Waalidiintaydu waxay dhahaan Aniga oo (16) ah in aan aad uga digtoonaado gabdhaha saaxiibadayda ah ee Jarmalka u dhashay. Dhammaan waxay hore galmo ula sameeyeen wiilal. Ma yihiin waalidiintaydu kuwo sax ah?

Anagu ma garanayno haddii gabdhaha saaxiibadaada ahi ay hore galmo u sameeyeen iyo haddii kale.
Galmadu waxaa loo samayn karaa qaabab kala duwan.
Kaalay aynu fiirino‘galmada’.
Galmada waxaa laga wadaa: in xubinka taranka wiilka la geliyo gudaha xubinka taranka gabadha.

Haddaba maxay inta baddan ee gabdhaha iyo wiilasha dalka Jarmalka u dhashay sameeyaan?
Inbaddan oo kamid ah dhallinyarada waxaa loo weydiiyaa si joogto ah.
Waxay uga jawaabaan si aan lagu oggaan karin: midaas oo macnaheedu tahay in aysan sheegin magacyadooda.

Ka waran fasal iskuul ka kooban 10 wiilal iyo 10 gabdhood oo ah isla da’daada oo kale.
Kaliya afar kamid ah gabdhahaan ayaa hore galmo u sameeyay.
Midaas macnaheedu waxay tahay: lix gabdhood ayaa weli sugaya muddo kale si ay galmo u sameeyaan.
Waa lamid wiilasha ay da’doodu tahay 16 sanno.
Halkan, sidoo kale, kaliya afar wiilal ayaa hore u sameeyay galmo.

Inbaddan oo kamid ah dhallinyarada weli waxay sii sugayaan inta ay kala kulmaan lammaanaha saxda ah.
Qaar waxay ka cabsadaan in ay uur qaadaan.
Qaarna weli waa kuwo aad u yar ama waxay ka baqaan waalidiintooda.
Gabar kasta ama wiil kasta waa in ay sameeyaan waxa ayaga u wanaagsan.