Macalinkayga jooga iskuulka wuxuu i dhahayaa: Waxaad u baahantahay jacayl iyo isku soo dhowaansho si aad galmo qof ula samaysid. Muxuu yahay: Jacaylka iyo isku dhowaanshaha? Halkuuna xiriir kala leelayahay galmada la samaynayo?

Jacaylka iyo isku dhowaanshaha waa erey ay adagtahay in la micneeyo.
Waxaa laga wadaa: In aad qofka ugu kalsoontahay si aad ah.
Iyo in sidoo kale qofkaasi kugu kalsoonyahay.
Marna kuma dareemaysid xishood iyo yax-yax marka aad qofkaasi la joogtid.
Marka labadiina aad keli isla tihiin, “jacaylka iyo isku soo dhowaanshaha” wuxuu noqonayaa mid sii kobca.

Marka labbo qof ay isjecelyihiin, midaas macnaheedu waxay tahay:
In ay isku dhowyihiin.
Waxay iska fiiriyaan indhaha.
Waxay iskula hadlaan si hoos ah iyo cod macaan.
Way istaabtaan dabcan wayna is-daryeelaan.
Mararka qaar, labbada qofba waxay dareemaan rabitaan ah in ay isla sameeyaan galmo.

Laakiin midaasi ma ahan mid marwalba dhacaysa.
Mararka qaar hal qof ayaa doonaya kaliya in kasha la geliyo.
Midaasna macnaheedu waxay tahay: Qofkaasi waa mid faraxsan mana doonayo in uu wax kale sameeyo.
Muhiim ah: Labbada qofba waxay sameeyaan waxa ay doonayaan in ay sameeyaan.

Anigu waxaan ahay wiil 15-sanno-jir ah gabadhii saaxiibtayda ahaydna way iga tagtay. Laakiin dhab ahaantii aad ayaan isku jeclayn. Anigu ma aqbali karo kala-tageena. Aad ayay ii dhaawacaysaa. Sidaas darteeda inta baddan waan kadaba galaa iskuulka kadib waxaana isku dayaa in aan dib usoo ceshto. Shalay waxay ii sheegtay in aan la ii oggolayn in aan sidaasi sameeyo. Midaasi sax miyaa?

Haa, waa sax. Adigu laguuma oggola in aad daba raacdid qofna asaga oo aan midaasi raali ka ahayn.
In la kala tago gabar saaxiibtaada ah ama wiil saaxiibkaaga ah marwalba waa mid xanuun baddan.
Xanuunkuna wuxuu noqonayaa mid aad u weyn, haddii aad weli qofkaasi jeceshahay.

Laakiin jeceylku waa mid ku saabsan labbo qofood.
way adagtahay in aad iska fasaxdid saaxiibtaada.
Laakiin adigu ma haysan kartid haddii aysan ayadu midaasi doonaynin.
Xiriirka jacaylka ku dhisan wuxuu wanaagsanyahay marka uu yahay mid si iskaada ah uu qofka uga yimaado.
Midaasna macnaheedu waxay tahay marka labadiinu aad midaasi wada doonaysaan.

Adiguba ma jeclaan lahayn haddii laguugu khasbo jeceylka.
Sidoo kale waa mid lid ku ah sharciga in qof ladaba galo.
Midaasna macnaheedu waxay tahay in la daba galo qof aanan doonaynin daba galka.

Isku day in aad iska iloowdid oona ku fikirtid waxyaabo kale.
Waxaa jira qaabab baddan oo kugu caawin kara in aad dhaydid qalbiga jabay:
Qof u sheeg arinta.
Dabcan xitaa ooy.
Dheel ciyaar ama samee jimicsi ama waxyaabo kale oo aad jeceshahay in aad samaysid.

Anigu waxaan jeclahay qof laakiin ima oga qofkaasi in aan jeclahay. Waan jeclaan lahaa in aan qofkaasi la hadlo oona isbarano. Sideen qofkaasi hadalka ugu bilaabi karaa?

Ma u malaysaa qof in uu qurxoonyahay, wanaagsanyahay ama aad u fiicanyahay.
Haddaba adiga jacayl ayaa ku haya.
Hadda waxaad u baahantahay in aad qofkaasi baratid.
Kadibna markaasi unbaad oggaan kartaa haddii uu qofkaasi sax kuu yahay adiga iyo haddii uusan kuu ahayn.
Iyo haddii uu asaga ama ayada ku jeceshahay ama aan ku jeclayn.
 
Waa muhiim in aad ahaatid qof ixtiraam leh marka aad qofkale isbaraysid.
Si aynu kuugu fududeyno, halkan waxaa ku qoran naseexooyin ku saabsan shukaansiga ama haasaawaha:

  1. Biloow xiriirka marka aad farxad dareemaysid.
  2. Xiro labis wanaagsan laakiin aad raaxo ku dareemaysid si aad u dareentid ficnaansho.
  3. Istaag meel u dhow qofka laakiin haku dhegin ee masaafo sii qofka kale.
  4. Fiiri qofka oona ka eeg indhaha.
  5. Dheh: “Waxaan jeclahay in aan ku barto. Ma suurtoobaysaa MIDAASI?”
  6. Haddii ay haa tahay weydii qofka wax asaga ama ayada ku saabsan. Su’aalooyin ku saabsan muusikada ama hiwaayadaha ay jecelyihiin.
  7. Muuji in aad danaysid qofka.
  8. U sheeg waxa aad ku jeceshahay qofka.
  9. Ammaanta koowaad waa in aysan noqonin mid ku saabsan jirka qofka.
  10. Ku dheh, tusaale ahaan, in aad u aragtid in dookhiisa ama dookheeda muusikada ay wanaagsantahay ama qaabka uu u hadlo qofka.
  11. Waad oggaan doontaa haddii uu qofka kuu jecelyahay sidaada oo kale.

Runtii waxay u baahantahay geesinimo aan caadi ahayn si qof loo barto.
Mararka qaar waxaad la hadlaysaa qof haddana waxaad arkaysaa in qofkaasi aanan wax xiiso ahba kuu qabbin adiga.
Dabcan midaan waa arin murugo kuu leh adiga.
Si kastaba ha ahaatee, haddana way wanaagsantahay in aad oggaatid.

Aniga oo ah (wiil 15 jir ah) waxaan saaxiib la’ahay gabar Jarmal u dhallatay. Inta baddan waxaynu kala leenahay fikrado kala duwan: waxay u labisataa si dareenka qofka kicinaysa. Inta baddan ayadu waxay samaysaa waxyaabo ayada oo aan ii sheegin ama aan ila soconin. Anigu midaasi ma jecli. Ma yihiin dhammaan gabdhaha Jarmalka kuwo sidaan oo kale ah?

Ma ahan dhammaan gabdhaha Jarmalka kuwo isku mid ah.
Si kastaba, waxyaabahaan soo socda waa kuwo aad muhiim ugu ah inbaddan oo gabdhaha iyo dumarka ah:
Waxay doonayaan in ay u noolaadaan si xuriyad ah oo la mid ah sida ay wiilasha iyo nimanku u noolyihiin.
Midaan macnaheedu waxay tahay: waxay doonayaan in ay helaan xuquuqo isku mid ah.

Si kastaba, midaasi macnaheedu ma ahan in ay doonayaan in ay helaan lammaane kale ama gooni ah.
Kaliya waxay tahay gabdhuhu in ay rabbaan in ay qaraarkooda gacantooda- ku samaystaan.
Waxay doonayaan in ay go’aankooda ayaga qaataan, tusaale ahaan:
Waxay rabbaan in ay xirtaan dharkasta oo ay jeclaadaan.
Waxay doonayaan in ay la kulmaan gabdhaha ay saaxiibada yihiin, xitaa ayaga oo aan lala soconin.
Sidoo kale qaarkooda waxay doonayaan in ay saaxiibo la noqdaan wiilal.
Si kastaba, midaan waxba ma khuseyso xiriirka aad la leedahay gabadha.
Saaxiibtaada aad ayay kuu jeceshahay.
Laakiin sidoo kale ayadu waxay doonaysaa in ay sii wadato la kulanka dad kale, gabdho iyo wiilalba.
Gabar kasta waa mid ka duwan mida kale.
Kala hadal saaxiibtaada waxyaabaha dareenkaaga ku saabsan.
Isku sheega waxa aad iska rabtaan.
Kadibna waxaad isku fahmi doontaan si wanaagsan.

Waalidiintaydu waxay i bareen in haweenayda wanaagsan ay tahay in ay guursato nin. Kadibna waxay dhallaysaa carruur. Laakiin anigu ma doonayo in aan guursado. Miyaan ahay anigu haweenay wanaagsan?

Dalkaan Jarmalka, dadku waxay u wada noolaan karaan qaabab baddan.
Halkan waxaa ku qoran qaar tusaalooyin ah:
Nimanka iyo haweenka qaarkooda way isguursadaan waxayna iska dhallaan carruur.
Nimanka iyo haweenka qaarkooda waxay iska dhallaan carruur ayaga oo AAN isguursan.
Nimanka iyo haweenka qaarkooda way isguursadaan carruurna ISKUMA dhallaan.

Lammaanaha qaarkooda way kala tagaan ama way isfuraan.
Midaas macnaheedu waxay tahay in ay dhammeeyeen xiriirkooda.
Qaar kamid ah lammaanahaan waxay leeyihiin carruur.
Kadibna carruurta waxay la noolaan karaan hooyadooda ama aabahooda.

Nimanka iyo haweenka qaarkooda waxay yihiin kuwo khaniisiin ah.
Waxay xiriir la yeelan karaan qof ay isku nooc yihiin.
Dadka qaar waxay ku noolyihiin guri ay dad kale wadaagaan.
Midaas macnaheedu waxay tahay in ay si wada jir ah u noolaadaan laakiin ma ahan kuwo xiriir ku jira ama qoys ah.
Niman iyo dumar baddan ayaa sidoo kale ah kuwo keligooda nool marka ay waynaadaan.

Qofkasta asaga ayaa go’aansanaya sida uu doonayo in uu u noolaado.
Dhammaan doorashooyinkaan waa kuwo lagu oggolyahay gudaha dalka Jarmalka.
Qofna tusaalooyinkan kujira ma ahan mid xun ama fiican.
Qofna looma takoorayo ama looma maxkamadaynayo dhaqankaan darteeda.
Wax dhib ah malahan haddii aadan doonaynin in aad guursatid.
Adigu ma tihid qof xun ama gabar xun.

Aniga iyo saaxiibtayda waxaan jirnaa 17 sanno. Waxay ii sheegtay in ay gabar jeceshahay. Ma garanayo waxa aan ku dhaho. Sideen ula dhaqmaa?

Ula dhaqan sidii aad awol hore ula dhaqmi jirtay.
Ayadu waxay jeceshahay qofkale oo ay isku nooc yihiin.

Haddii aad jeceshahay qof aadan isku nooc ahayn sida wiil, midaasi waxaa lagu magacaabaa xiriir nooca kale lala sameeyo.
Haddii aad jeceshahay qof aad isku nooc tihiin sida gabar kale, midaasi waxaa lagu magacaabaa xiriir khaniisnimo.
Gabdhahaasna waxaa lagu magacaabaa khaniisiin.
Wiilasha ayaga isjeclaadana waxaa lagu magacaabaa khaniisiin.
Qofna ma dooran karo sida uu dareemayo.
Dadka qaarkooda waxay jeclaadaan dad labbada noocba ah.
Haddii aad mararka qaarkooda tahay qof jeceyl noocaaga marar kalena qof aan noocaaga ahayn, midaasi waxaa lagu magacaabaa qof labbada noocba u galmooda ama jeceyl.
Midaasna gebi ahaanba waa mid caadi ah.
Waxaa jira qaabab baddan oo qof la gula midoobi karo.
Laakiin nasiib daro, ma ahan dhammaan kuwo laga aqbalayo waddamada qaarkooda.

Gabdho iyo wiilal baddan way ku adagtahay in ay noqdaan kuwo khaniisiin ah.
Waxaa hubaal ah saaxiibtaada in ay ku adagtahay in ay midaasi dadka u sheegto.
Midaasi waxay u baahantahay geesinimo aan caadi ahayn.
Maadaama ay adiga kuu sheegtayna midaasi macnaheedu waxay tahay in saaxiibtaadu ay adiga kugu kalsoontahay.

Waxaa dhici karta in aadan fahmin sababta ay jeceyl ugu qaaday gabar kale.
Adigu khasab kuguma ahan in aad midaasi fahantid.
Mida muhiimka ahi waxay tahay in ay saaxiibtaadu weli tahay qofkii ay awolba ahayd.
Waxaa dhici karta in aad ka cabsanaysid in aad adigu tahay qofka ay jeceshahay.
Laakiin midaasi inta baddan ma ahan mid run ah.
Weli waxaad saaxiibo u ahaan kartiin sidii caadiga ahayd.
Dhagayso oona isla baashaala ama isla sameeya waxyaabo madadaalo ah.
Saaxiibtaada weligeeda waxay ahaanaysaa saaxiibtaada.
Waa wax fiican in la lahaado saaxiib wanaagsan.

Waxaan ahay wiil 15-sanno-jir ah. Waxaan u malaynayaa in aan jeclahay wiil kale. Ma tahay midaasi mid mamnuuc ah ama reeban? Maxaan samayn karaa?

In qofka uu jeceyl ku dhaco waa dareen aad u wanaagsan mana ka ahan mamnuuc ama mid ka reeban gudaha dalka Jarmal!
Mararka qaar gabar ayaa jeceyl u qaadaysa gabar kale.
Mararka qaarna wiil ayaa jeceyl u qaadaya wiil kale.
Midaasi gebi ahaanba waa mid caadi ah.
Ma ahan mid mamnuuc ah ama reeban.

Waddamada iyo diimaha qaarkooda, dadku waxay dhahaan midaasi waa dambi wayn.
Sidaas darteeda waxaa laga yaabaa in aad u malaysid in dareemahaagu ay yihiin kuwo xun.
Sidaas darteedna ma doonaysid in aad qaadid dareemahaasi.
Laakiin anagu waxaynu jecelnahay in aad oggaatid:
In dareemahaagu ay yihiin kuwo dabiici ah oona ahayn dambi.
Adigu ma dooran kartid dareemahaaga.
Dareemahaagu waa kuwo caadi ah.

Mararka qaar dadku waxay u arkaan in ay wanaagsantahay in aad qof u sheegtid.
Laakiin in dareemahaaga qof loo sheego ma ahan mid fudud waxayna u baahantahay geesinimo.
Dabcan waxaad kala hadli kartaa dareemahaaga qof aad ku kalsoontahay.
Waxaad ka heli doontaa caawimaad badan boggaan internetka ah: www.sextra.de

Waxaan jeclahay gabar. Dhabtiina waxaan jeclahay in aan xiriir la sameeyo. Maxaa ila gudboon in aan sameeyo?

In jeceyl la qaado waa wax wanaagsan.
Waxaad doonaysaa in aad wakhti badan ayada la qaadatid.
Waxaad doonaysaa in aad u sheegtid in aad jeceshahay.
Taasina waa mid wanaagsan oona caadi ah!

Laakiin mararka qaar waxaad u malaynaysaa in ay arinta u socoto si tar-tiib ah.
Waxaa dhici karta in ay ayaduna ku jeceshahay.
Waxaa dhici karta in aysan arinta hubin.
Waxaa dhici karta in aysan ku jeclayn.

Waxyaabaha uu qofka kale jecelyahay waa kuwo aad muhiim u ah.
Adiga waxaa laguu oggolyahay marwalba in aad sheegtid waxa aad doonaysid.
Adiga waxaa laguu oggolyahay in aad sheegtid ama cabirtid dareemahaaga.

Weydii gabadha waxa ay ayadu rabto.
Ayadana sidoo kale waxaa loo oggolyahay in ay sheegto waxa ay dareemayso iyo waxa ay rabto.
Adigu laguuma oggola in aad ayada taabato ama dhunkato haddii aysan ayadu midaasi doonaynin.
Laakiin ayadana sidoo kale looma oggola in ay ku taabato ama ku dhunkato haddii aadan midaasi doonaynin.

Waxaan jeclahay in aan la saaxiibo gabar Jarmal ah. Maxaa ila gudboon in aan sameeyo?

Sideed ku baranaysaa gabdhaha jooga dalka Jarmalka?
Iskuulka, ciyaarida ciyaaraha, naadiyooyinka iyo meelaha lagu dheelo ee diskiyoowyada ah iyo xafladaha.
Saaxiibo ayaa ku baraya.

Gabdhaha iyo wiilasha waxay doonayaan in ay baashaalaan.
Waxaa dhici karta in ay u labistaan si ka duwan sidii aad u baratay.
Taasi waa mid caadi ka ah halkan.
Macnaheedu kama dhigna in ay yihiin dad xun.

Waxay mudanyihiin in lagu ixtiraamo doorashadooda.
Xitaa haddii ay xirtaan dhar qaawan, macnaheedu ma ahan ayagu in ay doonayaan in la taabto.
Waxay doonayaan in ay inbadan kula hadlaan.

Inbadan oo wiilasha iyo gabdhaha kamid ahi waa kuwo si aad ah isaga taxadira.
Waxay fiiriyaan haddii ay arinta sii wadi karaan.
Kadibna waxay ku dhacaan jeceyl.
Ayagu kaliya waxay isdhunkan karaan marka ay labudaba sidaasi doonayaan.

Saaxiibkayga oo jira (15) iyo aniga oo jira (15) aad ayaynu isku jecelnahay. Wuxuuna doonayaa in uu galmo ila sameeyo. Ma ku khasbanahay in aan galmo la sameeyo si uusan iiga tagin?

Waa arin wanaagsan in labadiinuba aad isjeceshihiin.
Haddaba saaxiibkaaga wuxuu doonayaa in uu galmo kula sameeyo.
Wuu jeclaan karaa in uu jirkaaga taa-taabto oona sidaasi adiga iskula kacsataan ama raaxaysataan.
Taasi dhib malahan.

Laakiin adiga ma doonaysid.
Taasi gebi ahaabna waa mid caadi ah.
Labbo qof oo isjeceyl ma ahan in ay marwalba hal shay isla wada jecelyihiin.

U sheeg in aad jeceshahay.
Laakiin aadan doonaynin in aad galmo la samaysid.
Waxaa dhici karta in uu muraal jabo una maleeyo in aadan jeclayn asaga.
Si cad ugu sheeg in aad weli u baahantahay wakhti dheeri ah kahor inta aadan samaynin galmada.

Galmadu waxay macaantahay marka ay labbada qofba wada doonayaan.
Laakiin ma wanaagsana in galmada loo sameeyo kaliya in uu qofka kale doonayo.

Waxaa dhici karta in uu sugo illaa aad adiguna sidoo kale ka doonaysid in aad galmo samaysid.
Waxaa dhici karta in uu isku dayo in uu ku qanciyo oona arinta kaa dhaadhiciyo.
Waxaa kaloo dhici karta in uuba kaa tago.
Laakiin galmadu ma ahan mid dammaana qaadaysa in uu weligiisa kula joogayo.

Sidaas darteeda waa muhiim in aad NAFSADAADA ka taxadirtid.
Waa muhiim in aad oggaatid waxa AAD doonaysid iyo waxa ADIGA kuu fiican.