Aniga (oo ah 15 sano jir) waxaan u diray saaxiibkey sawir aan xiranahay hoosgashi.Wuxuu tusiyay sawirka saaxiib.Saaxiibkaas wuxuu u diray sawirka dad badan oo ardayda fasalkayga ah.Maxaa ila gudboon in aan hadda sameeyo?

Waxaa laga yaabaa in aad ka baqayso waxa dadka kale ay kuu qaadan karaan.
Waxaa laga yaabaa in aad ka niyad-jabtay ama in aad u xanaaqday saaxiibkaaga.
Looma baahan in aad kaligaa wax ka qabato walwalkaaga!
Waa kuma qofka weyn ee aad ku kalsoon tahay?
Kala hadal qofkaasi.
Waxaa laga yaabaa in uu ku caawin karo.

Muhiim ah in la ogaado:
Qofna looma oggola in uu diro sawirkaaga adiga oo aan oggolaan.
Waxaad ka raadin kartaa sawirkaaga internet-ka.
Geli magacaaga Google.
Haddii aad ku aragto sawirka bog internet:
La xiriir bogga internet-ka.
U sheeg:Sawirkaasi waa in la tirtiro.Aniga ayaa iska leh.
U sheeg ardayda aad isku fasalka tihiin:
Sawirkaasi looma baahnayn in la diro.
Caawinaad ka raadso qof aad ku kalsoon tahay.
Haddii aad doonayso in aad kala hadasho qof kale ama aad su’aalo qabto:
Waxaad talo ka heli kartaa www.save-me-online.de.
Talada waa lacag la’aan loomana baahna in aad magacaaga sheegto.

Anigu waxaan ahay wiil 15-sanno-jir ah. Waayihii hore nin ayaa si xun ii dhaawacay. Wuxuu iga qabtay lugahayga dhexdooda. Anigu ma doonaynin in uu sidaasi ugu sameeyo. Inta baddan weli waan ka fikiraa. Hadda anigu waxaan leeyahay gabar saaxiibtayda ah. Sideen arintaasi ugala hadli karaa?

Waa arin la fahmi karo in aad weli arintaasi ka fikirtid.
Inbaddan oo dadka kamid ah kuwaas oo lasoo kulmay arimahaan oo kale waa kuwo inta baddan ka fikira.
Laga yaabo in ay tahay in aad ka fikirtid xitaa inbaddan.
Sababtoo ah adiga iyo saaxiibtaada waxaad tihiin kuwo aad isugu dhow.
Laga yaabo in aad qabtid dareemo cajiib ah marka aad u dhowaatid.
Laga yaabo in aadan hubin haddii aad u sheegaysid iyo haddii aadan u sheegaynin.

Ma doonaysaa in aad u sheegtid?
Ka fikir waxa aad ka doonaysid ayada marka aad jir ahaan isku dhowdihiin.
Kadibna ka fikir waxa ku saabsan waxa aad doonaysid in aad ku dhahdid ayada.
Laga yaabee ereyadaan ayaa ku caawin doona:
Qof ayaa mar si xun ii dhaawacay.
Sidaas darteeda ma doonayo in aan sameeyo wax markale i dhaawici doona.
Sidoo kale mararka qaar waxaan doonayaa in aan joojiyo in aan dhakhso hab kuu siiyo.
Midaasna waxaa sabab u ah xusuusahayga.
Ma ahan mid adiga kugu saabsan.
Ka fikir sida aad u rabtid in aad u sheegtid.
Waa muhiim in ay caadi kuu tahay adiga.
Waad u sheegi kartaa waxa aad ayada ka doonaysid.

Aniga oo ah (gabar, 17 jir ah) shalay ayaan cabay khamro. Kadibna wiil saaxiib ah ayaa iga taabtay naasaha, kadibna lugahayga dhexdooda. Anigu ma doonayo in uu i taabto. Laakiin waxba ma dhici karo maadaama ay igu adagtahay in aan arintaasi ka hadlo. Saaxiibadayda gabdhaha ahi waxay dhahaan: midaasi waa waxa kugu dhaca marka aad cabtid khamro. Khalad miyaan ku leeyahay arintaasi?

Anagu waxaynu leenahay: gebi ahaanba maya!
Qofna ma ahan in nafsadiisa lagu eedeeyo marka wax sidaan oo kale ah lagu sameeyo.
Qofna ma ahan in uu ku taabto haddii aadan sidaasi doonaynin.

Mararka qaar waxaa jirta wakhtiyo qaab daran.
Xitaa qof aad garanaysid!
Mararka qaarna waa habbeen wanaagsan in lagu bilaabo.
Laakiin kadibna waxaa kugu dhacaya waxyaabo aadan doonaynin in ay kugu dhacaan.
Laakiin arinta ay tahay in aad marwalba oggaatid waxay tahay in dareemahaagu ay yihiin kuwo sax ah oona muhiim ah!
Xitaa sharcigu wuxuu dhigayaa:
In la shumiyo, la taabto oona galmo lala sameeyo lammaane aan midaasi oggolaanin waa arin mamnuuc ah.
Xitaa haddii aadan adigu awoodin in aad nafsadaada u hadashid markaasi.
Xitaa haddii aad si aad ah u cabsantahay oona awoodin in aad dhahdid maya.
Qofka kale weli waa in uu oggaado haddii aad si dhab ah u doonaysid in aad ku raaxaysanaysid waxa uu samaynayo ama aadan doonaynin.
Adiga waxaad awoodaa in aad marwalba raadisid caawimaad.
Tusaale ahaan, magalaada Munich waxaynu ku leenahay xarun tallo IMMA ah: http://www.imma.de/einrichtungen/beratungsstelle/kontakt.html
Dhallinyaradu waxay caawimaad ka heli karaan meel kale oo Jarmal ah sida meeshan oo kale: https://www.zanzu.de/de/hilfe-beratung

Goor dhowayd waxaan joogay xaflad (Waxaan ahay gabar, 16 sanno jir ah) kadibna ‘waan suuxay’. Ma garanayo waxa dhacay. Laakiin ma aanan cabaynin khamro mana qaadanin wax daroogo ah. Maxay sidaan u dhacday?

Suuxdinta ama miyir daboolanka waa wareerid.
Macnaheedu waxay tahay: adigu ma oggid waxa dhacay.
Xitaa haddii aadan hurdaynin.

Waxaa dhici karta in ay gabdhaha saaxiibadaada ahi ay ogyihiin waxa adiga kugu dhacay.
Ku biloow in aad ayaga weydiisid.
Kadibna waxaad u baahantahay in aad dhakhtar la kulantid.
Ayaga ayaa oggaanaya haddii aad xanuunsantahay iyo haddii kale oo aad fiicantahay.

Sidoo kale waa suurtogal in qof cabitaanka wax kuugu daray.
Daroogooyinkaan inta baddan waxaa loo yaqaanaa sida ‘suuxiyayaal’.
Malahan wax dhadhan ama ur ah.
Waxaa si qarsoodi ah loogu dari karaa cabitaanka.
Kadibna waxaad dareemaysaa awood la’aan, caawimaad la’aan ama sidii adiga oo aan waxba qaban karin.
Hadhowna, waxaa kugu dhacaya in aad miyirkaaga weyso; suuxdin.

Arintaan waxaad kala hadli kartaa dhakhtarkaaga.
Sidoo kale ayadu waxay kuu soo jeedinaysaa qof aad la hadli karto.
Waa cabsi in aadan garanaynin waxa kugu dhacay.
Fadlan raadi caawimaad.

Anigu waxaan ahay wiil 14 sanno jir ah. Haddii aan sameeyo wax khalad ah, aabahayga wuu i garaacayaa. Anigu aadbaan u ixtiraamaa aabahayga. Si kastaba, Waxaan doonayaa in uu arintaasi joojiyo. Sideen ugu sheegaa?

Marka hore waxaan jecelnahay in aynu arin kuu sheegno:
Gudaha dalka Jarmalka waa ka mamnuuc in carruurta la garaaco.
Sharcigu wuxuu dhigayaa:
Carruurtu waxay xaq u leeyihiin in la koriyo ayaga oo aan dhibaato loo gaysanin.
Waalidiintu marnaba si ula kac ah uma dhaawacayaan carruurtooda.
Waa in aysan u dhaawicin jir ahaan.
Iyo in aysan u dhaawicin nafsi ahaan.
Garaacu wuxuu sababayaa dhaawac jirka ku dhaca iyo mid nafsi ah.

Midaasi waa adiga xaqa aad ku leedahay ka ilmo ahaan waalidiintaada.
Sharcigaan wuxuu u jiraa si loo hubsado in ay carruurtu koraan ayaga oo caafimaad qabba.
Waxaad dhihi kartaan sidan.

Haddii aadan awoodin in aad la hadashid aabahaaga adiga naftaada waxaa jira xarumo dadka caawiya.
Gudaha magaalada Munich waxaad ka heli kartaa xarun caawimaad u dhow gurigaaga: http://www.muenchen.de/dienstleistungsfinder/muenchen/1053/
Carruurta iyo dhallinyarada ku nool guud ahaan dalka Jarmalka waxay wici karaan Nummer gegen Kummer: 116111
Waxaad si bilaash ah uga wici kartaa lambarkan teleefoonkaaga gacanta.
Waxaa jira dad meesha jooga laga bilaabo 2 duhurnimo ilaa 8 habbeenimo kuwaas oo aad la hadli karto.

Anigu waxaan ahay wiil 15-sanno jir ah saaxiibadayna waxay aadaan magaalada si ay u dhibaan una taabtaan gabdhaha ayaga oo midaasna ciyaar ka dhiganaya. Anigu ma doonayo in aan qayb ka noqdo. Maxaa ila habboon in aan sameeyo?

Saaxiibadaadu ma ahan kuwo ciyaaraya.
Waxa ay samaynayaan waa wax ka reeban gudaha dalka Jarmalka.
Saaxiibadaadu waa kuwo xitaa mudan in la ciqaabo.

Gabdhaha iyo haweenka jooga dalkaan Jarmalka waxay leeyihiin isla xuquuqaha ay leeyihiin wiilasha iyo nimanka.
Waa in aysan dadku dhibin.
Qofna looma oggola in la taabto haddii uusan doonaynin in la taabto.
Qofna looma oggola in uu cabsi geliyo ama dhib u gaysto.

Waa in aadan raacin saaxiibadaada.
Haddii aad meeshaasi joogtid adigana sidoo kale waa lagu ciqaabayaa.
Xitaa haddii aadan adigu nafsadaada dhibaato u gaysan gabar.

Waxaa dhici karta in ay saaxiibadaada ku cadaadiyaan si aad u raacdid.
Waxay doonayaan in aad meesha la joogtid.
Adigana waxaad doonaysaa in aad saaxiibo haysatid.
Waxaad u baahantahay in aad noqotid qof geesi ah si aad u dhahdid MAYA.

Weydiiso qof wayn in uu ku caawiyo.
Waxaa dhici karta in ay haystaan fikrad kusaabsan waxa aad ugu jawaabaysid cadaadiska kaaga yimaada saaxiibadaada.
In la gaysto fal dambiyeed wuxuu u lahaan karaa cawaaqib xumo mustaqbalkaaga.

Anigu waxaan ahay gabar 13-sanno jir ah gurigana waxay ahayd mid caadi ka ah in wiilashu ay dhibaan oona taabtaan haweenka. Hadda halkana waa sidii oo kale. Anigu waan xishoonayaa ama waxaan dareemayaa ceeb. Qofkee i caawin kara?

Waxa ay wiilashaasi samaynayaan waa wax ka reeban gudaha dalkaan Jarmalka.
Waa in aadan xishoonin.
Waxa ay wiilashaan samaynayaan waa wax lagu ciqaabi karo.

Gabdhaha iyo haweenka jooga dalkaan Jarmalka waxay leeyihiin isla xuquuqaha ay leeyihiin wiilasha iyo nimanka.
Qofna looma oggola in uu ku dhibo.
Qofna looma oggola in uu ku taabto adiga oo aan midaasi oggolayn.
Qofna looma oggola in uu ku cabsi geliyo ama dhib kuu gaysto.

Raadso caawimaad.
U sheeg macalinkaaga arintaasi.
Ama qofkale oo aad ku kalsoontahay.

Waxaad baran kartaa sida looga hortago ama loogu ficil celiyo dhaqamada doqonimada ah.
Waxaa jira koorsooyin aad kula baran kartid arintan dad kale.
Waxaad baran doontaa sida aad u xoog badantahay.
Waxaad baran doontaa marka ay tahay in aad orodid.
Waxaad baran doontaa waxa aad dhahaysid.
Waxaad baran doontaa qofka ku caawin kara.
Waxaad koorso la qaadan kartaa saaxiib.
Macalinkaaga ayaa kuu sheegi kara halka aad ku qaadanaysid koorsada.
Sidoo kale waxaad weydiisan kartaa dhakhtarka iskuulka ama shaqaalaha bulshada ee iskuulka jooga.

Adigu ma samaynaysid wax khalad ah.
Wiilashu waxay masuul ka yihiin dhaqankooda waana in ay isbedelaan.

Anigu waxaan ahay wiil 13-sanno-jir ah inta lagu guda jiray safarkii aan usoo socday waddankan waxaan la safray labbo nin. Waxay igu sameeyeen waxyaabo la yaq-yaqsado. Anigu hadda miyaan ahay khaniis?

Khaniisnimadu waa qof jacayl qofkale oo noociisa ah.

Wiil jacayl wiil kale.
Ama gabar jacayl gabar kale.
Dadkaan waxay samayn karaan galmo haddii ay sidaasi doonayaan.
Khaniisnimadu sidoo kale waxaa lagu magacaabaa khaniis haddii ay tahay mid ka dhaxaysa wiilasha dhexdooda khaniisad haddii ay tahay mid ka dhaxaysa gabdhaha dhexdooda.

Adigu ma doonaysid in aad samaysid waxyaabahaan.
Midaan waxaa lagu magacaabaa xad gudub galmo.
Midaan waa mid mamnuuc ah. Dadka waawayn ee ku xad gudba carruurta waxaa loo ciqaabi karaa si aad u daran.

Akhri sheekadan gaaban.
Waxaad fuushay geed kadibna waxaad ku fadhiisatay laanta geedka.
Si kedis ah nin ayaa soo fuulay geedkii kadibna kaa riday laantii aad ku fadhiday.
Dhaawac ayaa ku gaaray waadna xanuunsatay.
Ma ahan adiga khaladkaaga in aad soo dhacday.
Balse waa ninka kusoo riday.
Haddana markale ayaad fuushay geedkii. Meeshii cidna ma saarna.
Kama soo dhicin laanta geedka.
Waad ku fadhin kartaa laantaasi ama waxaad fuuli kartaa laan kale.
Macnaheedu ma ahan in halmar lagu soo riday, in aad markasta kasoo dhacaysid geedka.

Midaana macnaheedu wuxuu yahay in xad gudubka galmo ee uu nin kugu sameeyo aadan kaa dhigaynin in aad noqotid khaniis.
Adiga ayaa nafsadaada u oggaan doona hadhow dambe haddii aad tahay khaniis ama haddii aadan ahaynba.
Waxaad oggaan doontaa marka aad qof jeclaatid.

Waxaa jira waardiye wanaagsan oo ka shaqeeya meesha aan deganahay. Wuu i caawiyaa wuxuuna ii fududeeyaa in aan wax baddan sameeyo. Laakiin shalay wuxuu si ku cel-celis ah u taabtay jirkayga. Anigu midaasi ma jeclaysan. Maxaa ila gudboon in aan sameeyo?

Waxaa dhici karta in aad is tiri
in waardiyaha uu adiga ku gaad-gaadayo.
Wuu ku caawiyaa wax baddan wuu kuu fududeeyaa in aad samaysid.
Waxaa dhici karta in uusan markale ku caawinin haddii aad ka dacwootid.
Ma garanaysid qofka aad arintaasi kala hadlaysid.

Haddii uu waardiyahu ku caawinayo midaasi waa asaga go’aankiisa.
Laakiin ma ahan mid wanaagsan haddii uu sameeyo wax aadan adigu jeclayn.
Waa adiga qofka go’aansanaya qofka adiga ku taabanaya.

Waxaa jira dad baddan oo ku caawin kara.
Adiga kaliya waxaad u baahantahay in aad u mahad celisid wax intaas ka badana majiraan.
Haddii uu qof u rabbo in uu si daacadnimo ah kuu caawiyo,
kuguma samaynayo wax aadan adigu jeclayn.

Way wanaagsantahay in aad qof kala hadashid arinta.
Waxaad la hadli kartaa shaqaalayaasha bulshada jooga meesha aad degantahay.
Ama la hadal dadka jooga xarunta la talinta.
Ka raadi tallo tooska boggagaan internetka:
http://www.zanzu.de/de/hilfe-beratung

https://www.hilfeportal-missbrauch.de/nc/adressen/hilfe-in-ihrer-naehe/kartensuche.html?tx_nxshelpdesk_helpdesk[institutionType]=21

Ilmo adeerkayga (labb, 22 sanno jir ah) ayaa iga taabtay aniga oo ah gabar (dheddig, 13 sanno jir ah) lugahayga hoostooda xubintayda taranka. Laakiin anigu ma doonayo in uu i taabto. Maxaa dhacaya haddii aan qof u sheego?

Ilmo adeerkaaga looma oggola in uu sidaasi sameeyo.
Qofna looma oggola in uu kaa taabto goobahaaga khaaska ah xubinkaaga taranka ah.
Haddii aad tahay gabar ama wiilba.
Adigu aad ayaad u yartahay.
Taasi ma ahan mid laga oggolyahay gudaha dalka Jarmalka.
Marka aad weynaatid, waxaa laguu oggolyahay in aad adiga go’aansatid qofka ku taabanaya.

Waa in aad u sheegtid daryeelahaaga.
Way kugu caawin karaan.
Si aysan markale arintaasi u dhicin.
Sidoo kale waxaad caawimaad ka heli kartaa xarunta tallo bixinta.

Muhiim ah:
Adigu ma tihid qof dambi leh.
Laguma ciqaabi doono.
Ilmo adeerkaaga waa la ciqaabi karaa haddii aad sidaasi doonaysid.
Kadibna waxaa khasab kugu ah in aad ku cabatid booliiska.
Xarunta tallo bixinta ayaa midaasi kugu caawin karta.