Aniga oo ah (16 sanno jir) waxaan ku noolahay qayb deegaan. Waxaan leeyahay bandow aad u adag. Haddii aan soo daaho waa la i ciqaabayaa. Midaasi sax miyaa?

Qofka adiga ku daryeela ee jooga qaybta deegaanka waxaa khasab ku ah in uu adiga ku ilaaliyo.
Midaasna macnaheedu waxay tahay in aan adigu laguu oggolayn in aad banaanka kusoo daahdid.
Waa sax in aad laguugu dhaho:
Waa in aad guriga joogtid wakhti habboon habbeenkii.
Si kastaba, waxaad xaq u leedahay in aad wakhti fiican la qaadatid saaxiibadaada.

Mararka qaar waxaad is arkaysaa in aad wakhtiga kasoo dib dhacday.
Waxaadna guriga imaanaysaa adiga oo aad uga soo daahay wakhtigii lagu heshiiyay.
Kadibna waa sax in ay kugu adagtahay qaybta aad degantahay.

Si kastaba, mararka qaar ma ahan adiga khaladkaaga in aad soo daahdid.
Sababtoo ah baska ayaa soo daahi kara.
Sababtoo ah ballanta ayaa wakhtigeeda ka dheeraan karta.
Haddii ay sidaas dhacdo xaq ma ahan in lagu ciqaabo.
Dadka adiga ku daryeela waa in ay midaan maskaxda ku hayaan.

In lagu ciqaabo ma ahan mid xaq ah.
Haddii aad u malaysid in laguula dhaqmay si aan cadaalad ahayn waa in aad raadisaa caawimaad.
Tusaale ahaan, waxaad arinta kala hadli kartaa qofka adiga mas’uulka kaa ah.

Aniga oo ah (16 sanno jir) waxaan ku noolahay waalidiintayda la’aantooda urur nolol wanaaga dhallinyarada ah. Inta baddan waxaan jeclahay in aan la kulmo saaxiibadayda. Si kastaba, Waxaan leeyahay ballamo aad u baddan. Ma tahay mid ay yihiin dhammaan carruurta oo dhan iyo dhallinyarada ku nool dalka Jarmalka?

Dhammaan carruurta iyo dhallinyarada ku nool dalka Jarmalka waxay xaq u leeyihiin in ay helaan wakhti faraaqo iyo madadaalo.
Adiguna sidoo kale waxaad leedahay xaqaan si lamid ah dhammaan carruurta iyo dhallinyarada kale.
Dadka adiga ku daryeela waa in ay xaqaan maskaxda ku hayaan.

Si kastaba, ayagu waxay kaloo u baahanyihiin in ay si fiican kuu daryeelaan.
Waana sababtaasi waxa aad mararka qaar u qabtid ballamo iyo hawlo baddan.
Waxaad u baahnaan kartaa in aad u tagtid xarumaha rasmiga ah ee maamulka si laguu weydiiyo su’aalo ku saabsan meesha aad degantahay.
Si loo hubsado in aad halkaasi sii joogaysid.
Ama haddii aad u baahantahay in aad la hadashid qofka adiga mas’uulka kaa ah.
Si ay u oggaadaan waxa ay adiga kuu samayn karaan.
Ama haddii aad u baahantahay dukumeenti gaar ah.
Si aad u caddeysid qofka aad tahay, tusaale ahaan.

Waa in aad haysatid qaar ballamo ama hawlo ah sababtoo ah halkan waxaad joogtaa adiga oo aan kula soconin waalidiintaada.
Qofka adiga ku daryeela ma awoodi karo in uu adiga kuu maareeyo ballamahaan.
Ma u malaynaysaa in ay ballamahaan aad kuugu baddanyihiin?
Haddaba fadlan kala hadal qofka adiga ku daryeela.
Ama weydii qofka adiga mas’uulka kaa ah.

Anigu waxaan ka imid dalka Suuriya waxaana ku noolaa meel deganaansho ah sannad iyo bar (waxaan ahay gabar, 15 sanno jir ah). Waxaan aad ugu xiisay dalkaygii mararka qaarna waxaan dareemaa murug. Qofkee i caawin kara? Anigu ma doonayo in aan cidna culeys saaro.

Kali ayaad ku dareemaysaa dalka Jarmalka.
Waxaad soo martay waddo aad u dheer.
Hubbaal inbaddan oo kamid ahi ma uusan ahayn kuwo farxad leh waxayna ahaayeen kuwo murugo baddan.
Waxaad lasoo kulantay culeys aad u weyn.

Adigu weli ma tihid qof weyn.
Waxaad xaq u leedahay in aad heshid caawimaad iyo taakulayn.
Iyo: waxaad xaq u leedahay in lagu dhagaysto.
Midaana macnaheedu wuxuu yahay: aad ayay muhiim u tahay in ay dadku ku dhagaystaan.
Waa muhiim in codkaaga la maqlo.
Midaan waa mid kamid ah Xuquuqaha Carruurta UN-ka.
Macnaheedu waxay tahay: dadka adiga ku daryeela hadda way ku dhagaystaan.
Waxay daneeyaan waxa aad jeceshahay.
Waxay kugu caawinayaan in aad dareentid farxad iyo ammaan.

Haddii aysan sidaan samaynin haddaba waxbaa khaldan.
Kadibna waxaad u baahantahay in aad caawimaad raadisid.
Fadlan la hadal qof weyn oo aad ku kalsoontahay.

Aniga oo ah (gabar, 15 sanno jir ah) waxaan jeclahay in aan aado Oktoberfest ee ku taala Munich sannadkan. Anigu weligayga meesha ma tagin! Maxaan u baahanahay in aan oggaado?

Oktoberfest ku dhowaadkii waa bandhiga ugu weyn adduunka.
Maalmaha qaarkooda waxaa kasoo qayb gala dad tiradoodu gaaraysa 600,000.
Mararka qaarna midaan waxay noqon kartaa mid aan raaxo lagu dareemin.
Waxaad ka heli kartaa qaar naseexooyin ah halkan si aad u hubsatid in aad samaysid booqasho wanaagsan.

Oktoberfest waxay noqon kartaa mid aad u madadaalo baddan.
Sidoo kale waxaa jiri karta wakhtiyo aan wanaagsanayn oo ka dhaca Oktoberfest:
Haddii aad tahay keligaaga.
Haddii uu qof kugu xad gudbay.
Haddii aad la kulantid rabsho.
Intaan waa uun kaliya tusaalooyin yar.

Waxaynu jecelnahay in aynu dhahno: dareemahaagu waa kuwo caadi ah oona muhiim ah!
Haddii aad u baahantahay caawimaad aad Goobta Amniga ee loogu talogalay gabdhaha iyo dumarka.
Halkaas waxaa jooga gabdho wanaagsan oo kugu caawinaya wax kasta oo dhibaato ah oo aad qabtid.
Waxay halkaas joogaan maalin walba laga bilaabo 6 pm illaa 1 am iyo maalinta Sabtida laga bilaabo 3 pm illaa 1 am.
Goobta Amniga waxay ku taalaa Xarunta Adeega.
Booliiska, Laanqayrta Cas iyo xafiiska waxyaabaha la waayay ee la helo ayaa sidoo kale halkaas jooga.
Sidoo kale waxaad weydiin kartaa shaqaalaha amniga, booliis ama shaqaalaha adeega.
Waxay ku tusinayaan waddada.
www.sicherewiesn.de

Aniga oo ah (gabar, 17 jir ah) shalay ayaan cabay khamro. Kadibna wiil saaxiib ah ayaa iga taabtay naasaha, kadibna lugahayga dhexdooda. Anigu ma doonayo in uu i taabto. Laakiin waxba ma dhici karo maadaama ay igu adagtahay in aan arintaasi ka hadlo. Saaxiibadayda gabdhaha ahi waxay dhahaan: midaasi waa waxa kugu dhaca marka aad cabtid khamro. Khalad miyaan ku leeyahay arintaasi?

Anagu waxaynu leenahay: gebi ahaanba maya!
Qofna ma ahan in nafsadiisa lagu eedeeyo marka wax sidaan oo kale ah lagu sameeyo.
Qofna ma ahan in uu ku taabto haddii aadan sidaasi doonaynin.

Mararka qaar waxaa jirta wakhtiyo qaab daran.
Xitaa qof aad garanaysid!
Mararka qaarna waa habbeen wanaagsan in lagu bilaabo.
Laakiin kadibna waxaa kugu dhacaya waxyaabo aadan doonaynin in ay kugu dhacaan.
Laakiin arinta ay tahay in aad marwalba oggaatid waxay tahay in dareemahaagu ay yihiin kuwo sax ah oona muhiim ah!
Xitaa sharcigu wuxuu dhigayaa:
In la shumiyo, la taabto oona galmo lala sameeyo lammaane aan midaasi oggolaanin waa arin mamnuuc ah.
Xitaa haddii aadan adigu awoodin in aad nafsadaada u hadashid markaasi.
Xitaa haddii aad si aad ah u cabsantahay oona awoodin in aad dhahdid maya.
Qofka kale weli waa in uu oggaado haddii aad si dhab ah u doonaysid in aad ku raaxaysanaysid waxa uu samaynayo ama aadan doonaynin.
Adiga waxaad awoodaa in aad marwalba raadisid caawimaad.
Tusaale ahaan, magalaada Munich waxaynu ku leenahay xarun tallo IMMA ah: http://www.imma.de/einrichtungen/beratungsstelle/kontakt.html
Dhallinyaradu waxay caawimaad ka heli karaan meel kale oo Jarmal ah sida meeshan oo kale: https://www.zanzu.de/de/hilfe-beratung

Goor dhowayd waxaan joogay xaflad (Waxaan ahay gabar, 16 sanno jir ah) kadibna ‘waan suuxay’. Ma garanayo waxa dhacay. Laakiin ma aanan cabaynin khamro mana qaadanin wax daroogo ah. Maxay sidaan u dhacday?

Suuxdinta ama miyir daboolanka waa wareerid.
Macnaheedu waxay tahay: adigu ma oggid waxa dhacay.
Xitaa haddii aadan hurdaynin.

Waxaa dhici karta in ay gabdhaha saaxiibadaada ahi ay ogyihiin waxa adiga kugu dhacay.
Ku biloow in aad ayaga weydiisid.
Kadibna waxaad u baahantahay in aad dhakhtar la kulantid.
Ayaga ayaa oggaanaya haddii aad xanuunsantahay iyo haddii kale oo aad fiicantahay.

Sidoo kale waa suurtogal in qof cabitaanka wax kuugu daray.
Daroogooyinkaan inta baddan waxaa loo yaqaanaa sida ‘suuxiyayaal’.
Malahan wax dhadhan ama ur ah.
Waxaa si qarsoodi ah loogu dari karaa cabitaanka.
Kadibna waxaad dareemaysaa awood la’aan, caawimaad la’aan ama sidii adiga oo aan waxba qaban karin.
Hadhowna, waxaa kugu dhacaya in aad miyirkaaga weyso; suuxdin.

Arintaan waxaad kala hadli kartaa dhakhtarkaaga.
Sidoo kale ayadu waxay kuu soo jeedinaysaa qof aad la hadli karto.
Waa cabsi in aadan garanaynin waxa kugu dhacay.
Fadlan raadi caawimaad.

Walaashaydu waa eeyad (waxaan ahay wiil, 16 jir ah). Sidaas ayaan ku iri. Hadda ayada waxay u sheegtay qofka mas’uulka naga ahaa. Wuxuu u arkay luuqada aan isticmaalay in ay tahay mid ‘jinsi ahaan ah’. Asagu wuu caraysanyahay, sax?

Macnaha ereyga “bitch” waxaa laga wadaa ‘eeyda’.
Nasiib daro, hadalkaan mararka qaar waxaa loo isticmaalaa gabdhaha.
Dadku inta baddan waxay u isticmaalaan si ay u dhahaan gabadha leh saaxiibo baddan oo wiilal ah.
Ama in ay gabar hore u samaysay galmo.
Waa erey aad u xun in gabdhaha loo isticmaalo.
Mas’uulkaaga wuu saxanyahay. Ereyada kuwaan oo kale ah waa kuwo tusinaya jinsi ahaan.
Waxaa jira ereyo baddan oo kale oo dhibaato ku ah gabdhaha.
Sidoo kale wiilasha waxaa lagu waxyeelayn karaa ereyada.
Tusaale ahaan, sida ereyada ‘fuley’.

Muhiim ma ahan hadalka ama qaabka loo isticmaalo.
Haddiiba aydhibaato u gaysanayso qof kale ma ahan mid sax ah.
Way wanaagsantahay in dadka si toos ah loola hadlo.
Ma wanaagsana in lagu dhibaateeyo hadalo.
Haddaba adiga waxaa khasab kugu ah in aad raali geliso.

Haddii aad u malaysid in hab dhaqanka walaashaadu aan wanaagsanayn waa in aad ayada la hadashaa.
Waa muhiim in aad isku muujisaa ixtiraam.
Midaana waxaa kamid ah luuqada aad isticmaashaan: waxay tusinaysaa in aad qofka kale ixtiraamaysid.

Aniga oo ah (15 sanno jir) waxaan jeclahay in aan u diro wiil saaxiibkayga ah sawir qaawan oo aniga ah. Sawirka aniga waxaa iga qaawan naasaha mana xirni wax rajabeeto ah. Gabdhaha saaxiibadayda ahi waxay igu dhahaan waa in aanan sidaasi samaynin. Ma jirtaa sabab iga dhagaysa in aanan sidaasi samaynin?

Inbaddan oo kamid ahi gabdhaha iyo wiilasha waxay jecelyihiin in ay ka dhigaan lammaanahooda mid faraxsan.
Waxay jecelyihiin in ay ugu muuqdaan ayaga kuwo soo jiidasho leh.
Si kastaba, waxaa jira dhowr waxyaabood oo ay tahay in aad oggaatid.

Si cad: waa in aad uga fikirtaa qofka aad u diraysid sawirka noocaan ah.
Waa arin khaas ah waxayna muujinaysaa in aad lammaanahaaga ku qabtid kalsooni buuxda.
Sidoo kale waxaa khasab kugu ah in aad nafsadaada weydiisid:
Lammaanahaaga ma doonayaa sawirka?
Waa in aadan u dirin qof aanan sawirka doonaynin in uu haysto.
Waxay noqon kartaa dembi xad gudub.

Fadlan tixgeli:
Midkaan waa adiga sawirkaaga; waxaadna go’aansan kartaa qofka arki kara iyo qofka aan arki karin.
Kadib marka aad dirtid adigu ma oggaan kartid waxa lagu samaynayo sawirka.
Si taxadar leh uga fikir: maku kalsoontahay qofka aad u diraysid sawirka?
Waa in aanan qofna u dirin qofkale sawirkaaga adiga oo aan midaasi oggolaanin.
Haddii uu qof ku xad gudbo kalsoonidaan haddaba markaasi waa qof dembi ku dhacay.
Haddii aad u baahantahay caawimaad dheeraad ah oo arintaan ku saabsan waxaad qof kala xiriiri kartaa halkan:
http://www.nina-info.de/save-me-online/kontakt-beratung.html

Aniga oo ah (gabar, 14 jir ah) waxaa igu dhacay illaa iyo hadda seddex jeer dhiigayga caadada. Marwalba waxaa jiri jirtay hakad ah kudhowaadkii hal bil inta u dhaxaysa. Si kastaba, hadda ma uusan iga imaanin dhiiga afar bilood. Miyaan Xanuunsanahay?

Adiga waad wel-welaysaa sababtoo ah muddo ma uusan kaa imaanin dhiiga.
Midaasi gebi ahaanba waa wax la fahmi karo!
Si kastaba, macnaheedu ma ahan in aad xanuunsantahay.

Gabdho baddan ayaa ku dhaca caadooyin aan dabiici ahayn marka hore.
Mararka qaar hakadka u dhaxeeya caadada wuxuu noqonayaa mid gaaban.
Kadibna wuxuu qaadanayaa muddo aad u dheer illaa laga gaaro caadada xigta.
Mararka qaarna wuxuu qaadanayaa illaa ay caadadaadu ka timaado ku dhowaadkii hal bil.
Badanaa hakadka wuxuu yahay inta u dhaxaysa 21 iyo 35 maalmood.
Gabdhaha qaarkooda hakadyadu waxay yihiin kuwo marwalba gaaban ama kuwo dhaadheer.

Si kastaba, waxaa jiri karta sabab kale.
Tusaale ahaan: haddii aad wel-welsantahay.
Haddii aad qaadatay daawo.
Maadaama uu miisaankaagu isku bedelay si weyn.
Haddii aad hore u samaysay galmo:
Markaasna waxaa laga yaabaa in aad sidoo kale uur leedahay.
Haddii aadan hubin waxaad u tagi kartaa dhakhtarkaaga dumarka.
Waxay kugu samaynayaa baaritaan waxayna kaaga jawaabayaa su’aalahaaga.

Adeerkay ayaa ii sheegay aniga oo ah (wiil, 14 jir ah) in aan xanuunsanayo haddii aan inbaddan Siigaysto. Waxaan sameeyaa ugu yaraan halmar maalintii. Ma tahay midaasi mid aan caafimaadka u fiicnayn?

Waxa aad samaynaysid gebi ahaanba waa wax caadi ah.
Xitaa haddii aad siigaysatid dhowr jeer maalintii kuma xanuunsanaysid.
Sidoo kale waa lamid gabdhaha.

Dhallinyarada ayaa mararka qaar laga reebaa in ay siigaystaan.
Dadka qaar waxay dhahaan: siigaysigu wuxuu kaa dhigayaa in aad xanuunsatid ama indhoole noqotid.
Tani run ma ahan. Kaliya waxay ay sidaan kuugu dhahayaan waxay tahay si ay kaaga cabsiiyaan.

Inta lagu guda jiro samaynta siigaysiga, inbaddan oo wiilasha kamid ahi waxay u jiidaan maqaarka kore ee xubinkooda taranka hore iyo gadaal.
Ama waxay xoqaan ibta xubinkooda taranka.
Gabdhuhuna sidoo kale way siigaystaan.
Tusaale ahaan, ayaga oo taab-taabta kintirkooda.
Midkaana waa kuuska yar ee ku jira dhexda bishimaha xubinka taranka dumarka.

Waxa aad sidaan isugu xoqayso waxay tahay si aad u dareentid galmo ama macaan galmo.
Qaabkan sidoo kale waxaad ku dareemaysaa dareenka galmada ugu fiican, ama kacsiga.
Siigaysigu waa hab dhaqan banii’aadam dabiici ah.
Ayada oo aan la eegaynin haddii aad yartahay ama weyntahay.

Waxaad u oggaanaysaa jirkaaga si wanaagsan.
Waxaad oggaanaysaa dhaq-dhaqaaqa aad jeceshahay iyo midka aadan jeclayn.
Sidoo kale waxaad u sheegi kartaa hadhow arintan lammaanahaaga.
Hubaal kaama dhigayso in aad xanuunsatid iskaba dhaaf waxay kaa dhigaysaa in aad dareentid nafis iyo raaxo.