Ilmo adeertaydu waa 15 sanno jir oona guursatay. Wakhti dhow ayay waxay Jarmal la timid ninkeeda (25 sanno jir ah). Guurkaasi halkan laguma aqbalin. Sabab loo diiday?

Ilma adeertaadu waxay kusoo guursatay dibada.
Dalka Jarmalka, guurka kaliya waxaa la aqbalayaa kadib dhallashadaada 18aad ama kadib marka aad gaartid sideed iyo tobban sanno.
Marka labada qofba ay yihiin 18 sanno.
Mararka qaar guurka waxaa la aqbalayaa marka mid kamid ah lammaanaha uu yahay kaliya 16 ama 17 sanno jir.
Midaana waxaa laga go’aaminayaa dhinaca maxkamada qoyska.
Waa in la sameeyaa codsi kahor guurka.

Haddii uu qof ka yaryahay 16 sanno jir kuma guursanayaan gudaha dalka Jarmalka.
Sidaas darteeda, guur kusoo dhammaaday dibada halkan laguma aqoonsanayo.
Sababtuna waxay tahay dadku waa in ay ahaadaan kuwo qaan gaaray si ay u guursadaan.

Gudaha dalka Jarmalka dowladu waa in ay ilaaliso carruurta iyo dhallinyarada.
Dowladu waa in ay hubsato in ay dhallinyaradu u guursadaan si iskaada ah oo ayaga rabbitaankooda ku dhisan.
Midaan macnaheedu waxay tahay: qofna kuma khasbayo ama kama dhaadhicinayo qofkale si uu u guursado (tusaale ahaan, qoyska).
Waa in ay ayaga nafsadoodu go’aansadaan.
Waana midaan sababta da’da guurku ay u tahay in loo xadido qaabkan.