Anigu waxaan ahay wiil 16-sanno jir ah saaxiib ayaana ii sheegay in gudaha dalka Jarmalka aad uga taaban kartid gabdhaha dabadooda oona midaasi laguugu ciqaabin. Midaasi ma tahay mid run ah?

Maya, midaasi ma ahan mid run ah.
Sharci cusub ayaa lasoo saaray bisha Nofembar 2016.
Dabcan saaxiibkaaga weli ma ogga midaasi.

Sharcigu hadda wuxuu qorayaa:
Qofna looma oggola in uu qofkale uga taabto jirkiisa “qaab galmo ah” haddii uusan doonaynin in la taabto.
“Qaab galmo ah” macnaheedu waxay tahay:
In taabashadu ay tahay mid galmo kusaabsan.
Ama taabashadu ay tahay meelaha xasaasiga ah ee jirka.
Tusaale ahaan, dabada, naasaha ama inta u dhaxaysa lugahooda.
Midaan sidoo kale waxaa lagu magacaabaa “dhibaatayn galmo”.

Qofkasta waxaa loo oggolyahay in uu go’aansado asaga sida loo taabanayo.
Qofkastana waxaa loo oggolyahay in uu go’aansado asaga halka laga taabanayo.
Midaan waxaa lagu magacaabaa “xadidaada-galmo shakhsiyeed”.
Midaasi waa xaq ay leeyihiin dhammaan dadka oo dhan.
Qofkasta oo ku xad gudba xaqaasi waa la ciqaabayaa.

Anigu waxaan ahay wiil 16-sanno jir ah waxaana khasab igu ah in aan ilaaliyo walaashayda si aan u hubsado in aysan banaanka ula bixin wiilasha. Waa in ay ugu dhaqmaan si wanaagsan dadka dhexdooda. Midaan waxay ka tahay arin sharafeed qoyskayga. Waalidiintaydu waxay dhahaan in aan anigu masuul ka ahay. Inta baddan arintu waa mid dhib baddan. Maxaa ila habboon in aan sameeyo?

In aad ilaaliso gabadhaada waa arin aad u dhib baddan waana masuuliyad wayn.
Walaashaadana waa mid aanan arintaasi ku faraxsanayn.
Macnaheedu waxay tahay in aysan xur u noolaan karin uguna raaxaysan karin noloshooda.

Sharaftu waa shay aad muhiim ugu ah qoysaska badankooda.
Ka fikir waxa ay sharaftu kuugu fadhido ama kuu tahay adiga iyo qoyskaaga.
Iyo waxa ADIGA dhab ahaantii muhiim kuu ah?
Maxaad samayn doontaa marka walaashaada ay la kulantu wiil?
Nasiib daro waxaa jira qoysaska qaarkooda kuwaas oo dhibaato u gaysan kara gabdhaha arintaasi darteeda.
Sidoo kale waxay dhahaan in ay midaan tahay arin sharafta ku xiran.
Laakiin sharaftu macnaheedu ma ahan rabsho iyo dhibaatayn.

Wiilal kale ayaa midaan hore u diiday in ay sameeyaan ayaga oo ku samaynaya magaca sharafta.
Waxay dhahaan in “sharaftu ay la dagaalamayso xuriyada walaashayda”.
Sidoo kale midaasi waa sharaf.
Waxaa dhici karta in ay weli dhib kugu tahay in aad sidaasi u fikirtid.
Waxaa dhici karta in aad u baahatid taageero ay ku siiyaan wiilal kale.
Waxaad la hadli kartaa wiilal si kale u arka waxyaabaha sharafta ku saabsan.
Waxaa dhici karta in ay awoodaan in ay kugu caawiyaan in aad go’aansatid waxa ay sharaftu kuu tahay adiga.
Ka raadi halkan:
www.heroes-net.de (ee kuyaala magaalooyin baddan ee waawayn iyo degmooyin)
http://www.aufbruch-neukoelln.de/

Anigu waxaan ahay wiil 15-sanno jir ah saaxiibadayna waxay aadaan magaalada si ay u dhibaan una taabtaan gabdhaha ayaga oo midaasna ciyaar ka dhiganaya. Anigu ma doonayo in aan qayb ka noqdo. Maxaa ila habboon in aan sameeyo?

Saaxiibadaadu ma ahan kuwo ciyaaraya.
Waxa ay samaynayaan waa wax ka reeban gudaha dalka Jarmalka.
Saaxiibadaadu waa kuwo xitaa mudan in la ciqaabo.

Gabdhaha iyo haweenka jooga dalkaan Jarmalka waxay leeyihiin isla xuquuqaha ay leeyihiin wiilasha iyo nimanka.
Waa in aysan dadku dhibin.
Qofna looma oggola in la taabto haddii uusan doonaynin in la taabto.
Qofna looma oggola in uu cabsi geliyo ama dhib u gaysto.

Waa in aadan raacin saaxiibadaada.
Haddii aad meeshaasi joogtid adigana sidoo kale waa lagu ciqaabayaa.
Xitaa haddii aadan adigu nafsadaada dhibaato u gaysan gabar.

Waxaa dhici karta in ay saaxiibadaada ku cadaadiyaan si aad u raacdid.
Waxay doonayaan in aad meesha la joogtid.
Adigana waxaad doonaysaa in aad saaxiibo haysatid.
Waxaad u baahantahay in aad noqotid qof geesi ah si aad u dhahdid MAYA.

Weydiiso qof wayn in uu ku caawiyo.
Waxaa dhici karta in ay haystaan fikrad kusaabsan waxa aad ugu jawaabaysid cadaadiska kaaga yimaada saaxiibadaada.
In la gaysto fal dambiyeed wuxuu u lahaan karaa cawaaqib xumo mustaqbalkaaga.

Anigu waxaan ahay gabar 13-sanno jir ah gurigana waxay ahayd mid caadi ka ah in wiilashu ay dhibaan oona taabtaan haweenka. Hadda halkana waa sidii oo kale. Anigu waan xishoonayaa ama waxaan dareemayaa ceeb. Qofkee i caawin kara?

Waxa ay wiilashaasi samaynayaan waa wax ka reeban gudaha dalkaan Jarmalka.
Waa in aadan xishoonin.
Waxa ay wiilashaan samaynayaan waa wax lagu ciqaabi karo.

Gabdhaha iyo haweenka jooga dalkaan Jarmalka waxay leeyihiin isla xuquuqaha ay leeyihiin wiilasha iyo nimanka.
Qofna looma oggola in uu ku dhibo.
Qofna looma oggola in uu ku taabto adiga oo aan midaasi oggolayn.
Qofna looma oggola in uu ku cabsi geliyo ama dhib kuu gaysto.

Raadso caawimaad.
U sheeg macalinkaaga arintaasi.
Ama qofkale oo aad ku kalsoontahay.

Waxaad baran kartaa sida looga hortago ama loogu ficil celiyo dhaqamada doqonimada ah.
Waxaa jira koorsooyin aad kula baran kartid arintan dad kale.
Waxaad baran doontaa sida aad u xoog badantahay.
Waxaad baran doontaa marka ay tahay in aad orodid.
Waxaad baran doontaa waxa aad dhahaysid.
Waxaad baran doontaa qofka ku caawin kara.
Waxaad koorso la qaadan kartaa saaxiib.
Macalinkaaga ayaa kuu sheegi kara halka aad ku qaadanaysid koorsada.
Sidoo kale waxaad weydiisan kartaa dhakhtarka iskuulka ama shaqaalaha bulshada ee iskuulka jooga.

Adigu ma samaynaysid wax khalad ah.
Wiilashu waxay masuul ka yihiin dhaqankooda waana in ay isbedelaan.

Uur maku qaadi kartaa dhunkashada?

Maya, uur kuma qaadaysid dhunkashada!
Kaliya waxaad uur qaadi kartaa marka unugyada minadu gasho gudaha ama aad ugu dhowaato xubinkaaga taranka.
Waxaa laga wadaa marka aad galmo samayso.
Xitaa haddii uu xubinka taranka ninku yahay mid kaliya waxyar uun gudaha ugu jira xubinkaaga taranka.
Unugyada manida waxay kasoo baxayaan xubinka taranka ninka.
Unugyada manidu waxay bacrimin karaan unugyada ukunta haweenayda.
Sidoo kale waxaad uur qaadi kartaa inta lagu guda jiro mudada caadadaada!
Haddii aadan doonaynin in aad uur qaadid, waa in aad marwalba isticmaashid waxyaabo kaa ilaaliya uurka.

Waxaa jira noocyo kala duwan oo uurka looga hortagi karo.
Waxaad ka heli kartaa macluumaad kusaabsan noocyada ka hortaga uurka dhakhtarka ama xarun la talin.
Waxaad ka iibsan kartaa kondomyada dukaamada waawayn iyo farmashiyaasha.
Waa kuwo ammaan ah waxayna kaa ilaaliyaan cudurada.
Kaniiniga, gariirada uurka lagu celiyo iyo faraantiga xubinka taranka la geliyo waa noocyo kamid ah ka hortaga uurka kuwaas oo isticmaala hormoono.
Waa in uu dhakhtar soo qoro.

Xaaladaha “deg-dega ah” waxaad kasoo iibsan kartaa “kaniiniga subaxda kadib” farmashiyaha.
Xaalada “deg-dega ah” waa marka aadan isticmaalin wax uurka celiya ama marka uu dhacay xaalada kedis ah oo waxyaabaha uurka celiya ah.
“Kaniiniga subaxda kadib” waa in lagu qaato gudaha seddex maalmood oo laga joogo marka la sameeyay galmada aan ilaalada lahayn.

Text: pro familia München e.V.

Anigu waxaan ahay gabar 13-sanno jir. Jirkayga guud ahaan wuu isbedelayaa. Midaasi ma tahay mid caadi ah?

Anigu waxaan ahay gabar 13-sanno jir. Jirkayga guud ahaan wuu isbedelayaa. Midaasi ma tahay mid caadi ah?

Adigu waad wel-welsantahay sababtoo ah jirkaaga ayaa isbedelaaya.
Laakiin midaasi gebi ahaanba waa wax caadi ah.
Jirka dhammaan gabdhaha iyo wiilasha wuu isbedelayaa intiiba ay korayaan.

Waa kuwaan waxa dhici doona guud ahaan sannadaha soo socda:
Hadda adiga jirkaaga wuxuu soo saarayaa hormoono galmo.
Hormoonadu waxay siiyaan jirkaaga macluumaad cusub.
Waxay u sheegaan jirkaaga waxa u baahan in la bedelo.
Isbedelka waqtigaan dhacayo waxaa lagu magacaabaa “baaluqnimo”.

Timo ayaa kasoo baxaya gacanta hoosteeda iyo meesha uu kasoo baxo shuunka.
Waxaad u dhididaysaa si joogto ah.
Waxaa wejigaaga iyo dhabarkaaga kasoo bixi kara finan.
Timahaagu waxay noqonayaan kuwo saliid leh waana in la dhaqaa inbaddan.
Waxaa kugu dhacaysa caadadaada.
Naasahaagu waxay bilaabayaan in ay weynaadaan.
Ibta naasahaagu waxay noqonaysaa mid weyn oona madoow ah.

Hormoonooyinkan waxay sidoo kale kaa dhigayaan in aad dareentid dareemo aad u xoogan.
Mararka qaar aad ayaad u murgaysaa, mararka qaarna waxaad dareemaysaa carro aan caadi ahayn mararka qaarna waxaad noqonaysaa qof aad u faraxsan.
Intaan oo dhan waa qayb kamid ah baaluqnimada.

Saaxiibkayga ayaa ii sheegay in uu siigaystay. Maxaa laga waddaa midaasi?

Wiilasha iyo nimanku way siigaysan karaan.

Midaasna macnaheedu waxay tahay in dheecaan kasoo baxo xubinka taranka raga.
Midaana waxay dhacdaan mararka qaar inta uu qofku hurdo.
Ama marka wiil ama nin uu taataabto ama ku siigaysto xubinkiisa taranka.
Waxayna inta baddan dhacdaa marka uu nin galmo la sameeyo qofkale.

Wiilka ama ninka wuxuu la kulmayaa dareen wanaagsan marka uu siigaysanayo.
Dareenkaan wanaagsan waxaa lagu magacaabaa kacsi.
Dheecaanka badankiisa wuxuu kasoo baxaa xubinka taranka waqtiga kacsigu jiro.
Qaar kamid ah dheecaanka sidoo kale waxay ka yimaadaan xubinka taranka kahor kacsiga.
Laga bilaabo da’da qaan-gaarnimada, dheecaankan wuxuu ku darsamayaa manida.

Manidu waxay noqonaysaa cunug marka ay ku dheexanto ukun.
Ukunta waxay ku jirtaa gudaha ilmo-galeenka -> haweenayda.
Xubinka taranka raga mararka qaar wuxuu gelayaa gudaha ilmo-galeenka haweenayda marka la samaynayo galmada.

Siigaysigu ma ahan wax xun.
Nimanka iyo wiilasha waxay u arkaan mid laga helo dareen wanaagsan.
Inbaddan oo wiilasha iyo nimanka ka mid ahi waxay siigaystaan wax baddan inta ay noolyihiin.
Nimanku waxay marwalba isticmaalaan -> kondom si ay uga fogaadaan in ay si “kadis ah” uur u yeelaan.
Kondomka sidoo kale wuxuu ka ilaaliyaa nimanka iyo dumarkaba in ay qaadaan cudurada qaarkooda.

Waalidiintaydu waxay i bareen in haweenayda wanaagsan ay tahay in ay guursato nin. Kadibna waxay dhallaysaa carruur. Laakiin anigu ma doonayo in aan guursado. Miyaan ahay anigu haweenay wanaagsan?

Dalkaan Jarmalka, dadku waxay u wada noolaan karaan qaabab baddan.
Halkan waxaa ku qoran qaar tusaalooyin ah:
Nimanka iyo haweenka qaarkooda way isguursadaan waxayna iska dhallaan carruur.
Nimanka iyo haweenka qaarkooda waxay iska dhallaan carruur ayaga oo AAN isguursan.
Nimanka iyo haweenka qaarkooda way isguursadaan carruurna ISKUMA dhallaan.

Lammaanaha qaarkooda way kala tagaan ama way isfuraan.
Midaas macnaheedu waxay tahay in ay dhammeeyeen xiriirkooda.
Qaar kamid ah lammaanahaan waxay leeyihiin carruur.
Kadibna carruurta waxay la noolaan karaan hooyadooda ama aabahooda.

Nimanka iyo haweenka qaarkooda waxay yihiin kuwo khaniisiin ah.
Waxay xiriir la yeelan karaan qof ay isku nooc yihiin.
Dadka qaar waxay ku noolyihiin guri ay dad kale wadaagaan.
Midaas macnaheedu waxay tahay in ay si wada jir ah u noolaadaan laakiin ma ahan kuwo xiriir ku jira ama qoys ah.
Niman iyo dumar baddan ayaa sidoo kale ah kuwo keligooda nool marka ay waynaadaan.

Qofkasta asaga ayaa go’aansanaya sida uu doonayo in uu u noolaado.
Dhammaan doorashooyinkaan waa kuwo lagu oggolyahay gudaha dalka Jarmalka.
Qofna tusaalooyinkan kujira ma ahan mid xun ama fiican.
Qofna looma takoorayo ama looma maxkamadaynayo dhaqankaan darteeda.
Wax dhib ah malahan haddii aadan doonaynin in aad guursatid.
Adigu ma tihid qof xun ama gabar xun.

Aniga iyo saaxiibtayda waxaan jirnaa 17 sanno. Waxay ii sheegtay in ay gabar jeceshahay. Ma garanayo waxa aan ku dhaho. Sideen ula dhaqmaa?

Ula dhaqan sidii aad awol hore ula dhaqmi jirtay.
Ayadu waxay jeceshahay qofkale oo ay isku nooc yihiin.

Haddii aad jeceshahay qof aadan isku nooc ahayn sida wiil, midaasi waxaa lagu magacaabaa xiriir nooca kale lala sameeyo.
Haddii aad jeceshahay qof aad isku nooc tihiin sida gabar kale, midaasi waxaa lagu magacaabaa xiriir khaniisnimo.
Gabdhahaasna waxaa lagu magacaabaa khaniisiin.
Wiilasha ayaga isjeclaadana waxaa lagu magacaabaa khaniisiin.
Qofna ma dooran karo sida uu dareemayo.
Dadka qaarkooda waxay jeclaadaan dad labbada noocba ah.
Haddii aad mararka qaarkooda tahay qof jeceyl noocaaga marar kalena qof aan noocaaga ahayn, midaasi waxaa lagu magacaabaa qof labbada noocba u galmooda ama jeceyl.
Midaasna gebi ahaanba waa mid caadi ah.
Waxaa jira qaabab baddan oo qof la gula midoobi karo.
Laakiin nasiib daro, ma ahan dhammaan kuwo laga aqbalayo waddamada qaarkooda.

Gabdho iyo wiilal baddan way ku adagtahay in ay noqdaan kuwo khaniisiin ah.
Waxaa hubaal ah saaxiibtaada in ay ku adagtahay in ay midaasi dadka u sheegto.
Midaasi waxay u baahantahay geesinimo aan caadi ahayn.
Maadaama ay adiga kuu sheegtayna midaasi macnaheedu waxay tahay in saaxiibtaadu ay adiga kugu kalsoontahay.

Waxaa dhici karta in aadan fahmin sababta ay jeceyl ugu qaaday gabar kale.
Adigu khasab kuguma ahan in aad midaasi fahantid.
Mida muhiimka ahi waxay tahay in ay saaxiibtaadu weli tahay qofkii ay awolba ahayd.
Waxaa dhici karta in aad ka cabsanaysid in aad adigu tahay qofka ay jeceshahay.
Laakiin midaasi inta baddan ma ahan mid run ah.
Weli waxaad saaxiibo u ahaan kartiin sidii caadiga ahayd.
Dhagayso oona isla baashaala ama isla sameeya waxyaabo madadaalo ah.
Saaxiibtaada weligeeda waxay ahaanaysaa saaxiibtaada.
Waa wax fiican in la lahaado saaxiib wanaagsan.