Waxaa jira xuquuqo gaar ah oo loogu talogalay carruurta halkan Jarmalka. Maxaa laga wadaa midaasi?

Xuquuqaha banii’aadamka UN-ka waxay khuseeyaan ku dhowaadkii meel kasta oo adduunka ah.
Waxay dhigaan: in dhammaan dadka oo dhan ay si siman qiimo u leeyihiin oona yihiin kuwo muhiim ah.
Sidaas darteeda, dowladu waa in ay ula dhaqantaa dadka oo dhan si isku mid ah.

Xuquuqaha banii’aadamka sidoo kale waxay khuseeyaan carruurta.
Si kastaba, carruurtu waxay u baahanyihiin xitaa xuquuqo dheeraad ah.
Si midaan loo gaaro waxaa jira Heshiiska ku saabsan Xuquuqaha Ilmaha.
Dhammaan carruurta waa in loola dhaqmo si isku mid ah.
Dhammaan carruurta waa in la ilaaliyo.
Dhammaan carruurta waa in la dhiirageliyo.
Fikradaadu waa muhiim waana in la maqlo.
Kuwaan waa xuquuqaha carruurta.

Xuquuqaha carruurta waxaa lagu dabakhaa adduunka oo dhan ku dhowaadkii waddan kasta.
Waxay khuseeyaan dhammaan carruurta oo dhan laga bilaabo marka ay dhashaan illaa ay ka gaaraan 18 sanno jir.
Dadka waaweyn waxay masuul ka yihiin in ay xuquuqahaan siiyaan carruurta.
Xuquuqaha carruurtu waa kuwo aad muhiim ugu ah gudaha dalka Jarmalka.
Gabdhuhu waxay leeyihiin isla xuquuqaha ay wiilashu leeyihiin.
Dhammaan dadka ku nool gudaha dalka Jarmalka waa in ay ihtimaan siiyaan xuquuqaha carruurta.
Maxay yihiin xuquuqaha aad leedahay maadaama aad tahay ilmo ama qof yar?
Su’aashaan jawaabteeda waxaan ku sharxi doonaa maqaal kale.

Anigu waxaan jiraa 16 waxaana u sheegay saaxiibadayda in aan khaniis ahay. Hadda inbaddan oo wiilasha kamid ahi ma doonayaan in ay saaxiibo ila noqdaan. Qaarkoodna waaba kuwo aad xaasidiin u ah. Maxaan sameeyaa?

In aad u sheegtid saaxiibadaad arintaasi waxaa lagu magacaabaa ‘banaan usoo bixid’.
Arintaasi waa mid wanaagsan oona aad geesinimo u ah!
Inbaddan oo kamid ah dhallinyarada waxay ka baqaan in ay banaanka usoo baxaan.
Waxay ka cabsadaan in laga diido dhinaca waalidiintooda ama saaxiibadooda.
Nasiib daro, midaan waa xaaladaha intooda baddan.
Welina waxaa jira dad ku xukumaya.
Midaan waa arin aad murugo kuugu leh adiga iyo muraal jab.
Si kastaba, waxaa jira dad baddan oo maskax-furan – kaliya waa in aad adigu raadisid.

Waxaa jira wiilal baddan oo jacayl u qaada wiilasha!
Inta baddan waxaa wanaagsan in aad kala hadashid wiilal kale oo khaniisiin ah.
Waxaad ka heli kartaa kooxo dhallinyaro adiga kuu dhow halkan:
https://diversity-muenchen.de/
Halkaas waxaad ka heli doontaa dad ku fahma.
Sidoo kale halkaasi waxaad ka heli kartaa saaxiibo cusub.
Sababtoo ah adiga waxaad ku FIICANTAHAY sida aad tahay!
Waxaa jiri kara qof dhigta iskuulkaaga midkaas oo ku caawin kara.
Sidoo kale waxaad caawimaad ka heli kartaa xarunta talada:
https://diversity-muenchen.de/beratung-aufklaerung/beratung-hilfe/beratung-bis-27-jahre/

beratung@gladt.de: halkan waxaad ka heli kartaa caawimaad ku qoran luuqadahaan soo socda: Jarmal, Carabi, Turkish, Ingiriisi, Faransiis iyo Kurdish. Luuqado dheeri ah waxaa la helayaa marka la dalbado!

Ilmo adeertaydu waa 15 sanno jir oona guursatay. Wakhti dhow ayay waxay Jarmal la timid ninkeeda (25 sanno jir ah). Guurkaasi halkan laguma aqbalin. Sabab loo diiday?

Ilma adeertaadu waxay kusoo guursatay dibada.
Dalka Jarmalka, guurka kaliya waxaa la aqbalayaa kadib dhallashadaada 18aad ama kadib marka aad gaartid sideed iyo tobban sanno.
Marka labada qofba ay yihiin 18 sanno.
Mararka qaar guurka waxaa la aqbalayaa marka mid kamid ah lammaanaha uu yahay kaliya 16 ama 17 sanno jir.
Midaana waxaa laga go’aaminayaa dhinaca maxkamada qoyska.
Waa in la sameeyaa codsi kahor guurka.

Haddii uu qof ka yaryahay 16 sanno jir kuma guursanayaan gudaha dalka Jarmalka.
Sidaas darteeda, guur kusoo dhammaaday dibada halkan laguma aqoonsanayo.
Sababtuna waxay tahay dadku waa in ay ahaadaan kuwo qaan gaaray si ay u guursadaan.

Gudaha dalka Jarmalka dowladu waa in ay ilaaliso carruurta iyo dhallinyarada.
Dowladu waa in ay hubsato in ay dhallinyaradu u guursadaan si iskaada ah oo ayaga rabbitaankooda ku dhisan.
Midaan macnaheedu waxay tahay: qofna kuma khasbayo ama kama dhaadhicinayo qofkale si uu u guursado (tusaale ahaan, qoyska).
Waa in ay ayaga nafsadoodu go’aansadaan.
Waana midaan sababta da’da guurku ay u tahay in loo xadido qaabkan.

Wiil dhigta fasalkayga ayaa igu yiri: “gabdhuhu waxay marwalba dhahaan maya marka ugu horeysa ee galmo la weydiiyo xitaa waloow ay rabbaan in ay galmo sameeyaan. Ayagu waxay doonayaan in la qanciyo.” Arintaasi run miyaa?

Waxaa jira hadalo baddan oo ay dadku dhahaan oo midaan la mid ah.
Tusaale ahaan: “wiilashu waa in ay ayagu qaadaan tallaabada koowaad”.
Ama: “gabdhuhu ma garanayaan waxa ay doonayaan”.
Midaan inta baddan ma ahan mid run ah.
Mararka qaar gabdhuhu waxay u fikiraan: Waa in aanan u dhihin haa isla markiiba.
Haddii kale wiilka wuxuu ii malaynayaa in aan ahay qof si fudud lagu helo.
Ayada oo aan la eegaynin sababta: gabadhu waxay dhahdaan maya marka koowaad.
Ayadu weli si buuxda kuuguma kalsoona.

Xaaladu sidoo kale waxay noqon kartaa mid aan ku caddeyn shukaansi ahaan.
Ma ahan mid ay marwalba fududahay in la fahmo haddii uu qof ula jeedo ama ka wado ‘haa’ ama ‘maya’.
Intaan dhammaan waa qayb kamid ah shukaansiga waxayna noqon kartaa mid xiiso leh.
Waa muhiim in aad feejignaatid.
Haddii kale waxaad dhaawac gaarsiinaysaa qofka kale.

Waana midaas sababta ay khasab u tahay in aad marwalba ixtiraamtid MAYA.
Qofna laguma qancinayo in uu galmo sameeyo.
Gabdhaha IYO wiilasha dhammaan waxay doonayaan in loo qaato si dhab ah.
Haddii aadan hubin: kaliya weydiiso.
Inbaddan oo kamid ah gabdhaha sidaan ayay dhab ahaantii jecelyihiin!
Macluumaad baddan waxaad ka heli kartaa halkan: http://www.echt-krass.info/trial_error.html

Masuuliyadaydii hore oo ah (22) jir iyo Aniga oo (wiil 16,) jir ah ayaa isjeceyl. Saaxiibadaydu waxay dhahaan: arintaan waa mid mamnuuc ah. Run miyaa arintaasi? Ayadu hadda waxay ka shaqaysaa hay’ad kale.

Waxa ay kuu sheegayaan saaxiibadaadu waa uun qayb runta kamid ah.
Weligeeda mamnuuc ma noqonin in qof la jeclaado.
Si kastaba, waa mid ay ka duwantahay marka ay arintu timaado xiriir jirka ah.
Qofka masuulka ahi waa in uusan galmo kula samaynin ama ku dhunkanin.
Adiga waxaad tahay qofka ay ‘ilaaliyaan’ adiguna ayaga ayaad ku tiirsantahay.
Qofka adiga ku ilaalinaya waa in uusan galmo kula samaynin.
Xitaa haddii aad doonaysid.
Waa arin mamnuuc ah.

Waa arin kale marka aysan ayadu kuu ahayn adiga masuulkaaga.
Markaasi ma ahan sharci ahaan mid mamnuuc ah.
Arinta muhiimka ahi waxay tahay:
Waa in aad dhammaantiinu wada rabtiin xiriirka.
Waa in aad dhammaantiinu wada rabtiin xiriirka jirka ah.
Haddii aad dhammaantiinu wada rabtiin isku shay markaasi waa Caadi.
Si kastaba, mararka qaar way adagtahay in la oggaado haddii aad sidaas rabtid iyo haddii aadan rabin.
Mararka qaar adigu waxaad doonaysaa in aad qof ka farxisid.
Kadibna waxaad samaynaysaa waxyaabo aadan dhab ahaantii doonaynin.
Way adagtahay in la sheego farqiga.
Waxaa dhici karta in aad qof u sheegtid kadibna qaadatid talada lagu siiyo.

Aniga oo ah gabar (14 sanno jir ah) waxaa igu dhacay dhiigayga caadada todobaadkii lasoo dhaafay. Waxaan isticmaalay suufka dhiiga laga xirto waxaana si kedis ah ku bilaabay in uu dhiig xoogan iga yimaado. Waan cabsanayaa waxaa laga yaabaa in aan dhaawac gaarsiiyay xuubkayga bikrada. Maxaan sameeyaa hadda?

Adigu ma ahan in aad cabsatid.
Socodka dhiiga caadadaada iyo xoogiisa waa mid ay ka duwantahay sida caadiga ah mararka qaar.
Midaasi waxay noqon kartaa sababta uu dhiiga xoogan kaaga yimid.

Ma garanaysaa sida uu u egyahay xuubka bikrada?
Ii oggoloow in aan kuu sharxo:
Inbaddan oo dadka kamid ahi waxay aaminsanyihiin in maqaarkeeda ku koro dusha xubinka taranka.
Laakiin midaan waa khalad: xuubka bikradu waa uun duub.
Duubka wuxuu ku wareegsanyahay godka xubinka taranka.
Duubkan marwalba waa mid qaabkiisu duwanyahay:
Mararka qaar waa mid aad u yar oona ay adagtahay in aad aragtid.
Mararka qaarna waa mid weyn wuxuuna leeyahay kaliya god yar.

Arinta muhiimka ahi waxay tahay: in xuubka bikrada gabar kasta uu ka duwanyahay mida kale.
Kaliya ku dhowaadkii nus kamid ah dhammaan gabdhaha oo dhan ayaa dhiiga ka yimaada marka ugu horeysa ee ay galmo sameeyaan.
Kuma oggaan kartid adiga oo fiiriya in ay gabar galmo samaysay iyo in aysan samaynin.
Haddaba adiga uma baahnid in aad wel-weshid gebi ahaanba.
Haddii aad jeceshahay talo dheeri ah waxaad booqan kartaa dhakhtarka cudurada haweenka ama xafiiska ProFamilia (https://www.profamilia.de/)
Waxaad ka oggaan kartaa waxa meesha ka dhacaya gudaha su’aashan: Dhammaan gabdhaha saaxiibadayda ah ee iskuulka dhigta waxay hore ula kulmeen dhakhtarada cudurada haweenka. Aniga oo (14) jir ah sidoo kale miyaan u baahanahay in aan aado? Haddii aan aado maxaa dhacaya?

Dhammaan gabdhaha saaxiibadayda ah ee iskuulka dhigta waxay hore ula kulmeen dhakhtarada cudurada haweenka. Aniga oo (14) jir ah sidoo kale miyaan u baahanahay in aan aado? Haddii aan aado maxaa dhacaya?

Waxaa khasab kugu ah in aad u tagtid dhakhtarada cudurada haweenka haddii aad:

  • Qabtid su’aalo ku saabsan galmada iyo jirkaaga.
  • U baahantahay waxyaabaha uurka celiya.
  • Uur leedahay.
  • Xanuun ka dareemaysid calooshaada hoosteeda ama xanuun dareentid marka uu kuu yimaado dhiiga caadadaada.
  • Jeceshahay in aad joojisid uurka.

 
Dhakhtarada cudurada haweenka ayaa marka hore kula hadli doonta.
Ayadu waxay doonaysaa in ay oggaato sida aad u doonaysid in ay kuu caawiso.
Kadibna adiga ayaa u go’aansanaya si wada jir ah haddii aad samaynaysid baaritaan iyo haddii kale oo aadan samaynaynin.
Kadibna waxaad iska bixin doontaa dharka.
Haddii aad xirantahay goono kaliya waxaad iska bixinaysaa kastuumadaada.
Kadibna dhakhtarada waxay baaritaan ku samaynaysaa ‘xubinkaaga taranka’.
Midaasna macnaheedu waxay tahay: ayadu waxay isticmaalaysaa qalab wax lagu fiiriyo si ay ugu fiiriso gudaha xubinkaaga taranka.
Qalabka wax lagu fiiriyo waa tuubo yar, oo bir ah.
Waxaa la gelinayaa gudaha xubinkaaga taranka si ay dhakhtaradu u fiiriso gudaha.
 
Baaritaanku ma ahan mid marwalba lagama maarmaan ay tahay in la sameeyo.
Adiga ayaa go’aansanaya haddii la samaynayo baaritaanka.
Dhakhtaradu waxay fiirin doontaa haddii aad weli bikro tahay.
Xuubka bikradu ma ahan inta baddan mid dhaawac gaara.
Waxaad halkan ka daawan kartaa dhakhtarad sharxaysa waxa la samaynayo: https://gutzuwissenfilm.wordpress.com/ (fiidiyow ah luuqadaha Jarmalka, Turkishka, Faarisi, Carabi iyo Ingiriisi)

Anigu waxaan jeclahay qof laakiin ima oga qofkaasi in aan jeclahay. Waan jeclaan lahaa in aan qofkaasi la hadlo oona isbarano. Sideen qofkaasi hadalka ugu bilaabi karaa?

Ma u malaysaa qof in uu qurxoonyahay, wanaagsanyahay ama aad u fiicanyahay.
Haddaba adiga jacayl ayaa ku haya.
Hadda waxaad u baahantahay in aad qofkaasi baratid.
Kadibna markaasi unbaad oggaan kartaa haddii uu qofkaasi sax kuu yahay adiga iyo haddii uusan kuu ahayn.
Iyo haddii uu asaga ama ayada ku jeceshahay ama aan ku jeclayn.
 
Waa muhiim in aad ahaatid qof ixtiraam leh marka aad qofkale isbaraysid.
Si aynu kuugu fududeyno, halkan waxaa ku qoran naseexooyin ku saabsan shukaansiga ama haasaawaha:

  1. Biloow xiriirka marka aad farxad dareemaysid.
  2. Xiro labis wanaagsan laakiin aad raaxo ku dareemaysid si aad u dareentid ficnaansho.
  3. Istaag meel u dhow qofka laakiin haku dhegin ee masaafo sii qofka kale.
  4. Fiiri qofka oona ka eeg indhaha.
  5. Dheh: “Waxaan jeclahay in aan ku barto. Ma suurtoobaysaa MIDAASI?”
  6. Haddii ay haa tahay weydii qofka wax asaga ama ayada ku saabsan. Su’aalooyin ku saabsan muusikada ama hiwaayadaha ay jecelyihiin.
  7. Muuji in aad danaysid qofka.
  8. U sheeg waxa aad ku jeceshahay qofka.
  9. Ammaanta koowaad waa in aysan noqonin mid ku saabsan jirka qofka.
  10. Ku dheh, tusaale ahaan, in aad u aragtid in dookhiisa ama dookheeda muusikada ay wanaagsantahay ama qaabka uu u hadlo qofka.
  11. Waad oggaan doontaa haddii uu qofka kuu jecelyahay sidaada oo kale.

Runtii waxay u baahantahay geesinimo aan caadi ahayn si qof loo barto.
Mararka qaar waxaad la hadlaysaa qof haddana waxaad arkaysaa in qofkaasi aanan wax xiiso ahba kuu qabbin adiga.
Dabcan midaan waa arin murugo kuu leh adiga.
Si kastaba ha ahaatee, haddana way wanaagsantahay in aad oggaatid.

Aniga oo ah (wiil 15 jir ah) waxaan saaxiib la’ahay gabar Jarmal u dhallatay. Inta baddan waxaynu kala leenahay fikrado kala duwan: waxay u labisataa si dareenka qofka kicinaysa. Inta baddan ayadu waxay samaysaa waxyaabo ayada oo aan ii sheegin ama aan ila soconin. Anigu midaasi ma jecli. Ma yihiin dhammaan gabdhaha Jarmalka kuwo sidaan oo kale ah?

Ma ahan dhammaan gabdhaha Jarmalka kuwo isku mid ah.
Si kastaba, waxyaabahaan soo socda waa kuwo aad muhiim ugu ah inbaddan oo gabdhaha iyo dumarka ah:
Waxay doonayaan in ay u noolaadaan si xuriyad ah oo la mid ah sida ay wiilasha iyo nimanku u noolyihiin.
Midaan macnaheedu waxay tahay: waxay doonayaan in ay helaan xuquuqo isku mid ah.

Si kastaba, midaasi macnaheedu ma ahan in ay doonayaan in ay helaan lammaane kale ama gooni ah.
Kaliya waxay tahay gabdhuhu in ay rabbaan in ay qaraarkooda gacantooda- ku samaystaan.
Waxay doonayaan in ay go’aankooda ayaga qaataan, tusaale ahaan:
Waxay rabbaan in ay xirtaan dharkasta oo ay jeclaadaan.
Waxay doonayaan in ay la kulmaan gabdhaha ay saaxiibada yihiin, xitaa ayaga oo aan lala soconin.
Sidoo kale qaarkooda waxay doonayaan in ay saaxiibo la noqdaan wiilal.
Si kastaba, midaan waxba ma khuseyso xiriirka aad la leedahay gabadha.
Saaxiibtaada aad ayay kuu jeceshahay.
Laakiin sidoo kale ayadu waxay doonaysaa in ay sii wadato la kulanka dad kale, gabdho iyo wiilalba.
Gabar kasta waa mid ka duwan mida kale.
Kala hadal saaxiibtaada waxyaabaha dareenkaaga ku saabsan.
Isku sheega waxa aad iska rabtaan.
Kadibna waxaad isku fahmi doontaan si wanaagsan.