Anigu waxaan ahay (15) mana la ii oggola in aan sigaar ku cabbo dalka Jarmalka. Sabab? Maxaana laga wadaa Jugendschutzgesetz (qaanuunka ilaalinta dhallinyarada)?

Qaanuunka ilaalinta dhallinyarada waxaa loogu talogalay in carruurta iyo dhallinyarada laga ilaaliyo dhibaatada.
Wuxuu si gaar ah u khuseeyaa meelaha ay dadweynaha isugu yimaadaan, taas oo macnaheedu tahay meel ka baxsan gurigaaga.
Dadka waaweyn waa in aysan u oggolaanin carruurta iyo dhallinyarada in ay waxaasi halkan ku sameeyaan.
Haddii ay u oggolaadaan, qofka weyn waxaa dhici karta in la ciqaabo.

Sharcigu wuxuu kala saarayaa carruurta iyo dhallinyarada.

Adiga maxaa mamnuuc kaa ah?
In aadan joogin makhaayadaha ama baararka kadib 11 habbeenimo.
In aadan ciyaarin khamaar lacag lagu dheelo.
In aadan cabbin khamro iyo in aadan sigaar cabbin.
In aadan soo iibsan ama soo kiraysan filimada aanan ‘la oggolaanin’.

Filim kasta waxaa loogu talogalay da’ khaas ah. Haddii aad ka yartahay da’da filimkaan loogu talogalay waa in aadan daawan.
Midaana waxay ku qorantahay baakada filimka korkiisa.
Xeerarkan ama sharciyadan sidoo kale waxay khuseeyaan ciyaaraha eliktarooniga ah, ciyaaraha teleefoonka gacanta iyo kombuyuutarka lagu ciyaaro.

Fiiri halkan si aad u oggaatid inbaddan:
https://www.rosenheim.de/fileadmin/Dateien/Jugendamt/Jugendschutztabelle_01.pdf
Loogu talogalay dadka waaweyn: waxaad ka dalban kartaa qaanuunka ama sharciga ku saabsan dhallinyarada ee ku qoran luuqado kale oo baddan halkan:
http://www.drei-w-verlag.de/shop/shop/juschg-tabelle-in-6-sprachen.html

Anigu waxaan ahay (gabar, 15 sanno jir ah) la iima oggola in aan banaanka kaligayga aado. Haddii ay gabdhaha saaxiibadayda ahi wax sameynayaan waxaan ku khasbanahay in aan diido ama in uu hore ii raaco walaalkayga. Maxaan sameeyaa?

Waxaad isku dayi kartaa in aad la hadashid waalidiintaada.
Sababtoo ah: waa adiga xaqaada in aad waxyaabaha kaligaaga samaysatid.
Waxaa jira xuquuqo ay carruurto leeyihiin.
Xuquuqahaan waxay khuseeyaan dhammaan carruurta iyo dhallinyarada adduunka oo dhan ku wada nool.
Waxaad u sharxi kartaa waalidiintaada seddex kamid ah xuquuqahaan.

Waxaad xaq u leedahay in laguula dhaqmo si sinaan ah!
Midaasna macnaheedu waxay tahay: waxaa khasab ah in laguula dhaqmo sida loola dhaqmo walaalkaaga oo kale.
Waxaad xaq u leedahay in aad qaadatid wakhti faraaqo iyo nasiinyo ah!
Midaasna macnaheedu waxay tahay: adigu sidoo kale waxaad nafsadaada go’aansan kartaa waxa aad qabanaysid wakhtigaaga faraaqada ah.
Waxaad xaq u leedahay in aad khaas la noqotid arimahaaga!
Midaasna macnaheedu waxay tahay: adigu sidoo kale waxaad u baahantahay in aad nafsadaada wakhti la qaadatid iyo gabdhaha saaxiibadaada ah.

Waxaa laga yaabaa in waalidiintaadu aanan warkaagu dhagaysan.
Waxaa dhici karta in aadan nafsadaada ku qabin kalsooni aad ayaga kula hadashid.
Haddii ay sidaas tahay waxaad aadi kartaa xarun caawimaad.
Halkaas waxaad ka heli kartaa tallo haddii aad dhibaatooyin qabtid.
Lataliyayaasha halkaas jooga ayaa la hadlaya adiga iyo waalidkaagaba.
Waxaad ka heli kartaa xarunta caawimaada halkan, tusaale ahaan:
http://www.bke.de/?SID=00F-6B8-FCB-4F5
Haddii aad ku qortid cinwaankaaga waxaad heli kartaa xarunta caawimaada adiga kuugu dhow.

Anigu waxaan ahay wiil 14 sanno jir ah. Haddii aan sameeyo wax khalad ah, aabahayga wuu i garaacayaa. Anigu aadbaan u ixtiraamaa aabahayga. Si kastaba, Waxaan doonayaa in uu arintaasi joojiyo. Sideen ugu sheegaa?

Marka hore waxaan jecelnahay in aynu arin kuu sheegno:
Gudaha dalka Jarmalka waa ka mamnuuc in carruurta la garaaco.
Sharcigu wuxuu dhigayaa:
Carruurtu waxay xaq u leeyihiin in la koriyo ayaga oo aan dhibaato loo gaysanin.
Waalidiintu marnaba si ula kac ah uma dhaawacayaan carruurtooda.
Waa in aysan u dhaawicin jir ahaan.
Iyo in aysan u dhaawicin nafsi ahaan.
Garaacu wuxuu sababayaa dhaawac jirka ku dhaca iyo mid nafsi ah.

Midaasi waa adiga xaqa aad ku leedahay ka ilmo ahaan waalidiintaada.
Sharcigaan wuxuu u jiraa si loo hubsado in ay carruurtu koraan ayaga oo caafimaad qabba.
Waxaad dhihi kartaan sidan.

Haddii aadan awoodin in aad la hadashid aabahaaga adiga naftaada waxaa jira xarumo dadka caawiya.
Gudaha magaalada Munich waxaad ka heli kartaa xarun caawimaad u dhow gurigaaga: http://www.muenchen.de/dienstleistungsfinder/muenchen/1053/
Carruurta iyo dhallinyarada ku nool guud ahaan dalka Jarmalka waxay wici karaan Nummer gegen Kummer: 116111
Waxaad si bilaash ah uga wici kartaa lambarkan teleefoonkaaga gacanta.
Waxaa jira dad meesha jooga laga bilaabo 2 duhurnimo ilaa 8 habbeenimo kuwaas oo aad la hadli karto.

Anigu inta baddan waxaan qabbaa calool xanuun ama madax xanuun. Waxaan dareemaa guud ahaan in aanan ficnayn. Dhakhtarku ima caawin karo. Hadda waxaa la iga rabaa in aan aado daaweyn cilmi nafsi ah. Miyaan waalanahay?

Adigu ma waalnid.
Waxaa jira xanuunada qaar kuwaas oo daawo u baahan.
Ama waxaad u baahnaanaysaa in aad biloowdid cunida ama cabida wax ka duwan wixii hore si aad u dareentid ficnaansho.
Kadibna waxaa jira xanuuno kale halkaas oo aan caddeyn waxa lagu daaweeyo.

Midaan waa sida xaalada xanuunada-caloosha iyo madaxa, tusaale ahaan.
Dhakhtarku wuxuu isku dayayaa in uu oggaado sababta keentay xanuunkaaga.
Midaan waxay noqon kartaa mid mararka qaar ay adagtahay maadaama ay sababtu noqon karto mid nafsiyan ah.

Haddii aysan kaa helin wax dhib ah oo ku haysta waxay kuu diraysaa daaweeye.
Daaweeyayaashu waa dhakhtaro cilmi nafsi ah kuwaas oo adiga kula hadlaya inbaddan.
Kadibna waxay isku dayaan in ay oggaadaan sababta keentay xanuunkaada.
Midaan adiga ayay kuu fiicantahay.

Waxaa jira sababo baddan oo xanuunka keena:
Sidoo kale xanuunka wuxuu ka dhashan karaa wel-wel, cabsi ama musiibo weyn. Ama wax aad u xun oo aad hore ula kulantay.
Daawada ayaa caddeynaysa sababta aad u dareemaysid xanuunka.
Iyo sida loo joojinayo xanuunkaada.
Alle haku caafiyo!

Hooyaday iyo ayeeyaday waxay dhahaan: “Haddii ay gabar fadhiisato ayada oo ay lugaheeda kala fogyihiin midaasi macnaheedu waxay tahay gabadhaasi ma ahaanayso mid bikrad ah.” Run miyaa arintaasi?

Arintaas oo kale ma ahan mid lagu sheegi karo qaabka uu qofka u fadhiisto.
Dadkii hore ama dadka waaweyn ayaa waxaas caado u ahaan jirtay in ay aaminaan sannado hore.
Sababtoo ah waxay rabaan in ay gabdhuhu u fadhiistaan ayaga oo lugaha isku haya.

Waxaa jirta sheekooyin baddan oo midaan la mid ah (khuraafaad):
Tusaale ahaan: “haddii ay gabdhuhu wadaan baaskiil ma ahaanayaan kuwo bikro ah.”
Ama: “gabdhuhu waa in aan boodin haddii kale waxaa jeexmaysa xuubka bikradooda.”

Hadaladaan waxay noqon karaan kuwo ay gabdhuhu ku wareeraan.
Waxay gabdhuhu ka celinayaan dhaq-dhaqaaqooda ama hab dhaqankooda.
Gabdhaha qaarkooda waxay noqdaan kuwo ka baqa in ay u dhaqmaan siyaabo gaar ah.

Waxaa jira fikrado lamid ah kuwaan oo ku saabsan caadada dhiiga iyo uurka:
Tusaale ahaan: “haddii haweenay ku dhaco dhiiga caadada waa in aysan iska dhaqin haddii kale way xanuunsanaysaa.”
Ama: “haweenaydu waxay uur ku qaadi kartaa haddii ay gasho barkada lagu dabaasho ayada oo aan galmo samaynin.”

Dhammaan hadaladaan waa kuwo khalad ah.
Haddii aad tahay gabar waxaa wanaagsan in aad weydiisid dhakhtarada cudurada haweenka.
Ayadu waxay ku siin kartaa macluumaadka saxda ah ee arintan ku saabsan.

Waalidiintaydu waxay dhahaan Aniga oo (16) ah in aan aad uga digtoonaado gabdhaha saaxiibadayda ah ee Jarmalka u dhashay. Dhammaan waxay hore galmo ula sameeyeen wiilal. Ma yihiin waalidiintaydu kuwo sax ah?

Anagu ma garanayno haddii gabdhaha saaxiibadaada ahi ay hore galmo u sameeyeen iyo haddii kale.
Galmadu waxaa loo samayn karaa qaabab kala duwan.
Kaalay aynu fiirino‘galmada’.
Galmada waxaa laga wadaa: in xubinka taranka wiilka la geliyo gudaha xubinka taranka gabadha.

Haddaba maxay inta baddan ee gabdhaha iyo wiilasha dalka Jarmalka u dhashay sameeyaan?
Inbaddan oo kamid ah dhallinyarada waxaa loo weydiiyaa si joogto ah.
Waxay uga jawaabaan si aan lagu oggaan karin: midaas oo macnaheedu tahay in aysan sheegin magacyadooda.

Ka waran fasal iskuul ka kooban 10 wiilal iyo 10 gabdhood oo ah isla da’daada oo kale.
Kaliya afar kamid ah gabdhahaan ayaa hore galmo u sameeyay.
Midaas macnaheedu waxay tahay: lix gabdhood ayaa weli sugaya muddo kale si ay galmo u sameeyaan.
Waa lamid wiilasha ay da’doodu tahay 16 sanno.
Halkan, sidoo kale, kaliya afar wiilal ayaa hore u sameeyay galmo.

Inbaddan oo kamid ah dhallinyarada weli waxay sii sugayaan inta ay kala kulmaan lammaanaha saxda ah.
Qaar waxay ka cabsadaan in ay uur qaadaan.
Qaarna weli waa kuwo aad u yar ama waxay ka baqaan waalidiintooda.
Gabar kasta ama wiil kasta waa in ay sameeyaan waxa ayaga u wanaagsan.

Waxaan dhowaanahaan bilaabay in ay timo igaga soo baxaan wejigayga waxaana ahay (wiil, 14 jir ah). Codkayga waa mid ka duwan sidii hore. Waxaan dareemayaa yax-yax.

Adigu waad wel-welsantahay sababtoo ah jirkaaga wuu isbedelayaa.
Laakiin midaasi waa arin gebi ahaanba caadi ah: adiga waad koraysaa.

Jirkaaga hadda wuxuu soo saarayaa hormoono galmo.
Hormoonadaan waa kuwo ku cusub jirkaaga.
Waxay u sheegayaan waxa u baahan in la bedelo.
Waxay si tartiib ah ugu bedelayaan jirkaaga jir qof-weyn.
Mudadaan isbedelka ah waxaa lagu magacaabaa ‘qaan-gaarnimo.

Waxaad bilaabaysaa in ay timo kaaga soo baxaan kilkishaada iyo meesha xubinka taranka.
Waxaad bilaabaysaa in uu gar kugu soo baxo, midkaas oo aad iska xiiri karto ama u deyn karto si uu u bato.
Codkaaga wuxuu iska bedelayaa codkii ilmo wuxuuna noqonayaa cod nin weyn.
Waxaad bilaabaysaa siigaysi.
Midaas macnaheedu waxay tahay: mini bacrin ayaa kasoo baxaysa xubinkaaga taranka.
Isbedelkaan ma ahan mid dhacaya isla markiiba, wuxuu qaadanayaa xoogaa wakhti ah.

Iyo: hoormoonadu waxay kaa dhigayaan in aad waxyaabaha u dareentid si xoogan.
Mararka qaar waxaad dareemaysaa murug aad ah, mararka qaarna carro aad ah iyo mararka qaar farxad aad ah.
Intaan oo dhan waa qayb kamid ah qaan-gaarnimada iyo koritaanka.
Isbedelkan ku dhaca dareenkana wuu iska degi doonaa hadhow markale.

Fasalkayga waxaa dhigata gabar 17 sanno jir ah. Waxay noo sheegtay in ay dhab ahaantii tahay wiil. Waan ku wareeray arintaasi! Sideen ula dhaqmayaa?

Gebi ahaanba waa arin la fahmi karo in aad ku wareertid.
Waxaan hubbaa in dhallinyaro baddani ay sidaasi dareemayaan.
Ayadu waxay kuu sheegtay arin muhiim ah oo nafsadeeda ku saabsan: waxay dareemaysaa in ay tahay wiil.
Nooca jirkeeda ma ahan nooca ay dareemayso in ay tahay.

Waxaynu jecelnahay in aynu kuu sharaxno:
Qofka aad tahay? Sida aad nafsadaada u aragtid? Midaan waa ‘shakhsiyada aad tahay’.
‘Aqoonsiga qofka’ waxaa laga wadaa nooca aad jeceshahay in aad ahaatid.
Haddii nooca aad dareemaysid in aad tahay aanan u dhigmin noocaaga jireed midaasi waxaa lagu magacaabaa:
‘Aqoonsiga-nooca’ ama ‘Nooca-qofka’.
Midaasna macnaheedu waxay tahay in qaar kamid ah gabdhaha ay dareemaan ay wiilal yihiin.
Iyo in qaar kamid ah wiilasha ay dareemaan in ay gabdho yihiin.
Qaar kamid ah dadka sidoo kale waxay dhashaan ayaga oo leh ‘labbada-xubin ee taranka’.
Midaasna macnaheedu waxay tahay in jirkooda uusan meelna u caddeyn labb ama dhedig toona.
Qaar kamid ah dadkaan ma dareemaan in ay yihiin labb ama dhedig midna.
Sidaas darteeda waxaad arkaysaa: in ay jiraan aqoonsiyo nooc baddan oo kala duwan!
Qaabka ugu wanaagsan ee la samaynayo waxay tahay in aad sii wadid ula dhaqmida sidii aad hore ula dhaqmi jirtay.
Ama waxaad ka codsan kartaa waxa ay jeceshahay ama uu jecelyahay in loogu yeero.
Tusaale ahaan, sida ayada ama asaga uu jecelyahay in loogu waco.