Aniga (oo ah 14 sano jir) aad ayaan u murugaysanahay.Waxaan ka fakara waxyaabo hore.Mararka qaarkood taasi ayaa iga dhigta in aan cabsado.Mararka qaarkood ma aqaano sida aan ula sii noolaan doono.Balse waxaan ka cabsi qabaa in aan kala hadlo waalidiintayda.Yaa i caawin kara?

Dad badan ayaa dareemaya isla sida aad dareento:
Ma oga sida ay ula noolan karaan cabsi iyo murugo.
Waxaa laga yaabaa in aysan iloowi karin waxyaabo horay ugu soo dhacay.
Waqtiyadaas oo kale, waxaad u baahan tahay caawimo.

Haddii aad ka cabsi qabto in aad kala hadasho qof adiga kugu dhow:
Markaas waxaa jira khadka tooska ah ee “Krisen-Dienst Psychiatrie” (Adeegga Dhibaatooyinka Xannuunka Maskaxda).
Khadka tooska ah waa lambar telefoon oo loogu talogalay xaalado gaar ah.
Waxaad waci kartaa marka aad dhibaato ku jirto.
Waxaad waci kartaa marka aad murugo dareento.

Waxaad ka waci kartaa khadka tooska ah teleefoon lambarka 0180 / 655 3000.
Waxaad waci kartaa lambarkaas min 9:00 ilaa 24:00.
Waalidiintaadu ma aha in ay ogaadaan.
Fadlan wac lambarkaasi.

Shaqaalaha teleefoonka ka jawaaba way ku dhageysan doonaan.
Way kula shaqayn doonaan si ay u go’aamiyaan waxa aad u baahan tahay.
Waxaan rajaynayaa, in ay ku caawin doonaan.

Anigu waxaan jiraa 16 waxaana u sheegay saaxiibadayda in aan khaniis ahay. Hadda inbaddan oo wiilasha kamid ahi ma doonayaan in ay saaxiibo ila noqdaan. Qaarkoodna waaba kuwo aad xaasidiin u ah. Maxaan sameeyaa?

In aad u sheegtid saaxiibadaad arintaasi waxaa lagu magacaabaa ‘banaan usoo bixid’.
Arintaasi waa mid wanaagsan oona aad geesinimo u ah!
Inbaddan oo kamid ah dhallinyarada waxay ka baqaan in ay banaanka usoo baxaan.
Waxay ka cabsadaan in laga diido dhinaca waalidiintooda ama saaxiibadooda.
Nasiib daro, midaan waa xaaladaha intooda baddan.
Welina waxaa jira dad ku xukumaya.
Midaan waa arin aad murugo kuugu leh adiga iyo muraal jab.
Si kastaba, waxaa jira dad baddan oo maskax-furan – kaliya waa in aad adigu raadisid.

Waxaa jira wiilal baddan oo jacayl u qaada wiilasha!
Inta baddan waxaa wanaagsan in aad kala hadashid wiilal kale oo khaniisiin ah.
Waxaad ka heli kartaa kooxo dhallinyaro adiga kuu dhow halkan:
https://diversity-muenchen.de/
Halkaas waxaad ka heli doontaa dad ku fahma.
Sidoo kale halkaasi waxaad ka heli kartaa saaxiibo cusub.
Sababtoo ah adiga waxaad ku FIICANTAHAY sida aad tahay!
Waxaa jiri kara qof dhigta iskuulkaaga midkaas oo ku caawin kara.
Sidoo kale waxaad caawimaad ka heli kartaa xarunta talada:
https://diversity-muenchen.de/beratung-aufklaerung/beratung-hilfe/beratung-bis-27-jahre/

beratung@gladt.de: halkan waxaad ka heli kartaa caawimaad ku qoran luuqadahaan soo socda: Jarmal, Carabi, Turkish, Ingiriisi, Faransiis iyo Kurdish. Luuqado dheeri ah waxaa la helayaa marka la dalbado!

Anigu inta baddan waxaan qabbaa calool xanuun ama madax xanuun. Waxaan dareemaa guud ahaan in aanan ficnayn. Dhakhtarku ima caawin karo. Hadda waxaa la iga rabaa in aan aado daaweyn cilmi nafsi ah. Miyaan waalanahay?

Adigu ma waalnid.
Waxaa jira xanuunada qaar kuwaas oo daawo u baahan.
Ama waxaad u baahnaanaysaa in aad biloowdid cunida ama cabida wax ka duwan wixii hore si aad u dareentid ficnaansho.
Kadibna waxaa jira xanuuno kale halkaas oo aan caddeyn waxa lagu daaweeyo.

Midaan waa sida xaalada xanuunada-caloosha iyo madaxa, tusaale ahaan.
Dhakhtarku wuxuu isku dayayaa in uu oggaado sababta keentay xanuunkaaga.
Midaan waxay noqon kartaa mid mararka qaar ay adagtahay maadaama ay sababtu noqon karto mid nafsiyan ah.

Haddii aysan kaa helin wax dhib ah oo ku haysta waxay kuu diraysaa daaweeye.
Daaweeyayaashu waa dhakhtaro cilmi nafsi ah kuwaas oo adiga kula hadlaya inbaddan.
Kadibna waxay isku dayaan in ay oggaadaan sababta keentay xanuunkaada.
Midaan adiga ayay kuu fiicantahay.

Waxaa jira sababo baddan oo xanuunka keena:
Sidoo kale xanuunka wuxuu ka dhashan karaa wel-wel, cabsi ama musiibo weyn. Ama wax aad u xun oo aad hore ula kulantay.
Daawada ayaa caddeynaysa sababta aad u dareemaysid xanuunka.
Iyo sida loo joojinayo xanuunkaada.
Alle haku caafiyo!

Sideed ii caawin kartaan?

Waxaan kuu sharxi doonaa arimaha waxaana macluumaad kugu siin doonaa tooska bogga internetka.
Halkan wax xumaan ah kuma gaarayaan carruurta iyo dhallinyaradaba.
Waxaan ballan ku marnay in aynu kusiino taageero.
Waana midaasi sababta aynu kuugu sharxayno waxyaabo badan.
Si aad u oggaatid waxa wanaagsan iyo waxa aanan wanaagsanayn.

Uma caawino si toos ah carruurta iyo dhallinyarada.
Nagulama soo hadli kartid teleefoon.
Laakiin waxaa jooga dalka Jarmalka dad kale kuwaas oo caawiya carruurta iyo dhallinyarada.
Xitaa marka ay la kulmaan rabsho.
Xitaa marka ay la kulmaan xad gudub galmo ah.
Waan kuu sheegi karnaa halka aad caawimaad ka heli kartid.

Waa in aad ammaan ku dareentid halkan.

Qofkee i caawin kara? Waxaa la iigu xad gudbey galmo ahaan.

Dalka Jarmalka waxaa jooga dad badan oo caawiya dhallinyarada.
Waxay ka shaqeeyaan xarumaha tallo bixinta.
Waxay ku caawin karaan xaalada ay rabsho dhacdo.
Waxay ku caawin karaan xaalada uu xad gudub galmo dhaco.

Tallo bixintu waa mid lacag la’aan ah.
Waxay kugu caawin doonaan in aad go’aansatid nooca caawimaada aad u baahantahay.

Ka raadi halkan:
http://www.zanzu.de/de/hilfe

https://www.hilfeportal-missbrauch.de/nc/adressen/hilfe-in-ihrer-naehe/kartensuche.html?tx_nxshelpdesk_helpdesk[institutionType]=21
Sidoo kale waxaa jira xarumo tallo bixin loogu talogalay dadka qaxootida dhallinyarada ah.
Nasiib daro bogga wuxuu ku qoranyahay oo kaliya luuqada Jarmalka.

Inta badan waxaa khasab kugu ah in aad samaysatid ballan.
Weydii qof haddii ay ku caawin karaan. Inbadan oo ayaga kamid ahi waxay haystaan turjubaano.
Haddii aysan qabin turjubaano, markaasi waxaad hore u wadan kartaa qof adiga kuu turjuma.