Anigu waxaan ahay gabar 14-sanno-jir ah waxaana galmo la sameeyay saaxiibkayga. Ma aynaan isticmaalin wax uurka ilaaliya. Wuxuu i leeyahay in aanan uur qaadaynin. Maadaama aanan weli ii imaanin dhiigayga caadada. Run miyaa midaasi?

Waxaad ukunta samaysaa kahor dhiiga caadadaada kuugu horeeya.
Kadibna ukuntaada waxay noqonaysaa mid diyaar ah oona la bacramin karo.
Bacramintu waxay dhacdaa marka ukunta qofta dumarka ahi ay ku darsanto minida ninka.
Sidaas darteeda waxaad qaadi kartaa uur.

Inbaddan oo kamid ah gabdhaha iyo dumarka ma oggaanayaan marka ay ukunta samaysmayso.
Waxaa dhici karta in ay tani xaaladaadu tahay.
Ukunta samaysanta marwalba waxay dhacdaa kahor dhiigaaga caadada.
Iyo xitaa kahor dhiigaaga caadada ugu horeeya.

Dhammaan gabdhaha waxaa ku dhaca dheecaan ka yimaada xubinkooda taranka kahor dhiigooda caadada ugu horeeya.
Dheecaanka ka yimaada xubinka taranka wuxuu sheegayaa in uu wakhti dhow kugu dhici doono dhiigaaga caadada.
Midaasna waxay noqon kartaa gudaha 1 bil ama 1 sanno.
Qaar kamid ah gabdhaha waxay arkaan dheecaanka ka yimaada xubinkooda taranka.
Qaar kale oo gabdhaha kamid ahna ma arkaan.
Sidaas darteeda waa in aad isticmaashid wax kaa ilaaliya uurka.
Doorashada ugu wanaagsana waa in la isticmaalo kondom.
Kondomka sidoo kale wuxuu kaa ilaaliyaa cudurada la iskugu gudbiyo galmada.