Anigu waxaan ahay wiil 15-sanno-jir ah. Waayihii hore nin ayaa si xun ii dhaawacay. Wuxuu iga qabtay lugahayga dhexdooda. Anigu ma doonaynin in uu sidaasi ugu sameeyo. Inta baddan weli waan ka fikiraa. Hadda anigu waxaan leeyahay gabar saaxiibtayda ah. Sideen arintaasi ugala hadli karaa?

Waa arin la fahmi karo in aad weli arintaasi ka fikirtid.
Inbaddan oo dadka kamid ah kuwaas oo lasoo kulmay arimahaan oo kale waa kuwo inta baddan ka fikira.
Laga yaabo in ay tahay in aad ka fikirtid xitaa inbaddan.
Sababtoo ah adiga iyo saaxiibtaada waxaad tihiin kuwo aad isugu dhow.
Laga yaabo in aad qabtid dareemo cajiib ah marka aad u dhowaatid.
Laga yaabo in aadan hubin haddii aad u sheegaysid iyo haddii aadan u sheegaynin.

Ma doonaysaa in aad u sheegtid?
Ka fikir waxa aad ka doonaysid ayada marka aad jir ahaan isku dhowdihiin.
Kadibna ka fikir waxa ku saabsan waxa aad doonaysid in aad ku dhahdid ayada.
Laga yaabee ereyadaan ayaa ku caawin doona:
Qof ayaa mar si xun ii dhaawacay.
Sidaas darteeda ma doonayo in aan sameeyo wax markale i dhaawici doona.
Sidoo kale mararka qaar waxaan doonayaa in aan joojiyo in aan dhakhso hab kuu siiyo.
Midaasna waxaa sabab u ah xusuusahayga.
Ma ahan mid adiga kugu saabsan.
Ka fikir sida aad u rabtid in aad u sheegtid.
Waa muhiim in ay caadi kuu tahay adiga.
Waad u sheegi kartaa waxa aad ayada ka doonaysid.

Anigu waxaan ahay gabar 16-sanno-jir ah waxaana leeyahay saaxiibo labb iyo dheddig ah oo xadidan.Waxaynu isla qaadanaa wakhtiga baddankiisa.Mid kamid ah wiilasha ayaa marwalba aad iigu soo dhowaada.Anigu ma doonayo.Sideen ugu sheegaa?Anagu waxaynu nahay saaxiibo!

Marka hore waxaynu jecelnahay in aynu kugu dhahno in dareemahaagu ay yihiin kuwo muhiim ah!
Qofna looma oggola in uu kuu soo dhowaado haddii aadan midaasi doonaynin.
Laakiin mararka qaar way adagtahay in la dhaho “maya”.
Laga yaabo in aad qofka jeceshahay.
Laga yaabo in kuwa kale ee kooxdaada ku jira ay qofku jecelyihiin.
Laga yaabo in uusan oggaanin in aad dhibsatid kuusoo dhowaanshihiisa.
Waxaad ku dhihi kartaa:
Adiga aad ayaad iigu soo dhowaanaysaa.
Fadlan ma joojin kartaa midaasi?
Anigu ma jecli.
Waa in uu midaasi ixtiraamaa.

Sidoo kale waxaad raadin kartaa caawimaad.
Dabcan saaxiib labb ama dheddig ah waa in uu meesha joogo marka aad la hadlaysid.
Haddii uusan aqbalin “mayadaada”, ka raadi caawimaad qof weyn oo aad ku kalsoontahay.
Ama aad xarun latalin.
Halkan waxaa ku qoran qaar kamid ah xarumaha latalinta:
https://www.hilfeportal-missbrauch.de/nc/adressen/hilfe-in-ihrer-naehe/kartensuche.html?tx_nxshelpdesk_helpdesk%5binstitutionType%5d=21

Anigu waxaan ahay gabar 15-sanno-jir ah waxaana jira wiil weyn oo degan deriskayga oona inta baddan raaca tareenka isla wakhtiga aan raaco. Wuu isoo fiiriyaa. Waan ka cabsadaa. Dadka kale waxay igu dhahaan waad in aad ahaatid qof caadi ah.

Anagu ma sheegi karno haddii aad saxantahay iyo haddii kale oo aadan sax ahayn.
Mararka qaar dareenka noocaan ah wuxuu noqonayaa mid sax ah.
Mararka qaarna dareenka noocaan ah wuxuu noqonayaa mid khaldan.
Laakiin dareenka laftiisu waa mid muhiim ah.
Ka fikir waxa aad samayn kartid si aad nafsadaada uga dhigtid mid ammaan ah.

Laga yaabee in aad weydiisid sababta uu kuusoo fiiriyo.
Waxaad dhihi kartaa:
Maxaad iga doonaysaa?
Ma dareemayo raaxo marka aad isoo fiirinaysid. Ma doonayo in aad isoo fiirisid!
Waxaa dhici karta in uu kuu sheego waxa uu kaa rabo amaba ka istaago in uu kusoo fiiriyo.

Sidoo kale waxaad ku dhihi kartaa waalidkaaga ama qofka mas’uulka kaa ah:
Anigu waxaan ka cabsadaa wiilkan.
Wuu isoo fiirinayaa.
Maxaan sameeyaa?
Si fiican uga fikir waxa adiga saxda kuu ah…
Ma yahay wiilka mid sidoo kale kugu noqday qof aad nacdid?
Haddaba u sheeg qof ku caawin kara.

Anigu waxaan ahay 14 sanno jir. Waxaan u isticmaalay tamboonooyin dhiigayga caadada dhowr bilood. Shalay waxaan iloobay in uu hoosta iigu xiranyahay tambooni kadibna waxaan xirtay tambooni cusub. Hadda ma awoodo in aan banaanka usoo saaro tamboonahaygii hore. Maxaan sameeyaa?

Midaan waxay ku dhacdaa dumar baddan.
Mararka qaar adiga ayaa iska soo saaraya tambooniyaha.
Ayadu ma ahan mid “luntay”.
Xubinka taranku waa mid uun jira dherer ahaan dhowr sentimitir.

Halkan waxaa ku qoran talo siin yar.
Kadaloobso ama ku fadhiiso musqusha.
Isku day in aad nasatid.
Waxaa fiican marka aad nasantahay.
Waxaa dhici karta in aad qabatid tambooniyaha ama kusoo jiidid farahaaga.
Sidoo kale isku day in aad “hoos ugu riixdid” murqahaaga.
Mararka qaar tambooniyaha wuxuu iskiisa ugu soo baxaa banaanka marka aad riixdid.

Haddii aanan midaasi kuu shaqaynin waa in aad isla markiiba aadid dhakhtarkaaga dumarka.
Ayada/asaga ayaa ku baari doona kaagana soo saari doona tambooniyaha sida ugu dhakhsiyaha baddan.
Tambooniga la isku iloowo wuxuu kaa dhigi karaa in aad xanuunsatid.
Sidaas darteeda waa in aad dhakhso ugu tagtid dhakhtarkaaga dumarka.
Xitaa haddii aadan hubin in uu weli tambooni kuugu jiro.
Ma ahan mid laga xishoodo.
Waa muhiim si aadan u xanuunsanin.

Saaxiibtayda waxaa ku dhacay dhiigeeda caadada. Waxayna doonaysaa in ay hadda galmo ila samayso. Midaasi caadi miyaa? Ayadu waa mid aan nadiif ahayn wakhtigaan.

Haddii aad labadiinuba doonaysiin in aad galmo samaysiin waad samayn kartiin inta lagu guda jiro muddada dhiiga caadada.
Ereyga “aan nadiif ahayn” ma ahan erey wanaagsan.
Midaasna macnaheedu waxay tahay qofta dumarka ahi ma ahan mid xaaladeedu fiicantahay inta lagu guda jiro dhiigeeda caadada.
Midaasi run ma ahan.
Gabdhaha iyo dumarkuba waa in ay si joogta ahi u qubeystaan inta lagu guda jiro wakhtigaan.
Way qubeystaan.

Dhiiga caadada waa dhiig dabiici ah.
Marka uu dhiig kaa yimaado ma tihid adigu qof “aan nadiif ahayn”.
Dhiigaagu ma ahan mid xun.

Waxaa jira qaabab baddan oo loogu samayn karo galmo wanaagsan.
Xitaa inta lagu guda jiro muddada dhiiga caadada.
Tusaale ahaan, in la taab-taabto kintirka banaanka ka ah xubinka taranka.
Midaasi waxay siinaysaa inbaddan oo kamid ah gabdhaha iyo dumarkaba dareen aad u wanaagsan.
Ama taabashada iyo riix-riixida xubinka taranka raga.
Midaan waxaa lagu magacaabaa salaaxid.

Inbaddan oo kamid ah gabdhaha iyo dumarka waxay si gaar ahi raaxo u dareemaan inta lagu guda jiro muddada dhiigooda caadada.
Galmadu waa mid si gaar ah ayaga ugu fiican wakhtigan.
Kala hadal saaxiibtaada waxa aad labadiinuba jeceshihiin.

Anigu waxaan ahay gabar 14-sanno-jir ah waxaana galmo la sameeyay saaxiibkayga. Ma aynaan isticmaalin wax uurka ilaaliya. Wuxuu i leeyahay in aanan uur qaadaynin. Maadaama aanan weli ii imaanin dhiigayga caadada. Run miyaa midaasi?

Waxaad ukunta samaysaa kahor dhiiga caadadaada kuugu horeeya.
Kadibna ukuntaada waxay noqonaysaa mid diyaar ah oona la bacramin karo.
Bacramintu waxay dhacdaa marka ukunta qofta dumarka ahi ay ku darsanto minida ninka.
Sidaas darteeda waxaad qaadi kartaa uur.

Inbaddan oo kamid ah gabdhaha iyo dumarka ma oggaanayaan marka ay ukunta samaysmayso.
Waxaa dhici karta in ay tani xaaladaadu tahay.
Ukunta samaysanta marwalba waxay dhacdaa kahor dhiigaaga caadada.
Iyo xitaa kahor dhiigaaga caadada ugu horeeya.

Dhammaan gabdhaha waxaa ku dhaca dheecaan ka yimaada xubinkooda taranka kahor dhiigooda caadada ugu horeeya.
Dheecaanka ka yimaada xubinka taranka wuxuu sheegayaa in uu wakhti dhow kugu dhici doono dhiigaaga caadada.
Midaasna waxay noqon kartaa gudaha 1 bil ama 1 sanno.
Qaar kamid ah gabdhaha waxay arkaan dheecaanka ka yimaada xubinkooda taranka.
Qaar kale oo gabdhaha kamid ahna ma arkaan.
Sidaas darteeda waa in aad isticmaashid wax kaa ilaaliya uurka.
Doorashada ugu wanaagsana waa in la isticmaalo kondom.
Kondomka sidoo kale wuxuu kaa ilaaliyaa cudurada la iskugu gudbiyo galmada.

Inbaddan oo kamid ah saaxiibadayda waxay daawadaan filimaan galmo ah. Anigu waxaan ahay wiil 14-sanno-jir ah waxaana ku raaxaystaa daawashada filimaantaasi. Sidoo kale waxaan jeclahay in aan daawado filimaantaan. Laakiin saaxiibadaydu waxay dhahaan waa in ay ahaato mid sir ah. Oo aanan waxna u sheegin dadka waaweyn. Maxay sidaasi u tahay?

Dhalinyarada ay ka yartahay da’doodu 18 sanno looma oggola in ay daawadaan filimaanta galmada ah.
Sidoo kale dadka waaweyn waa in aysan u oggolaanin dhalinyarada yar-yar in ay filimaantaasi daawadaan.
Waa mid sharci daro ah.

Sharciga waxaa loo dejiyay si uu u ilaaliyo gabdhaha iyo wiilashaba.
Dhalinyaradu waxay baranayaan khibrada galmo markii ugu horaysay.
Waa in ay ayagu oggaadaan waxa ay jecelyihiin.
Waxa ayaga ku habboon.
Iyo waxa aanan ku habboonayn.
Filimaanta galmada midaasi ayay saamayn ku yeelan karaan.

Dhalinyarada waxaa dhici karta in ay hore u lahaayeen waxyar oo khibrad ah oo galmada ku saabsan.
Sidaas darteeda filimaanta galmadu waa kuwo wareer leh.
Filimadaan kaliya waxay muujiyaan galmo lagu sameeyay kaamarada horteeda.
Dadka iyo dareemahoodu waa kuwo inta baddan aanan ahmiyad ku lahayn filimaantaan.
Laakiin dhalinyarada qaarkooda waxaa dhici karta in ay nafsadooda bar-bardhig kula sameeyaan dadkaan filimaanta jilaaya.
Waxa ay dadkaan sameeyaan waxaa dhici karta in aysan adiga kugu habboonayn.
Iskaba dhaaf waxaa dhici karta in aad dareentid dembi marka aad daawatid filimaantaan.
Sidaas darteeda dhalinyaradu waa in aysan daawanin filimaanta galmada ah.

Anigu waxaan ahay wiil 16-sanno-jir ah waxaana galmo la sameeyay saaxiibtayda. Waxaana kasoo bixiyaa xubinkayga taranka xubinkeeda taranka kahor inta aan biyo iga imaanin. Waxaana kaliya galmo samaynaa waxyar kadib marka uu dhiiga caadada ka istaago. Ama waxyar kahor inta aan la gaarin muddada dhiigeeda caadada ee xigta. Ma dhici kartaa in ay weli uur qaado?

Haa saaxiibtaada weli waxay qaadi kartaa uur.
Waxa aad samaysid waxaa lagu magacaabaa “joojinta galmada”.
Midaana macnaheedu waxay tahay galmo la isku gooyay.
Laakiin weli minidu waxay geli kartaa xubinka taranka saaxiibtaada.
Qaar kamid ah minida waxay kasoo baxaan xubinkaaga taranka kahor inta aadan biyo bixin.
Adigu ma oggaanaysid.
Adigu kama hortagi kartid.
Minidaan waxay rimin kartaa ukunta.
Saaxiibtaadana waxay qaadi kartaa uur.

Ugxanta inta baddan waxay dhacdaa bartamaha inta u dhaxaysa labbo dhiig caado.
Laakiin inbaddan oo dumarka kamid ah ukuntooda waxay weynaataa wakhtiyo kale.
Goormee saaxiibtaada samaysaa ukunta?
Ayadu ma oggaan karto dhab ahaantii.
Inbaddan oo gabdhaha kamid ahi waxay qabaan muddooyin dhiig caado aan caadi ahayn.
Caadada dhiiga ma ahan mid marwalba imaanaysa isku wakhti.

Waxaad u tagi kartaan idinka oo isla jira dhakhtarka dumarka.
Ayada/asaga ayaa idin siin kara tallo ku saabsan kahortaga uurka.

Anigu waxaan ahay gabar 17-sanno-jir ah waxaana shalay galmo la sameeyay saaxiibkayga markii ugu horaysay. Waxaan jeclaystay in aan ka qubeysto kadib galmada, sababtoo ah waxaan doonayaa in aan nadiif ahaado. Laakiin ma hubi in uu saaxiibkayga midaasi u arkayo in ay tahay dabaalnimo iyo inkale. Dadka kale maxay sameeyaan?

Waa caadi in aad sidaan u fikirtid.
Gaar ahaan marka aadan ahayn qof khibrad baddan arintaas u leh.
Fikradahaaga ku saabsan nadaafada kadib galmada waa kuwo sax ah.

Laakiin waxaad xoogaa sii joogi kartaa sariirta si aad u heshid habsiin.
Kadibna aad musqusha si aad usoo qubaysatid.

Hareeraha xubinka taranka dumarka waa meel xasaasi ah.
Dhakhtaradu waxay dhahaan in ay dumarku waajib ku tahay in ay aadaan musqusha kadib galmada.
Gudaha 30 daqiiqado.
Sababtoo ah ilinka kaadida wuxuu qaadi karaa caabuq.
Midaas oo horseedaysa in caabuq ku dhaco kaadihaysta.
Sidaas darteeda waa muhiim in aanan la sugin muddo dheer kadib galmada.

Dadku way kala duwanyihiin qofkastana wuxuu sameeyaa waxyaabo kala duwan.
Adigu waad ogtahay jirkaaga.
Samee waxa adiga kuu wanaagsan.
Arintaana waxaad kala hadli kartaa saaxiibkaaga.
Kadibna wuu fahmi doonaa sababta aad u kacdid una aadid musqusha kadib galmada.