Aniga (oo ah 15 sano jir) waxaan u diray saaxiibkey sawir aan xiranahay hoosgashi.Wuxuu tusiyay sawirka saaxiib.Saaxiibkaas wuxuu u diray sawirka dad badan oo ardayda fasalkayga ah.Maxaa ila gudboon in aan hadda sameeyo?

Waxaa laga yaabaa in aad ka baqayso waxa dadka kale ay kuu qaadan karaan.
Waxaa laga yaabaa in aad ka niyad-jabtay ama in aad u xanaaqday saaxiibkaaga.
Looma baahan in aad kaligaa wax ka qabato walwalkaaga!
Waa kuma qofka weyn ee aad ku kalsoon tahay?
Kala hadal qofkaasi.
Waxaa laga yaabaa in uu ku caawin karo.

Muhiim ah in la ogaado:
Qofna looma oggola in uu diro sawirkaaga adiga oo aan oggolaan.
Waxaad ka raadin kartaa sawirkaaga internet-ka.
Geli magacaaga Google.
Haddii aad ku aragto sawirka bog internet:
La xiriir bogga internet-ka.
U sheeg:Sawirkaasi waa in la tirtiro.Aniga ayaa iska leh.
U sheeg ardayda aad isku fasalka tihiin:
Sawirkaasi looma baahnayn in la diro.
Caawinaad ka raadso qof aad ku kalsoon tahay.
Haddii aad doonayso in aad kala hadasho qof kale ama aad su’aalo qabto:
Waxaad talo ka heli kartaa www.save-me-online.de.
Talada waa lacag la’aan loomana baahna in aad magacaaga sheegto.

Aniga (oo ah 14 sano jir) aad ayaan u murugaysanahay.Waxaan ka fakara waxyaabo hore.Mararka qaarkood taasi ayaa iga dhigta in aan cabsado.Mararka qaarkood ma aqaano sida aan ula sii noolaan doono.Balse waxaan ka cabsi qabaa in aan kala hadlo waalidiintayda.Yaa i caawin kara?

Dad badan ayaa dareemaya isla sida aad dareento:
Ma oga sida ay ula noolan karaan cabsi iyo murugo.
Waxaa laga yaabaa in aysan iloowi karin waxyaabo horay ugu soo dhacay.
Waqtiyadaas oo kale, waxaad u baahan tahay caawimo.

Haddii aad ka cabsi qabto in aad kala hadasho qof adiga kugu dhow:
Markaas waxaa jira khadka tooska ah ee “Krisen-Dienst Psychiatrie” (Adeegga Dhibaatooyinka Xannuunka Maskaxda).
Khadka tooska ah waa lambar telefoon oo loogu talogalay xaalado gaar ah.
Waxaad waci kartaa marka aad dhibaato ku jirto.
Waxaad waci kartaa marka aad murugo dareento.

Waxaad ka waci kartaa khadka tooska ah teleefoon lambarka 0180 / 655 3000.
Waxaad waci kartaa lambarkaas min 9:00 ilaa 24:00.
Waalidiintaadu ma aha in ay ogaadaan.
Fadlan wac lambarkaasi.

Shaqaalaha teleefoonka ka jawaaba way ku dhageysan doonaan.
Way kula shaqayn doonaan si ay u go’aamiyaan waxa aad u baahan tahay.
Waxaan rajaynayaa, in ay ku caawin doonaan.

(13, wiil) Shaley dugsiga, waxaan ku qaadanay fasalka waxbarashada galmada.Macalinka wuxuu ina tusiyay gus ka sameysan alwaax iyo jeexa sare ee siilka oo dhar ka sameysan.Waxay na tusiyeen sida ay xubnahaasi u shaqeeyaan.Waxaa la naga filayay in aanu taabano.Saaxiib ayaa igu yiri:Waa dembi.Laguuma oggola in aad waxyaabahaasi taabatoRun miyaa midaasi?

Agabka loogu talogalay fasallada waxbarashada galmada inta badan waxaa loogu talogalay taabasho iyo barasho.
Hadafka laga leeyahay waa:
In gabdhaha iyo wiilasha ay tahay in ay ogaadaan oo ay bartaan xubnahooda galmada.
Gabdhaha iyo wiilasha waa in ay ogaadaan:
Sidee ayay u shaqeeyaan xubnahooda galmada?
Waa muhiim in carruurta iyo dhallinyarada la wargeliyo.
Waa in ay bartaan jirkooda.

Dadka qaarkood waxaa laga yaabaa in ay ka baqaan taabashada waxyaabahaasi oo kale.
Waxaa laga yaabaa in aysan u baran in ay ka hadlaan xubnaha galmada.
Xaaraan ama dembi ma aha in macluumaad la helo.
Ma jiro kitaab barakeysan oo sheegaya:
In aan laguu oggolayn in aad taabato waxyaabahan.

Ogaanshaha jirka iyo xubnaha galmada way ku caawin karaan:
Waxay kaa caawin karaan in aad iska difaacdo cudurrada qaarkood.
Waxay ku caawin karaan dumarka in aysan uur qaadin marka ay rabaan in aysan qaadin.
Waxay kaa caawin karaan ka hortagga macluumaadka beenta ah iyo quraafaadka.
Waxay gacan ka geysan karaan in qofna aan been u sheegiin gabdhaha iyo wiilasha.

Saaxiibtayda waxay ii sheegtay:In ay isticmaasho “faraantiga ka hortagga uurka”.Weligay ma aanan maqlin.Waa maxay?Sidee ayuu u shaqeeyaa?

Faraatiga ka hortagga uurka waa wax looga hortaggo uurka – sida kiniiniga oo kale.
Faraatiga wuxuu jirka ku siidaayaa hoormoon.
Hoormoontan waxaa loogu talogalay in ay ka hortagto uurka.
Takhtaradaada dumarka ayaa warqad daawo ama rijeeto kuu qori karta.
Adiga oo isticmaalaya rijeetada, waxaad ka qaadan kartaa faraatiga ka hortagga uurka farmashiga.

Waa in aad geliso faraatiga ka hortagga uurka siilka.
Faraatiga ka hortagga uurka wuxuu halkaasi ku jirayaa saddex toddobaad.
Markaas ka-dib, waxaad ka saareysaa faraatiga ka hortagga uurka siilkaaga.
Waxaad sugeysaa toddobo maalmood ka-dibna geli faraatiga ka hortagga uurka oo cusub.
Waxaa wanaagsan in aad geliso xasuusin kalandaariyahaaga.

Muhiim ah:Hoormoonta waxaa ay kugu reebi kartaa saameyn aan wanaagsanayn.
Takhtaradaada dumarka ayaa ku siin karta talo arrintan ku saabsan.
Sidee ayaad u gashaneysaa faraatiga ka hortagga uurka?
Marka hore, raadso boos aad raaxo ku qabto.
Waad kada-loobsan kartaa.
Ama waxaad hal lug saari kartaa geeska baafka qubeyska.
Waxaa ku majuujisaa faraatiga suulkaaga iyo fartaada murugsatada.
Hadda ku riix faraatiga ka hortagga siilkaaga.
Waxaad ogaan doontaa in uu ku sugan yahay goobta saxa ah marka aadan dareemi karin.

Saaxiibkey iyo aniga (oo 17 sano jir ah) waxaan ku talo jirnaa in aan isu galmoono maalmaha fasaxa ee toddobaadkan.Balse waxaa igu dhici doonta caado.Ayeeyadey waxay dhahdaa:Galmada la galmoodo xilliga caadada waa najaas.Run miyaa midaasi?

Galmada xilliga caadadaada waxyeelo ma laha.
Haddii labadiina aad doonaysaan, waa caadi.
Dumarka qaarkood waxay jecel yihiin galmo xilliga caadadooda qaarna ma jecla.
Sidoo kale, ragga sidaas ayay u kala duwan yihiin.
Diimaha qaar, galmada xilliga caadada lama oggola.
Balse taasi waa arrin aaminsanaan.
Haddii aad aaminsan tahay, daacad ayaad u ahaan kartaa.
Caafimaad ahaan, galmada xilligaasi dhibaato ma laha.

Waxa muhiimka ah waa in aad labadiinaba raaxo ku dareentaan.
Waxaa jira siyaabo kala duwan oo loo galmoodo inta lagu guda jiro xilliga caadada haweenayda.
Waxaad si tartiib ah u taataaban kartaan xubnaha taranka ee midba midka kale.

Ma doonaysaa guska in uu galo siilka?
Markaasi fadlan hubso in aad sameyso sidaan soo socota:
Isticmaal waxyaabaha uurka looga hortago xataa xilliga caadada.
Waxaa wanaagsan in la isticmaalo cinjirka loo yaqaano kondhomka.
Waxaad weli qaadi kartaa uur inta lagu guda jirro waqtigan.
Cudurrada galmada lagu kala qaado ayaa si aad u fudud la isugu gudbiyaa xilliga caadada.
Hubso had iyo jeer in aad iska saarto suuliyaha caadada ka hor inta guska uusan gelin siilka.

Aniga (oo ah16 sano jir) waxaan lahaa caado shan maalmood ah.Shalay waxaan la galmooday wiil.Ma adeegsan waxyaabo looga hortaggo uurka. Si kastaba miyaan uur qaadi karaa?

Haa, waxaad qaadi kartaa uur xilliga caadada.
Waa arrin aan aad u dhici karin.
Balse weli, way dhici kartaa.

Ukuntaada waxay keliya bacram tahay inta lagu guda jirro waqti cayiman oo bil kasta ah.
Bacram waxaa loola jeedaa:
Waxaad qaadi kartaa uur haddii aad galmooto difaac la’aan.
Waxaad bacram tahay waxyar ka hor ugxan siideynta.
Waxaad si gaar ah bacram tahay xilliga ugxan siideynta.
Waxaad sidoo kale bacram tahay waxyar ka hor ka-dib ugxan siideynta.
Xaqiiqdii ma garan karto marka ay dhaceyso ugxan siideyntaada.
Taasi waxay dhacdaa waqtiga u dhaxeeya caadooyinkaaga.
Marwalba ma leedahay keliya dhowr maalmood oo u dhaxeeya xilliyada cadooyinka?

Inta lagu guda jirro galmada, minada ragga waxay geli kartaa xubintaada taranka.
Minada waxay bacramin kartaa ukuntaada ku dhowaad shan maalmood.
Waxaa dhici karta in ugxan siideyntaada ay noqoto inta lagu guda jirro waqtigaas.
Fadlan u tag takhtaradda gynecologist, oo loola jeedo takhtaradda dumarka.
Way ku caawin kartaa, xataa haddii aadan uur qaadin shalay.
Way ku baari kartaa waxayna ku siin kartaa talo.

Saaxiibteyda ( oo 15 sano jir ah) waxay qaadaneysaa kiniinka ka hortagga uurka.In badan ayaan wada seexanaa.Mararka qaarkood waxay ilowdaa in ay kiniinka qaadato.Uur ma qaadi kartaa?

Haa, saaxiibtaada uur wey qaadi kartaa.
Kiniinka in waqtigiisa la qaato aad iyo aad ayay muhiim u tahay!
Balse“waqtigiisa” waxay yeelan kartaa macno badan iyadoo ku xiran nooca kiniinka.

Saaxiibtaada miyay qaadanaysaa kiniinka loo yaqaano mini-pill?
Kiniinka loo yaqaano mini-pill waa in la qaato waqti isku mid ah maalin kasta.
Saaxiibaada waa in ay xasuusin ku xirataa telefoonkeeda gacanta.
Telefoonka ayaa cod bixiya:Hadda waa in ay qaadato kiniinka loo yaqaano mini-pill.
Haddii kiniiniga mini-pill-ka ay goor dambe qaadato ama ay gebi ahaanba ilowdo:
Markaasi difaaca ka difaaci lahaa uurka waa daciif.
Haddii taasi ay dhacdo; sidoo kale isticmaal cinjirka kondhomka loo yaqaano xilliga galmada ilaa laga gaaro xilliga uu ku dhaca caadada xigta.

Waxaa laga yaabaa in ay qaadanayso kiniinka joogtada ah.
Saaxiibtaada waa in ay kiniinka qaadato maalin kasta.
Ku dhowaad waqti isku mid ah.
Haddii ay ilowdo kiniinka:
Fadlan sidoo kale isticmaal cinjirka kondhomka loo yaqaano xilliga galmada ilaa laga gaaro xilliga ku dhaca caadada xigta.

Haddii ay mar kasta ilowdo kiniinka:
U taga takharka dumarka (gynecologist), idinkoo wada socda, waxaadna heshaan xoogaa talo ah.
Waxaa jira noocyo kale oo ka hortagga uurka ah.

Aniga (oo ah wiil 17 jir ah) waxaan leeyahay saaxiibad.Waxaa ay hadda u tagtey gynecologist, oo ah takhtaradda dumarka.Takhtaradda waxay sheegtay in gabdhaha oo dhami ay halkaasi tagaan.Sidoo kale ma jiraa takhtarka ragga?

Haa, waxaa jira takhtar noocaas ah.
Takhtarkan waxaa loo yaqaanaa “takhtarka ragga (andrologist)”.
Caadi ahaan waxay sidoo kale isla markaa yihiin takhaatiirta daaweysa hab-dhiska kaadi-mareenka.
Waxaad u arki kartaa takhtarkan waxyaabo badan.
Marka aad qabto su’aalo ku saabsan galmada ama ku saabsan jirkaaga.
Marka wax ku saabsan guskaaga ay u muuqdaan wax yaab leh.
Marka aadan kalsooni isku qabin iyadoo sabab u ah in jirkaaga uu isbeddelayo.

Waxa muhiimka ah:
Waxaad mar kasta tagi kartaa adiga naftaada.
Takhtarka wuu ku baari karaa.
Haddii taasi ay tahay waxa aad rabto.

Waa wax wanaagsan in aad barato jirkaaga.
Habkaasi ayaa ku ogaan kartaa isbeddelada.
Isbeddelada qaar, waa in aad aragto “takhtarka daaweeya hab-dhiska kaadi-mareenka”.
Tusaale ahaan haddii aad ku aragto kuus adag xiniinyahaaga.
Kuuskaasi waa in uu eego takhtar.
Halkan waxaa ku qoran sida aad ku heli kartid takhtar kuu dhow:
http://www.urologenportal.de/patienten/urologensuche.html?_ga=2.176741090.657452144.1525423126-2097382778.1524050206

Aniga ( oo ah gabar, 16 jir ah) waxaan ku socdaa kursiga curyaamiinta.Weligay ma yeelan wiil saaxiib ila ah.Saaxiibaday kuma socdaan kuraasta curyaamiinta.Dhammaan saaxiibaday waxay soo yeesheen wiilal saaxiibo la ah.Tani miyay sabab u tahay in wiilashu aysan u maleyn in aan qurxoonahay?

Waxay u muuqataa in kursigaaga curyaamiinta uu kaa dhigayo qof aan kalsooni isku qabin.
Waxaa laga yaabaa in aad dareento “ka duwanaan” marka la eego saaxiibadaada.
Taasi waxay dad badan ka dhigtaa in ay dareemaan kalsooni la’aan:
Marka ay dareemaan “ka duwanaan”.
Waxaa sidoo kale laga yaabaa in aad dadka ka maqashey fikrado doqonnimo ah.
Sidoo kale, taasi waxay kaa dhigi kartaa qof aan kalsooni isku qabin.

Balse qof kasta waa qof gaar ah.
Mid ka mid ah waxyaabaha kaa dhigi kara in aad tahay qof gaar ah waa ay sahlan tahay in la arko.
Waxaa laga yaabaa dadku in ay kaala hadlaan.
Waxaa laga yaabaa in ay taasi tahay sababta aad uga fakarayso.
“Ahaanshaha qof qurux badan” waxay qof kasta u leedahay macno kala duwan.
Waxa qurxoon waa waxa kaa dhiga kara in aad tahay qof kali ka ah noociisa oo kale.
Waxaa jira keliya hal qof oo adiga ah!

Gabdho iyo wiilal badan xiriir ma yeeshaan waqti dheer.
Balse:Gabdho iyo wiilal badan oo ku socda kursiga curyaamiinta ayaa xiriir leh.
Adiguna maalin unbaad yeelan doontaa.
Waa iska caadi haddii aadan hore u yeelan wiil saaxiib kula ah.