Dhammaan gabdhaha saaxiibadayda ah ee iskuulka dhigta waxay hore ula kulmeen dhakhtarada cudurada haweenka. Aniga oo (14) jir ah sidoo kale miyaan u baahanahay in aan aado? Haddii aan aado maxaa dhacaya?

Waxaa khasab kugu ah in aad u tagtid dhakhtarada cudurada haweenka haddii aad:

  • Qabtid su’aalo ku saabsan galmada iyo jirkaaga.
  • U baahantahay waxyaabaha uurka celiya.
  • Uur leedahay.
  • Xanuun ka dareemaysid calooshaada hoosteeda ama xanuun dareentid marka uu kuu yimaado dhiiga caadadaada.
  • Jeceshahay in aad joojisid uurka.

 
Dhakhtarada cudurada haweenka ayaa marka hore kula hadli doonta.
Ayadu waxay doonaysaa in ay oggaato sida aad u doonaysid in ay kuu caawiso.
Kadibna adiga ayaa u go’aansanaya si wada jir ah haddii aad samaynaysid baaritaan iyo haddii kale oo aadan samaynaynin.
Kadibna waxaad iska bixin doontaa dharka.
Haddii aad xirantahay goono kaliya waxaad iska bixinaysaa kastuumadaada.
Kadibna dhakhtarada waxay baaritaan ku samaynaysaa ‘xubinkaaga taranka’.
Midaasna macnaheedu waxay tahay: ayadu waxay isticmaalaysaa qalab wax lagu fiiriyo si ay ugu fiiriso gudaha xubinkaaga taranka.
Qalabka wax lagu fiiriyo waa tuubo yar, oo bir ah.
Waxaa la gelinayaa gudaha xubinkaaga taranka si ay dhakhtaradu u fiiriso gudaha.
 
Baaritaanku ma ahan mid marwalba lagama maarmaan ay tahay in la sameeyo.
Adiga ayaa go’aansanaya haddii la samaynayo baaritaanka.
Dhakhtaradu waxay fiirin doontaa haddii aad weli bikro tahay.
Xuubka bikradu ma ahan inta baddan mid dhaawac gaara.
Waxaad halkan ka daawan kartaa dhakhtarad sharxaysa waxa la samaynayo: https://gutzuwissenfilm.wordpress.com/ (fiidiyow ah luuqadaha Jarmalka, Turkishka, Faarisi, Carabi iyo Ingiriisi)