(13, wiil) Shaley dugsiga, waxaan ku qaadanay fasalka waxbarashada galmada.Macalinka wuxuu ina tusiyay gus ka sameysan alwaax iyo jeexa sare ee siilka oo dhar ka sameysan.Waxay na tusiyeen sida ay xubnahaasi u shaqeeyaan.Waxaa la naga filayay in aanu taabano.Saaxiib ayaa igu yiri:Waa dembi.Laguuma oggola in aad waxyaabahaasi taabatoRun miyaa midaasi?

Agabka loogu talogalay fasallada waxbarashada galmada inta badan waxaa loogu talogalay taabasho iyo barasho.
Hadafka laga leeyahay waa:
In gabdhaha iyo wiilasha ay tahay in ay ogaadaan oo ay bartaan xubnahooda galmada.
Gabdhaha iyo wiilasha waa in ay ogaadaan:
Sidee ayay u shaqeeyaan xubnahooda galmada?
Waa muhiim in carruurta iyo dhallinyarada la wargeliyo.
Waa in ay bartaan jirkooda.

Dadka qaarkood waxaa laga yaabaa in ay ka baqaan taabashada waxyaabahaasi oo kale.
Waxaa laga yaabaa in aysan u baran in ay ka hadlaan xubnaha galmada.
Xaaraan ama dembi ma aha in macluumaad la helo.
Ma jiro kitaab barakeysan oo sheegaya:
In aan laguu oggolayn in aad taabato waxyaabahan.

Ogaanshaha jirka iyo xubnaha galmada way ku caawin karaan:
Waxay kaa caawin karaan in aad iska difaacdo cudurrada qaarkood.
Waxay ku caawin karaan dumarka in aysan uur qaadin marka ay rabaan in aysan qaadin.
Waxay kaa caawin karaan ka hortagga macluumaadka beenta ah iyo quraafaadka.
Waxay gacan ka geysan karaan in qofna aan been u sheegiin gabdhaha iyo wiilasha.

Hooyaday iyo ayeeyaday waxay dhahaan: “Haddii ay gabar fadhiisato ayada oo ay lugaheeda kala fogyihiin midaasi macnaheedu waxay tahay gabadhaasi ma ahaanayso mid bikrad ah.” Run miyaa arintaasi?

Arintaas oo kale ma ahan mid lagu sheegi karo qaabka uu qofka u fadhiisto.
Dadkii hore ama dadka waaweyn ayaa waxaas caado u ahaan jirtay in ay aaminaan sannado hore.
Sababtoo ah waxay rabaan in ay gabdhuhu u fadhiistaan ayaga oo lugaha isku haya.

Waxaa jirta sheekooyin baddan oo midaan la mid ah (khuraafaad):
Tusaale ahaan: “haddii ay gabdhuhu wadaan baaskiil ma ahaanayaan kuwo bikro ah.”
Ama: “gabdhuhu waa in aan boodin haddii kale waxaa jeexmaysa xuubka bikradooda.”

Hadaladaan waxay noqon karaan kuwo ay gabdhuhu ku wareeraan.
Waxay gabdhuhu ka celinayaan dhaq-dhaqaaqooda ama hab dhaqankooda.
Gabdhaha qaarkooda waxay noqdaan kuwo ka baqa in ay u dhaqmaan siyaabo gaar ah.

Waxaa jira fikrado lamid ah kuwaan oo ku saabsan caadada dhiiga iyo uurka:
Tusaale ahaan: “haddii haweenay ku dhaco dhiiga caadada waa in aysan iska dhaqin haddii kale way xanuunsanaysaa.”
Ama: “haweenaydu waxay uur ku qaadi kartaa haddii ay gasho barkada lagu dabaasho ayada oo aan galmo samaynin.”

Dhammaan hadaladaan waa kuwo khalad ah.
Haddii aad tahay gabar waxaa wanaagsan in aad weydiisid dhakhtarada cudurada haweenka.
Ayadu waxay ku siin kartaa macluumaadka saxda ah ee arintan ku saabsan.

Waxaa la igu leeyahay dayn aad u baddan midaas oo aan galay safarkaygii aan waddankaan usoo socday. Waxaa la iga rabaa in aan shaqeeyo waana cabsanayaa. Qofkee i caawin kara?

Gabdho baddan ayaa qabba isla mushkiladahaas oo kale.
Waxay doonayaan in ay ugu shaqeeyaan Yurub sida booyaaso oo kale ama timo hagaajiye.
Inta baddan waxaa lagu leeyahay daymo baddan kadib safarkooda ay halkan ku yimaadeen.
Waxaana laga rabaa in ay shaqeeyaan si ay isaga bixiyaan daymahaan.
Gabdhahaan waxaa lagu khasbaa shaqo aysan ayagu doonaynin in ay sameeyaan.

Qaar waxay isku dayaan in ay faktaan.
Laakiin inta baddan ma awoodaan in ay sheekadooda sheegaan.
Waa kuwo ka cabsada
in ay wax xun ku dhacaan ayaga iyo qoysaskooda haddii ay wax sheegaan.

Adigu ma ku jirtaa xaaladooda oo kale?
Sidoo kale ma ku dhaaratay in aadan cidna u sheegin?
Meesha SOLWODI waxaa jooga dumar u shaqeeya si ay u caawiyaan haweenka iyo gabdhaha caawimaad u baahan.
Waxaad u sheegi kartaa sheekadaada.
La xiriir ayaga waxayna kugu caawin doonaan in aad xal heshid.

SOLWODI München: 089/27275859
Wixii kusaabsan goobaha kale: www.solwodi.de

Text: SOLWODI München

Hore ayaan galmo u sameeyay. Waxaana ku qaatay lacag. Ma tahay midaasi mid reeban ama mamnuuc ah?

Haddii aad tahay qof kayar 18 sanno:
Qofna looma oggola in uu galmo lacag kugu siiyo.
Midaasi waa mid mamnuuc ka ah dalka Jarmalka.

Laakiin adigu ma samaynin wax xun.
MUHIIM AH: Laguma ciqaabi doono.
Dadka adiga galmada kula sameeyay waxay u dhaqmeen si khaldan.
Ayagu waa la ciqaabi karaa.

Waa in aadan hadda kadib samaynin.
Waxaad la xiriiri kartaa booliiska.
Booliiska dalka Jarmalka waxay kugu caawin doonaan in aysan dadkaasi markale u noqonin arintaasi.

Way wanaagsantahay in laga hadlo arinta
Kadibna waxaa dhici karta in ay arimuhu kuu wanaagsanaadaan.
Raadi qof aad u sheegi karto.
Qof aanan kuu arkaynin in aad tahay qof xun maadaama aad sidaasi samaysay.

Sidoo kale waxaa jira xarumo tallo bixin oo ku caawin kara:
Loogu talogalay nimanka yar-yar: http://www.marikas.de/
Loogu talogalay dumarka yar-yar: http://www.mimikry.net/
Loogu talogalay qofkasta: http://www.jadwiga-online.de/kontakt.php
Loogu talogalay dumarka: http://www.solwodi.de/33.0.html?&L=0%3FkeepThis%3Dtrue