaaga jawaabaan su’aalahaaga.
Laakiin sidoo kale waxaa dhici karta in aysan garanaynin jawaabaha.

Markaasi waxaad weydiin kartaa qof jooga xarunta latalinta, midkaas oo aan kaa qaadanin wax lacag ah.
Waad wici kartaa ama adiga ayaaba meesha aadi kara.
Waa kuwo aad ugu fiican ka jawaabida su’aalahaan.
Kahor inta aadan la kulmin ayaga, qoro arimaha kuugu muhiimsan.
Sidaasi waxna kuma iloobi doontid.
Halkan waxaad ka heli kartaa liis ay ku qoranyihiin xarumaha latalinta kuwaas oo ku caawin kara:
https://www.profamilia.de/themen/sexualitaet-und-behinderung.html
Ku dhufo jumlada guduudka ama casaanka ah “NÜTZLICHE ADRESSEN” (Cinwaano muhiim ah).