Dhammaan saaxiibadaydu waxay ku jiraan barnaamijka Lovoo. Maxay tahay midaasi?

Lovoo waa barnaamij la isku shukaansado.
Barnaamijka la isku shukaansado waa barnaamij ay dadku ku kulmaan kadibna meeshaasi isku shukaansadaan.
Waxaad dadkale kula kulmi kartaa tooska teleefoonkaaga gacanta casriga ah.
Waxaad arkaysaa sawirka qof uu leeyahay kadibna wax ayaad u qoraysaa.
Waxaa jira barnaamijyo shukaansi baddan oo kala duwan.

Waxaad kala kulmi kartaa saaxiibo baddan barnaamijka Lovoo.
Ama waxaad ku samayn kartaa xiriir.
Waxaad iskugu diiwaan gelin kartaa barnaamijka Lovoo si bilaash ah oo aan lacag ahayn.
Laakiin waa in ay da’daadu tahay 17 sanno jir.
Muhiim ah: Qaar kamid ah adeegaha uu bixiyo barnaamijka Lovoo waa kuwo lacag ah.

Dadka qaar waxay u isticmaalaan barnaamijyada shukaansiga sababo kale.
Waxaa dhici karta in ay ku dhagraan.
Ama waxaa dhici karta (kaliya) in ay doonayaan in ay galmo kula sameeyaan.
Sidoo kale mararka qaar waxay ka been sheegaan da’dooda.

Haddii aad doonaysid in aad qof la kulantid:
Kula kulan meel ay dadkale joogaan.
U sheeg waxa aad doonaysid iyo waxa aadan doonaynin.
Raadso caawimaad haddii aad dareentid in ay wax khaldanyihiin.

Aniga oo ah (gabar, 15 sanno jir ah) waxaan jeclahay in aan aado Oktoberfest ee ku taala Munich sannadkan. Anigu weligayga meesha ma tagin! Maxaan u baahanahay in aan oggaado?

Oktoberfest ku dhowaadkii waa bandhiga ugu weyn adduunka.
Maalmaha qaarkooda waxaa kasoo qayb gala dad tiradoodu gaaraysa 600,000.
Mararka qaarna midaan waxay noqon kartaa mid aan raaxo lagu dareemin.
Waxaad ka heli kartaa qaar naseexooyin ah halkan si aad u hubsatid in aad samaysid booqasho wanaagsan.

Oktoberfest waxay noqon kartaa mid aad u madadaalo baddan.
Sidoo kale waxaa jiri karta wakhtiyo aan wanaagsanayn oo ka dhaca Oktoberfest:
Haddii aad tahay keligaaga.
Haddii uu qof kugu xad gudbay.
Haddii aad la kulantid rabsho.
Intaan waa uun kaliya tusaalooyin yar.

Waxaynu jecelnahay in aynu dhahno: dareemahaagu waa kuwo caadi ah oona muhiim ah!
Haddii aad u baahantahay caawimaad aad Goobta Amniga ee loogu talogalay gabdhaha iyo dumarka.
Halkaas waxaa jooga gabdho wanaagsan oo kugu caawinaya wax kasta oo dhibaato ah oo aad qabtid.
Waxay halkaas joogaan maalin walba laga bilaabo 6 pm illaa 1 am iyo maalinta Sabtida laga bilaabo 3 pm illaa 1 am.
Goobta Amniga waxay ku taalaa Xarunta Adeega.
Booliiska, Laanqayrta Cas iyo xafiiska waxyaabaha la waayay ee la helo ayaa sidoo kale halkaas jooga.
Sidoo kale waxaad weydiin kartaa shaqaalaha amniga, booliis ama shaqaalaha adeega.
Waxay ku tusinayaan waddada.
www.sicherewiesn.de

Saaxiibadayda waxay rabaan in aan u raaco barkad biyo lagu dabaasho (14). Halkaasi waxaad ku arkaysaa dumar qaawan. Run miyaa midaasi?

Gabdhaha iyo wiilasha iyo nimanka iyo dumarka waxay jecelyihiin in ay aadaan barkada biyo ee lagu dabaasho.
Marka uu jawigu wanaagsanyahay waxay aadaan barkad biyo hawadeedu-furantahay ama war.
Halkan waxaa ku yaala inta badan dhul seere ah halkaas oo aad ku nasan karto kuna cadceedsato.
Waxaana sidoo kale ku yaala meelo loogu talogalay in lagu ciyaaro kubadna lagu dheelo.
Marka uu jawigu xunyahay dadku waxay aadaan barkadaha biyaha lagu dabaasho ee gudaha guryaha ku yaala.
Halkan waxay leedahay oo kaliya hal meel oo lagu nasto kadib dabaasha.

Qofkasta wuxuu xiranayaa dharka lagu dabaasho.
Waxay doonayaan in ay dabaashaan, nastaan oona baashaalaan.
Qofna ma doonayo in indhaha lagu taago ama la taabto.

Gudaha Yurub dad badan ma xirtaan dhar badan marka ay dabaalanayaan.
Midaana waxay tahay sababo macquul ah, si ay ugu oggolaato dharka qoyan in uu si dhakhso ah u qalalo.

In la daawado ama indhaha lagu taago dumarka ama gabdhaha waa mid aan ficnayn.
Mararka qaar dumarka iyo gabdhaha waxay u arkaan fiirmooyinkaan in ay yihiin dhibaatayn ama dhib u gaysasho.
Haddii aad doonaysid in aad fiirisid, hadaba ka dhig mid dhakhso ah.
Weligaaga laguuma oggolaanayo in aad qof taabatid ama dhibaato u gaysatid. Haddii kale waxaad ku dhacaysaa mushkilad.
In la taabto dumarka iyo gabdhaha waa mid mamnuuc ah ama reeban.

Haddii aad doonaysid in aad baratid gabar, waa in aad ula hadashaa si edboon oo ixtiraam leh.
Waxaad weydiin kartaa: Ma kuu soo iibin karaa jallaato?
Ama ma jeceshahay in aad ciyaartid kubada teeniska miiska?

Muhiim ah: Barro sida loo dabaasho si aan biyuhu kuu liqin!

Waxaan Facebook ku samaystay teleefoonkayga casriga ah. Sideen ku baran karaa dadka?

Facebook waa shabakad bulsho internetka ah.
Shabakada bulshadu waa:
Meel banaan oo aan la taaban karin halkaas oo dadka adduunka jooga oo dhani ku wada hadli karaan.
Instagram iyo WhatsApp sidoo kale waa shabakado bulsho.
Waxaad xiriir kula samaysan kartaa saaxiibo hore.
Waxaadna heli kartaa oodna baran kartaa saaxiibo cusub.

Waa arin xiiso leh in la barto dad cusub.
Laakiin mararka qaar waxaa khasab kugu ah in aad ka taxadirtid dadka aadan garanaynin.
Dadka aadan garanaynin waa dad aad kula kulantay ama ku baratay tooska internetka
oona aadan weligaaga u arkin si dhab ah.

Halkan waxaa ku qoran dhowr naseexooyin ah:
Qofna ha siinin magacaaga dhabta ah iyo cinwaankaaga.
Ha bixinin oo ha siinin lambarkaaga teleefoonka.
Ha gelinin sawirada saaxiibadaada internetka.
Waxaa dhici karta in aysan midaasi jeclayn.

Muhiim ah: Ha kula kulmin qof aadan aqoon u lahayn meel ka baxsan internetka adiga keligaaga.
Hore u wado qof aad si fiican u garanaysid.
Kula heshii in aad kula kulantid meel fagaare ah ama muqaayad.