Waxaan jeclahay in aan la saaxiibo gabar Jarmal ah. Maxaa ila gudboon in aan sameeyo?

Sideed ku baranaysaa gabdhaha jooga dalka Jarmalka?
Iskuulka, ciyaarida ciyaaraha, naadiyooyinka iyo meelaha lagu dheelo ee diskiyoowyada ah iyo xafladaha.
Saaxiibo ayaa ku baraya.

Gabdhaha iyo wiilasha waxay doonayaan in ay baashaalaan.
Waxaa dhici karta in ay u labistaan si ka duwan sidii aad u baratay.
Taasi waa mid caadi ka ah halkan.
Macnaheedu kama dhigna in ay yihiin dad xun.

Waxay mudanyihiin in lagu ixtiraamo doorashadooda.
Xitaa haddii ay xirtaan dhar qaawan, macnaheedu ma ahan ayagu in ay doonayaan in la taabto.
Waxay doonayaan in ay inbadan kula hadlaan.

Inbadan oo wiilasha iyo gabdhaha kamid ahi waa kuwo si aad ah isaga taxadira.
Waxay fiiriyaan haddii ay arinta sii wadi karaan.
Kadibna waxay ku dhacaan jeceyl.
Ayagu kaliya waxay isdhunkan karaan marka ay labudaba sidaasi doonayaan.

Anigu waxaan ahay qof uur leh. Mana DOONAYO in aan ilmo dhallo. Maxaa ila gudboon in aan hadda sameeyo?

Waxaa laguu oggolyahay in aad go’aansatid haddii aad doonaysid in aad ilmaha dhashid iyo haddii kale oo aadan doonaynin.
Waxaad arintaasi kala hadli kartaa qof aad ku kalsoontahay.
Laakiin waa in aad adiga gaartid go’aankaaga khaaska kuu ah.

Waxaa laguu oggolyahay in aad joojisid uurka.
Midaasi waa mid lagu oggolyahay waddanka Jarmalka.
Laakii waa kaliya marka uurjiifka calooshaada ku jira uu weli yahay mid aad u yar.
Marka uu yahay uurkaagu mid ka yar seddex bilood.
Haddii aad tahay qof ka yar da’da 18 sanno oona doonaysid in aad samaysid qaliin lagu sameeyo hoosta qurxinta guud,
Waxaa khasab kugu ah in aad oggolaansho ka heshid waalidkaaga ama masuulkaaga sharciga ah.

Waxaa khasab kugu ah in aad hore u booqatid xarunta tallo bixinta uurka.
Ka fiiri halkan xarunta tallo bixinta: http://www.familienplanung.de/beratung/beratungsstellensuche
Ma ahan in aad cabsatid. Ayagu kaliya way kula hadli doonaan.
Waxaad u sheegi kartaa sababta aad u doonaysid in aad joojisid uurka.
Kadibna waxaad qaadan doontaa xaqiijin sheegaysa in aad booqatay xarunta tallo bixinta.
Waad u baahantahay xaqiijintaan si aad u samaysid ilma soo ridida.
Sidoo kale ayagu waxay kusiin doonaan cinwaanka dhakhtarka ama isbitaalka.
Meel aad ka heli kartid daaweyn ammaan ah.
Ha isku dayin qaab kale in aad samaysid. Midaasi waxay noqon kartaa mid halis ah.

Haddii uurjiifku yahay mid goor horeba ka weynaaday 3 bilood, waxaa khasab kugu noqonaya in aad dhashid ilmahaasi.
Kadibna waxaa laguu oggolaanayaa in aad ilmaha siisid dad korsada.
Xafiiska daryeelka dhallinyarada ayaa u raadin doona waalidiin ilmaha yar.

Da’dee la ii oggolyahay in aan galmo sameeyo?

Waxaa jira labbo arimood oo aad muhiim u ah kuwaas oo muddan in la tixgeliyo:
Da’daada iyo xiriirkaaga aad la leedahay qofka aad galmada la samaynaysid.
Jadwalkan wuxuu ku tusinayaa da’ooyinka lagu oggolyahay in galmo lagu sameeyo iyo kuwa aan lagu oggolayn ee uu mamnuuca yahay:

Da’da 0-13 14-15 16-17 18-20 21 +
0-13 MAYA MAYA MAYA MAYA MAYA
14-15 MAYA HAA HAA HAA MAYA
16-17 MAYA HAA HAA HAA HAA
18-20 MAYA HAA HAA HAA HAA
21 +
MAYA MAYA HAA HAA HAA

Dhammaan labbada qofba waa in ay doonayaan in ay galmo sameeyaan.
Haddii aan mid doonaynin in uu galmo sameeyo, galmadu waa mid mamnuuc ah.
Qofna looma oggola in uu kugu khasbo in aad galmo samaysid.

Ma ku nooshahay guri la deganyahay?
Adiga laguuma oggola in aad galmo samaysid adiga oo kayar da’da 16.

Galmadu waa mid mamnuuc ka ah dadkaan soo socda dhexdooda:

  • Waalidiinta iyo carruurta
  • Waalidiinta aayada ama adeerka ah iyo carruurta
  • Macalimiinta labka ama dhediga ah iyo ardayda labka ama dhediga ah
  • Daryeelayaasha labka ama dhediga ah ee haysta dad yar-yar ee ku nool guriga la deganyahay ama xarun dhallinyaro
  • Gudaha koorso tababar, meesha shaqada ama tababar, macalinkaaga labka ama dhediga ah looma oggola in uu adiga galmo kula sameeyo.
  • Haddii aad qoys uu nooshahay sida ilmo la korsaday, waalidiintaada ku korsaday looma oggola in ay adiga galmo kula sameeyaan.
  • Masuulkaaga ama weligaaga sharciga ah looma oggola in uu adiga galmo kula sameeyo.

Qofna oo dadkaan kamid ahi looma oggola in uu adiga galmo kula sameeyo.
Haddii ay galmo kula sameeyaan, u raadi caawimaad si dhakhso ah.

Waxaan ahay gabar jirta-16-sanno. Waxaana joogaa dalka Jarmal kaliya dhowr todobaad. Meeshaan wax kasta way ka duwanyihiin sidaan ku bartay. Sidee tahay qaabka nolosha dumarka iyo gabdhaha dalkan Jarmal?

Waxyaabo badan waa in ay kuu gula muuqdaan kuwo aad la yaabto dalkaan Jarmal.
Dumarka iyo gabdhaha waxay haystaan isla xuquuqda ay haystaan nimanka iyo wiilasha.
Xuquuqahaan waxay khuseeyaan dhammaan dumarka iyo gabdhaha oo dhan kuwaas oo kunool dalka Jarmalka.
Waa muhiim in ay dumarka iyo gabdhaha ay oggaadaan xuquuqahaan waxa ay yihiin.
Ma garanaysaa adiga xuquuqahaaga?

Halkan waxaa ku qoran xoogaa tusaalo ah:
Adiga waxaa laguu oggolyahay in aad wax baratid oona tagtid iskuul.
Adiga waxaa laguu oggolyahay in aad nafsadaada dooratid shaqo.
Adiga waxaa laguu oggolyahay in aad keligaaga safartid marka aad weynaatid.
Adiga waxaa laguu oggolyahay in aad qaadatid qaraaradaada khaaska kuu ah.
Adiga waxaa laguu oggolyahay in aad kala dooratid haddii aad guursanaysid iyo haddii aadan guursanaynin.
Adiga waxaa laguu oggolyahay in aad yeelatid saaxiib wiil ah ama saaxiib gabar ah.
Adiga waxaa laguu oggolyahay in aad u labisatid sida aad jeceshahay.
Adiga waxaa laguu oggolyahay in aad banaanka u raacdid ama la baxdid qof kasta oo aad doonaysid.

Waa muhiim in ay wiilasha iyo gabdhahaba oggaadaan xuquuqahaan.
Xuquuqahaan waa in la ixtiraamaa oona la dhowraa.

Liinkigan soo socda wuxuu ku geynayaa bogg internet ay kujiraan macluumaad badan.
Waxaa la helayaa warqad macluumaad oo kuqoran luuqado badan (Albaniyan, Carabi, Bosniyan, Ingiriisi, Faarisi, Dari, Faransiis, Serbiyan iyo Soomaali – iyo weliba waxaa lagu daraa marwalba luuqado cusub).
http://wie-kann-ich-helfen.info/geh-deinen-weg-deine-rechte-als-frau-in-deutschland-infoflyer-fuer-weibliche-fluechtlinge/3063
U akhri qoraalka si taxadar leh.
Waa muhiim in aad oggaatid xuquuqaha dumarka iyo gabdhaha.

Saaxiibadayda waxay rabaan in aan u raaco barkad biyo lagu dabaasho (14). Halkaasi waxaad ku arkaysaa dumar qaawan. Run miyaa midaasi?

Gabdhaha iyo wiilasha iyo nimanka iyo dumarka waxay jecelyihiin in ay aadaan barkada biyo ee lagu dabaasho.
Marka uu jawigu wanaagsanyahay waxay aadaan barkad biyo hawadeedu-furantahay ama war.
Halkan waxaa ku yaala inta badan dhul seere ah halkaas oo aad ku nasan karto kuna cadceedsato.
Waxaana sidoo kale ku yaala meelo loogu talogalay in lagu ciyaaro kubadna lagu dheelo.
Marka uu jawigu xunyahay dadku waxay aadaan barkadaha biyaha lagu dabaasho ee gudaha guryaha ku yaala.
Halkan waxay leedahay oo kaliya hal meel oo lagu nasto kadib dabaasha.

Qofkasta wuxuu xiranayaa dharka lagu dabaasho.
Waxay doonayaan in ay dabaashaan, nastaan oona baashaalaan.
Qofna ma doonayo in indhaha lagu taago ama la taabto.

Gudaha Yurub dad badan ma xirtaan dhar badan marka ay dabaalanayaan.
Midaana waxay tahay sababo macquul ah, si ay ugu oggolaato dharka qoyan in uu si dhakhso ah u qalalo.

In la daawado ama indhaha lagu taago dumarka ama gabdhaha waa mid aan ficnayn.
Mararka qaar dumarka iyo gabdhaha waxay u arkaan fiirmooyinkaan in ay yihiin dhibaatayn ama dhib u gaysasho.
Haddii aad doonaysid in aad fiirisid, hadaba ka dhig mid dhakhso ah.
Weligaaga laguuma oggolaanayo in aad qof taabatid ama dhibaato u gaysatid. Haddii kale waxaad ku dhacaysaa mushkilad.
In la taabto dumarka iyo gabdhaha waa mid mamnuuc ah ama reeban.

Haddii aad doonaysid in aad baratid gabar, waa in aad ula hadashaa si edboon oo ixtiraam leh.
Waxaad weydiin kartaa: Ma kuu soo iibin karaa jallaato?
Ama ma jeceshahay in aad ciyaartid kubada teeniska miiska?

Muhiim ah: Barro sida loo dabaasho si aan biyuhu kuu liqin!

Waxaan Facebook ku samaystay teleefoonkayga casriga ah. Sideen ku baran karaa dadka?

Facebook waa shabakad bulsho internetka ah.
Shabakada bulshadu waa:
Meel banaan oo aan la taaban karin halkaas oo dadka adduunka jooga oo dhani ku wada hadli karaan.
Instagram iyo WhatsApp sidoo kale waa shabakado bulsho.
Waxaad xiriir kula samaysan kartaa saaxiibo hore.
Waxaadna heli kartaa oodna baran kartaa saaxiibo cusub.

Waa arin xiiso leh in la barto dad cusub.
Laakiin mararka qaar waxaa khasab kugu ah in aad ka taxadirtid dadka aadan garanaynin.
Dadka aadan garanaynin waa dad aad kula kulantay ama ku baratay tooska internetka
oona aadan weligaaga u arkin si dhab ah.

Halkan waxaa ku qoran dhowr naseexooyin ah:
Qofna ha siinin magacaaga dhabta ah iyo cinwaankaaga.
Ha bixinin oo ha siinin lambarkaaga teleefoonka.
Ha gelinin sawirada saaxiibadaada internetka.
Waxaa dhici karta in aysan midaasi jeclayn.

Muhiim ah: Ha kula kulmin qof aadan aqoon u lahayn meel ka baxsan internetka adiga keligaaga.
Hore u wado qof aad si fiican u garanaysid.
Kula heshii in aad kula kulantid meel fagaare ah ama muqaayad.

Waalidiintayda waxay ii heleen qof i guursada. Laakiin anigu ma DOONAYO in aan guursado. Maxaan sameeyaa?

Midaasi waa xaalad aad u adag.
In dadka lagu qasbo in ay guursadaan
waa ka mamnuuc dalka Jarmal.

Waxaad haysataa doorashooyin badan:
Doorashada koowaad:
Waxaad isku dayi kartaa in aad arintaasi kala hadashid qoyskaaga.
Qoyskaaga waxaa dhici karta in aysan dareemin in ay samaynayaan wax sharci daro ah.
Laakiin waxaa dhici karta in aysan adiga ku dhagaysan.

Doorashada labbaad:
Waxaad ka tagi kartaa qoyskaaga kahor inta uusan dhicin guurka la qorshaystay.
Waxaad heli kartaa caawimaad.
Laakiin ka taxadir! Qofna hore ha ugu sheegin qorshahaaga ah in aad ka tagtid guriga.

Waxaad marwalba lasoo xiriiri kartaa Wüstenrose.
Lambarka teleefoonka waa 0 89 – 45 21 63 50.
Dadka meeshaasi ka shaqeeya waa kuwo garanaya xarumaha caawimaada ama taageerada laga helo dalka Jarmalka.
Waxay kaala hadli doonaan waxa aad samayn kartid.
Khasab kuguma ahan in aad ku sheegtid magacaaga tooska teleefoonka.
Qoraal ka yimid dhinaca Wüstenrose (IMMA e.V.)

Waxaan ahay gabar jirta-17-sanno. Waxaan jeclahay in aan guursado saaxiibkayga. Ma tahay midaasi mid laga oggolyahay dalka Jarmal?

Waad guursan kartaa saaxiibkaaga.
Guurku waa xiriirka rasmiga ah ee qaanuunka hortiisa.
Xafiis diiwaan gelin ayaa xaqiijin doona xiriirka.

Waxaa jira xeerar badan oo xiriir la leh guurka ka dhaca dalka Jarmal.
Waxaa laguu oggolyahay in aad ku guursatid da’da 18.
Mararka qaar waxaa laguu oggolyahay in aad ku guursatid da’da 16:
Laakiin waa in uu lammaanahaagu yahay mid ka wayn 18.
Waana in ay maxkamada qoysku oggolaato.

Adiga kaliya waxaa laguu oggolyahay in aad guursatid hal qof.
Guurarka badan waa kuwo mamnuuc ka ah ama ka reeban dalka Jarmalka.

Waxaa laguu oggolyahay in aad dhammaysid guurkaaga wakhti kasta haddii aadan guurkaasi farxad ku dareemaynin.
Midaasna waxaa lagu magacaabaa furiin.
Waxaad ka heli kartaa macluumaad badan boggaan internetka ah: http://www.zanzu.de/de/scheidung-0

Adigu laguuma oggola in aad guursatid qof katirsan qoyskaaga.
Xitaa ilmo adeerada kuma guursadaan ilmo adeeradooda kale gudaha dalka Jarmal.
Carruurta ka dhasha guurarkaan waxaa ku dhacaya cudurada hidaha la isaga qaado.
Sidaas darteeda ma ahan fikrad wanaagsan in la guursado qaraabadaada khaaska ah.

Adigu khasab kuguma ahan in aad guursatid!
Waxaad heli kartaa caawimaad haddii uu qof kugu khasbayo in aad guursatid.

Doorashada kale waxay tahay:
Waxaad ku guursan kartaa qaabab hab dhaqan diimeed ah.
Waxaa jira hab dhaqano guur badan oo kala duwan.
Laakiin gudaha dalka Jarmalku kuwaan ma ahan kuwo rasmi ka ah sida waafaqsan sharciga waddanka.

Saaxiibkayga oo jira (15) iyo aniga oo jira (15) aad ayaynu isku jecelnahay. Wuxuuna doonayaa in uu galmo ila sameeyo. Ma ku khasbanahay in aan galmo la sameeyo si uusan iiga tagin?

Waa arin wanaagsan in labadiinuba aad isjeceshihiin.
Haddaba saaxiibkaaga wuxuu doonayaa in uu galmo kula sameeyo.
Wuu jeclaan karaa in uu jirkaaga taa-taabto oona sidaasi adiga iskula kacsataan ama raaxaysataan.
Taasi dhib malahan.

Laakiin adiga ma doonaysid.
Taasi gebi ahaabna waa mid caadi ah.
Labbo qof oo isjeceyl ma ahan in ay marwalba hal shay isla wada jecelyihiin.

U sheeg in aad jeceshahay.
Laakiin aadan doonaynin in aad galmo la samaysid.
Waxaa dhici karta in uu muraal jabo una maleeyo in aadan jeclayn asaga.
Si cad ugu sheeg in aad weli u baahantahay wakhti dheeri ah kahor inta aadan samaynin galmada.

Galmadu waxay macaantahay marka ay labbada qofba wada doonayaan.
Laakiin ma wanaagsana in galmada loo sameeyo kaliya in uu qofka kale doonayo.

Waxaa dhici karta in uu sugo illaa aad adiguna sidoo kale ka doonaysid in aad galmo samaysid.
Waxaa dhici karta in uu isku dayo in uu ku qanciyo oona arinta kaa dhaadhiciyo.
Waxaa kaloo dhici karta in uuba kaa tago.
Laakiin galmadu ma ahan mid dammaana qaadaysa in uu weligiisa kula joogayo.

Sidaas darteeda waa muhiim in aad NAFSADAADA ka taxadirtid.
Waa muhiim in aad oggaatid waxa AAD doonaysid iyo waxa ADIGA kuu fiican.

Waxaan helay boggaan internetka ah. Waxaana jeclahay in aan oggaado dadka iiga jawaabaya su’aalahayga. Yaad tihiin idinka?

Waxaynu nahay 3 haween.
Labbo inaga mid ahi waxay ku dhasheen dalka Jarmalka.
Mid halkan waxay ku timid sida qaxootanimo sannado baddan kahor.

Waxaynu si wada jir ah ugu wada shaqaynaa hay’ad bulshadeed.
Hay’adeena waxaa lagu magacaabaa AMYNA.
7 dumar kale ayaa sidoo kale halkan ku shaqeeya.
Dadka ku shaqeeya hay’ad bulsho waxay jecelyihiin in ay caawiyaan dadka kale.

Ujeeddada ugu weyni ee hay’adeenu waxay tahay
si looga ilaaliyo gabdhaha iyo wiilasha xad gudub galmo ah.
Hadafkeenu wuxuu yahay in aynu dadka caawino ka hor inta aysan wax dhicin.
Waxaan u sheegnaa dadka kale ee waaweyn waxyaabo ku saabsan arimo baddan oo muhiim ah.
Waxaana uga jawaabnaa su’aalo baddan oo muhiim ah oo khuseeya gabdhaha iyo wiilasha boggaan internetka ah.

Laakiin haddii ay wax xun kugu dhacaan,
waxaan sidoo kale ku tusin doonaa halka caawimaada laga helo!

Ku dhufo linkigan: https://refu-tips.de/so/category/help-hilfe-so/