Anigu waxaan ahay (gabar, 15 sanno jir ah) la iima oggola in aan banaanka kaligayga aado. Haddii ay gabdhaha saaxiibadayda ahi wax sameynayaan waxaan ku khasbanahay in aan diido ama in uu hore ii raaco walaalkayga. Maxaan sameeyaa?

Waxaad isku dayi kartaa in aad la hadashid waalidiintaada.
Sababtoo ah: waa adiga xaqaada in aad waxyaabaha kaligaaga samaysatid.
Waxaa jira xuquuqo ay carruurto leeyihiin.
Xuquuqahaan waxay khuseeyaan dhammaan carruurta iyo dhallinyarada adduunka oo dhan ku wada nool.
Waxaad u sharxi kartaa waalidiintaada seddex kamid ah xuquuqahaan.

Waxaad xaq u leedahay in laguula dhaqmo si sinaan ah!
Midaasna macnaheedu waxay tahay: waxaa khasab ah in laguula dhaqmo sida loola dhaqmo walaalkaaga oo kale.
Waxaad xaq u leedahay in aad qaadatid wakhti faraaqo iyo nasiinyo ah!
Midaasna macnaheedu waxay tahay: adigu sidoo kale waxaad nafsadaada go’aansan kartaa waxa aad qabanaysid wakhtigaaga faraaqada ah.
Waxaad xaq u leedahay in aad khaas la noqotid arimahaaga!
Midaasna macnaheedu waxay tahay: adigu sidoo kale waxaad u baahantahay in aad nafsadaada wakhti la qaadatid iyo gabdhaha saaxiibadaada ah.

Waxaa laga yaabaa in waalidiintaadu aanan warkaagu dhagaysan.
Waxaa dhici karta in aadan nafsadaada ku qabin kalsooni aad ayaga kula hadashid.
Haddii ay sidaas tahay waxaad aadi kartaa xarun caawimaad.
Halkaas waxaad ka heli kartaa tallo haddii aad dhibaatooyin qabtid.
Lataliyayaasha halkaas jooga ayaa la hadlaya adiga iyo waalidkaagaba.
Waxaad ka heli kartaa xarunta caawimaada halkan, tusaale ahaan:
http://www.bke.de/?SID=00F-6B8-FCB-4F5
Haddii aad ku qortid cinwaankaaga waxaad heli kartaa xarunta caawimaada adiga kuugu dhow.