Waxaan ahay wiil 15-sanno-jir ah. Waxaan u malaynayaa in aan jeclahay wiil kale. Ma tahay midaasi mid mamnuuc ah ama reeban? Maxaan samayn karaa?

In qofka uu jeceyl ku dhaco waa dareen aad u wanaagsan mana ka ahan mamnuuc ama mid ka reeban gudaha dalka Jarmal!
Mararka qaar gabar ayaa jeceyl u qaadaysa gabar kale.
Mararka qaarna wiil ayaa jeceyl u qaadaya wiil kale.
Midaasi gebi ahaanba waa mid caadi ah.
Ma ahan mid mamnuuc ah ama reeban.

Waddamada iyo diimaha qaarkooda, dadku waxay dhahaan midaasi waa dambi wayn.
Sidaas darteeda waxaa laga yaabaa in aad u malaysid in dareemahaagu ay yihiin kuwo xun.
Sidaas darteedna ma doonaysid in aad qaadid dareemahaasi.
Laakiin anagu waxaynu jecelnahay in aad oggaatid:
In dareemahaagu ay yihiin kuwo dabiici ah oona ahayn dambi.
Adigu ma dooran kartid dareemahaaga.
Dareemahaagu waa kuwo caadi ah.

Mararka qaar dadku waxay u arkaan in ay wanaagsantahay in aad qof u sheegtid.
Laakiin in dareemahaaga qof loo sheego ma ahan mid fudud waxayna u baahantahay geesinimo.
Dabcan waxaad kala hadli kartaa dareemahaaga qof aad ku kalsoontahay.
Waxaad ka heli doontaa caawimaad badan boggaan internetka ah: www.sextra.de

Ilmo adeerkayga (labb, 22 sanno jir ah) ayaa iga taabtay aniga oo ah gabar (dheddig, 13 sanno jir ah) lugahayga hoostooda xubintayda taranka. Laakiin anigu ma doonayo in uu i taabto. Maxaa dhacaya haddii aan qof u sheego?

Ilmo adeerkaaga looma oggola in uu sidaasi sameeyo.
Qofna looma oggola in uu kaa taabto goobahaaga khaaska ah xubinkaaga taranka ah.
Haddii aad tahay gabar ama wiilba.
Adigu aad ayaad u yartahay.
Taasi ma ahan mid laga oggolyahay gudaha dalka Jarmalka.
Marka aad weynaatid, waxaa laguu oggolyahay in aad adiga go’aansatid qofka ku taabanaya.

Waa in aad u sheegtid daryeelahaaga.
Way kugu caawin karaan.
Si aysan markale arintaasi u dhicin.
Sidoo kale waxaad caawimaad ka heli kartaa xarunta tallo bixinta.

Muhiim ah:
Adigu ma tihid qof dambi leh.
Laguma ciqaabi doono.
Ilmo adeerkaaga waa la ciqaabi karaa haddii aad sidaasi doonaysid.
Kadibna waxaa khasab kugu ah in aad ku cabatid booliiska.
Xarunta tallo bixinta ayaa midaasi kugu caawin karta.

Waxaan ahay wiil jira-14-sanno. Daryeelahayga wuxuu doonayaa in uu i dhunkado. Waxaan u malaynaa midaasi in ay tahay mid laga yaq-yaqsado ama la karaahiyeysto. Maxaa ila gudboon in aan sameeyo?

Daryeelahaaga looma oggola in uu ku dhunkado.
Dalka Jarmalka, dadku looma oggola in ay ka faa’ideystaan dadka daciifka ah.
Dadka daciifka ahi waa:
Dadka u baahan caawimaad iyo ilaalin uu qof kale bixiyo.
Sidaas darteeda asaga wuxuu sameeyay wax khalad ah oona mamnuuc ah.
U sheeg in aadan midaasi doonaynin.
Waa in uu midaasi aqbalo.

Haddii uu sidaasi kusii socodo, raadso caawimaad.
U sheeg daryeel bixiye kale ama qofka adiga masuulka kaa ah.
Haddii aysan ku rumeynin, raadi qofkale.
Illaa uu qof kaa caawiyo.

Muhiim ah:
Dareemahaaga iyo sida aad dareentid waa mid caadi ah.
Laguma ciqaabi doono.
Waxaa laguu oggolyahay in aad dhahdid MAYA.

Sideed ii caawin kartaan?

Waxaan kuu sharxi doonaa arimaha waxaana macluumaad kugu siin doonaa tooska bogga internetka.
Halkan wax xumaan ah kuma gaarayaan carruurta iyo dhallinyaradaba.
Waxaan ballan ku marnay in aynu kusiino taageero.
Waana midaasi sababta aynu kuugu sharxayno waxyaabo badan.
Si aad u oggaatid waxa wanaagsan iyo waxa aanan wanaagsanayn.

Uma caawino si toos ah carruurta iyo dhallinyarada.
Nagulama soo hadli kartid teleefoon.
Laakiin waxaa jooga dalka Jarmalka dad kale kuwaas oo caawiya carruurta iyo dhallinyarada.
Xitaa marka ay la kulmaan rabsho.
Xitaa marka ay la kulmaan xad gudub galmo ah.
Waan kuu sheegi karnaa halka aad caawimaad ka heli kartid.

Waa in aad ammaan ku dareentid halkan.

Qofkee i caawin kara? Waxaa la iigu xad gudbey galmo ahaan.

Dalka Jarmalka waxaa jooga dad badan oo caawiya dhallinyarada.
Waxay ka shaqeeyaan xarumaha tallo bixinta.
Waxay ku caawin karaan xaalada ay rabsho dhacdo.
Waxay ku caawin karaan xaalada uu xad gudub galmo dhaco.

Tallo bixintu waa mid lacag la’aan ah.
Waxay kugu caawin doonaan in aad go’aansatid nooca caawimaada aad u baahantahay.

Ka raadi halkan:
http://www.zanzu.de/de/hilfe

https://www.hilfeportal-missbrauch.de/nc/adressen/hilfe-in-ihrer-naehe/kartensuche.html?tx_nxshelpdesk_helpdesk[institutionType]=21
Sidoo kale waxaa jira xarumo tallo bixin loogu talogalay dadka qaxootida dhallinyarada ah.
Nasiib daro bogga wuxuu ku qoranyahay oo kaliya luuqada Jarmalka.

Inta badan waxaa khasab kugu ah in aad samaysatid ballan.
Weydii qof haddii ay ku caawin karaan. Inbadan oo ayaga kamid ahi waxay haystaan turjubaano.
Haddii aysan qabin turjubaano, markaasi waxaad hore u wadan kartaa qof adiga kuu turjuma.

Hore ayaan galmo u sameeyay. Waxaana ku qaatay lacag. Ma tahay midaasi mid reeban ama mamnuuc ah?

Haddii aad tahay qof kayar 18 sanno:
Qofna looma oggola in uu galmo lacag kugu siiyo.
Midaasi waa mid mamnuuc ka ah dalka Jarmalka.

Laakiin adigu ma samaynin wax xun.
MUHIIM AH: Laguma ciqaabi doono.
Dadka adiga galmada kula sameeyay waxay u dhaqmeen si khaldan.
Ayagu waa la ciqaabi karaa.

Waa in aadan hadda kadib samaynin.
Waxaad la xiriiri kartaa booliiska.
Booliiska dalka Jarmalka waxay kugu caawin doonaan in aysan dadkaasi markale u noqonin arintaasi.

Way wanaagsantahay in laga hadlo arinta
Kadibna waxaa dhici karta in ay arimuhu kuu wanaagsanaadaan.
Raadi qof aad u sheegi karto.
Qof aanan kuu arkaynin in aad tahay qof xun maadaama aad sidaasi samaysay.

Sidoo kale waxaa jira xarumo tallo bixin oo ku caawin kara:
Loogu talogalay nimanka yar-yar: http://www.marikas.de/
Loogu talogalay dumarka yar-yar: http://www.mimikry.net/
Loogu talogalay qofkasta: http://www.jadwiga-online.de/kontakt.php
Loogu talogalay dumarka: http://www.solwodi.de/33.0.html?&L=0%3FkeepThis%3Dtrue

Waxaan ahay qof uur leh. Waxaana doonayaa in aan ilmaha dhallo. Maxaa ila gudboon in aan sameeyo hadda?

Midaan waa isbedel aad u weyn oo noloshaada lasoo gudboonaanaya.
Adiga waxaa laguu oggolyahay in aad go’aansatid waxa xiga ee aad samaynaysid.
Midaasi waa masuuliyad weyn.
Laakiin waxaa jira dad badan oo midaasi kugu caawin kara.

Waa muhiim in aad ka taxadirtid nafsadaada.
Midaasna waxaa kamid ah caafimaadkaaga.
Waa in aad booqatid dhakhtarka dumarka.
Waxay kugu samayn doonaan baaritaan.
Sidoo kale waxay kusiin doonaan naseexooyin kusaabsan sidii aad ku ahaan lahayd qof caafimaad qabba.

Wixii kusaabsan su’aalo kale waxaa jirta xarunta tallada uurka.
Dadka halkaas jooga waxay kaaga jawaabi doonaan su’aalahaaga.
Waxaad mid ka heli kartaa boggaan soo socda:
http://www.zanzu.de/de/themen/schwanger-sein
http://www.familienplanung.de/beratung/beratungsstellensuche/
Waxaa dhici karta in aad u baahatid qof kugu caawiya in aad xarunta raadisid.
Bogga internetka ah hadda wuxuu ku qoranyahay kaliya luuqada Jarmalka.
Waxaa dhici karta in aad meesha u wadatid turjubaan.

Qof aynu is naqaano ayaa ii sheegay in uu i jeceylyahay. Laakiin anigu ma jecli. Sidee ila gudboon in aan u dhaqmo?

Waxaa dhici karta in uu murug dareemo.
Adigana waxaa dhici karta in aad u malaysid in ay midaasi tahay mid doqonimo ah.
Waxaa dhici karta in aadba tihiin kuwo saaxiibo ah.
Laakiin waxaa laguu oggolyahay in aad daacad ahaatid.
Waxaa laguu oggolyahay in aad si cad u dhahdid:
“Anigu kuma jecli.”

Mararka qaar dareemuhu way isbedelaan.
Waxaa dhici karta in aad hore ugu dhacday jeceyl.
Laakiin adiga hadda jeceyl kuma haayo.
Taasi sidoo kale waa caadi!

Khasab kuguma ahan in aad waxna samaysid haddii aadan doonaynin in aad wax samaysid.
Waxaa dhici karta in qofka aad istaqaaniin uu murgo ama kuu caroodo.
Laakiin waa in uu tixgeliyaa waxa aad u sheegtay.
Waa in uu aqbalaa in dareemahaagu ay isbedeleen.
Dareemuhu ma ahan kuwo la qasbi karo.

Anigu waxaan ahay gabar jirta-14-sanno. Ma la ii oggolyahay in aan galmo sameeyo?

Marka aynu dhahayno “galmo”, waxaan ula jeednaa dhammaan taabashada la taabto meelaha khaaska ah ama xubnaha taranka ah.
Dalka Jarmalka, midaani waa mid ka reeban guud ahaan kahor guurka.
Laakiin kaliya waxaa la oggolyahay marka ay labada qofba rabaan!
Sidoo kale waa caadi haddii aadan doonaynin in aad galmo samaysid.

Dalka Jarmalka, sharcigu wuxuu dhigayaa:
In ay reebantahay in qof lagu qasbo in uu galmo sameeyo.
Qofna looma oggola in uu ku qasbo.
Marwalba adiga waxaa laguu oggolyahay in aad dhahdid maya ama diidid.

Sidoo kale waad bedeli kartaa ra’yigaaga.
Waxaa dhici karta marka hore in aad doonaysay in aad galmo samaysid.
Khasab kuguma ahan in aad marwalba sidaasi dareentid.
Dadku ma rabaan in ay marwalba galmo sameeyaan.
Mararka qaar way wanaagsantahay in galmo la sameeyo mararka qaarna ma ahan mid wanaagsan.
Taasina waa arin caadi ah.

Adiga weli waxaad tahay qof aad u yar.
Uga fikir si taxadar leh waxa aad doonaysid.
Qayb kale, waxaad ka heli kartaa xadadka da’da go’an ee loogu talogalay galmada.

Waxaan jeclahay gabar. Dhabtiina waxaan jeclahay in aan xiriir la sameeyo. Maxaa ila gudboon in aan sameeyo?

In jeceyl la qaado waa wax wanaagsan.
Waxaad doonaysaa in aad wakhti badan ayada la qaadatid.
Waxaad doonaysaa in aad u sheegtid in aad jeceshahay.
Taasina waa mid wanaagsan oona caadi ah!

Laakiin mararka qaar waxaad u malaynaysaa in ay arinta u socoto si tar-tiib ah.
Waxaa dhici karta in ay ayaduna ku jeceshahay.
Waxaa dhici karta in aysan arinta hubin.
Waxaa dhici karta in aysan ku jeclayn.

Waxyaabaha uu qofka kale jecelyahay waa kuwo aad muhiim u ah.
Adiga waxaa laguu oggolyahay marwalba in aad sheegtid waxa aad doonaysid.
Adiga waxaa laguu oggolyahay in aad sheegtid ama cabirtid dareemahaaga.

Weydii gabadha waxa ay ayadu rabto.
Ayadana sidoo kale waxaa loo oggolyahay in ay sheegto waxa ay dareemayso iyo waxa ay rabto.
Adigu laguuma oggola in aad ayada taabato ama dhunkato haddii aysan ayadu midaasi doonaynin.
Laakiin ayadana sidoo kale looma oggola in ay ku taabato ama ku dhunkato haddii aadan midaasi doonaynin.