Saaxiibadayda iyo Aniga oo ah (16 sanno jir) waxaynu is-weydiinaynaa: Goorta aan dharka iska bixinayo si aan galmo u sameeyo?

Midaasi waa su’aal ay adagtahay in laga jawaabo.
Laga yaabee, qofkasta in uu arintaasi u sameeyo si gooni ah.
Iyo in dad baddan ay u sameeyaan wakhti kasta si gooni ah.

Waxaad samayn kartaa galmo waxaadna gebi ahaanba iska saari kartaa dharka oo dhan.
Kadibna waxaad iska taataaban kartaa dharkiina hoostooda.
Dabcan kastuumooyinka waa kuwo la iska bixiyay.
Dabcan goonada ama cambuurkana waa mid kor loo qaaday.
Sidoo kale idinka ayaa dharka iska siibaya si aad galmo u samaysaan.
Marka hore dharka kore, kadibna kuwa hoose.
Ama in aad ku biloowdaan kuwa hoose una dambeysiisaan kuwa kore.
Ama marka hore idin ayaa iska baashaalaya kadibna dhammaantiinaba waxaad iska saaraysaan dharka.
Waxaad u aadi kartaan musqusha si gooni ah meesha ayaadna dharka isaga saari kartaan.

Qofkasta wuxuu leeyahay qaab u gooni ah oo uu jecelyahay in uu sidaasi u sameeyo.
Waa muhiim in aad ku faraxsantahay waxa aad samaynaysid.
Waa muhiim in aad ogtahay waxa aad u baahantahay oona ihtimaam siisid waxyaabahaasi.
Haddaba iska oggoow waxa aad u baahantahay wakhtigaasi.
U sheeg qofka kale waxa aad doonaysid.
Haddii aadan doonaynin in aad dharka iska bixisid:
Waa CAADI in aad sheegtid midaasi.

Anigu waxaan ahay gabar 16-sanno-jir ah waxaana leeyahay saaxiibo labb iyo dheddig ah oo xadidan.Waxaynu isla qaadanaa wakhtiga baddankiisa.Mid kamid ah wiilasha ayaa marwalba aad iigu soo dhowaada.Anigu ma doonayo.Sideen ugu sheegaa?Anagu waxaynu nahay saaxiibo!

Marka hore waxaynu jecelnahay in aynu kugu dhahno in dareemahaagu ay yihiin kuwo muhiim ah!
Qofna looma oggola in uu kuu soo dhowaado haddii aadan midaasi doonaynin.
Laakiin mararka qaar way adagtahay in la dhaho “maya”.
Laga yaabo in aad qofka jeceshahay.
Laga yaabo in kuwa kale ee kooxdaada ku jira ay qofku jecelyihiin.
Laga yaabo in uusan oggaanin in aad dhibsatid kuusoo dhowaanshihiisa.
Waxaad ku dhihi kartaa:
Adiga aad ayaad iigu soo dhowaanaysaa.
Fadlan ma joojin kartaa midaasi?
Anigu ma jecli.
Waa in uu midaasi ixtiraamaa.

Sidoo kale waxaad raadin kartaa caawimaad.
Dabcan saaxiib labb ama dheddig ah waa in uu meesha joogo marka aad la hadlaysid.
Haddii uusan aqbalin “mayadaada”, ka raadi caawimaad qof weyn oo aad ku kalsoontahay.
Ama aad xarun latalin.
Halkan waxaa ku qoran qaar kamid ah xarumaha latalinta:
https://www.hilfeportal-missbrauch.de/nc/adressen/hilfe-in-ihrer-naehe/kartensuche.html?tx_nxshelpdesk_helpdesk%5binstitutionType%5d=21

Anigu waxaan ahay gabar 15-sanno-jir ah waxaana jira wiil weyn oo degan deriskayga oona inta baddan raaca tareenka isla wakhtiga aan raaco. Wuu isoo fiiriyaa. Waan ka cabsadaa. Dadka kale waxay igu dhahaan waad in aad ahaatid qof caadi ah.

Anagu ma sheegi karno haddii aad saxantahay iyo haddii kale oo aadan sax ahayn.
Mararka qaar dareenka noocaan ah wuxuu noqonayaa mid sax ah.
Mararka qaarna dareenka noocaan ah wuxuu noqonayaa mid khaldan.
Laakiin dareenka laftiisu waa mid muhiim ah.
Ka fikir waxa aad samayn kartid si aad nafsadaada uga dhigtid mid ammaan ah.

Laga yaabee in aad weydiisid sababta uu kuusoo fiiriyo.
Waxaad dhihi kartaa:
Maxaad iga doonaysaa?
Ma dareemayo raaxo marka aad isoo fiirinaysid. Ma doonayo in aad isoo fiirisid!
Waxaa dhici karta in uu kuu sheego waxa uu kaa rabo amaba ka istaago in uu kusoo fiiriyo.

Sidoo kale waxaad ku dhihi kartaa waalidkaaga ama qofka mas’uulka kaa ah:
Anigu waxaan ka cabsadaa wiilkan.
Wuu isoo fiirinayaa.
Maxaan sameeyaa?
Si fiican uga fikir waxa adiga saxda kuu ah…
Ma yahay wiilka mid sidoo kale kugu noqday qof aad nacdid?
Haddaba u sheeg qof ku caawin kara.

Anigu waxaan ahay gabar 16-sanno jir waxaana saaxiibo la ahay daryeelahayga. Mararka qaar waxaan la aadaa keligeena dabaal. Daryeelayaasha kale waxay u maleeyaan in ay midaani tahay arin aan wanaagsanayn waxayna doonayaan in ay iga celiyaan. Maxay sidaasi u samaynayaan?

Daryeelahaagu waxay haysataa shaqo.
Shaqadaasi ayadu waxay ka warhaynaysaa gabdhaha iyo wiilasha kooxda guud ahaan.
Ayada waxaa looga baahanyahay in ay ka warhayso dhammaan dhallinyarada.

In ay adiga saaxiib kula noqoto waxay ka dhigantahay in:
Ay adiga gaar ahaan kuu taqaano si wanaagsan.
Ama in ay adiga kaa jeceshahay kuwa kale.
Midaasna waxay sababaysaa in ay kuwa kale kacaan.
Qof ayaa u malayn kara
in daryeelahaagu ay tahay qof aan cadaalad u samaynaynin dhallinyarada kale.

Saaxiibtinimadu sidoo kale waa in ay noqotaa mid loo simanyahay.
Laakiin daryeelahaagu waxay adiga kuu samayn kartaa go’aanada.
Midaasna macnaheedu waxay tahay in aadan la sinayn kuwa kale.
Dalka Jarmalka saaxiibtinimada noocaas ah waxay ka tahay “qof aan xirfad lahayn”.

Midaasna macnaheedu waxay tahay
in daryeelahaagu ay kala saarto shaqadeeda iyo nolosheeda gaarka ah.

Walaashaydu waa eeyad (waxaan ahay wiil, 16 jir ah). Sidaas ayaan ku iri. Hadda ayada waxay u sheegtay qofka mas’uulka naga ahaa. Wuxuu u arkay luuqada aan isticmaalay in ay tahay mid ‘jinsi ahaan ah’. Asagu wuu caraysanyahay, sax?

Macnaha ereyga “bitch” waxaa laga wadaa ‘eeyda’.
Nasiib daro, hadalkaan mararka qaar waxaa loo isticmaalaa gabdhaha.
Dadku inta baddan waxay u isticmaalaan si ay u dhahaan gabadha leh saaxiibo baddan oo wiilal ah.
Ama in ay gabar hore u samaysay galmo.
Waa erey aad u xun in gabdhaha loo isticmaalo.
Mas’uulkaaga wuu saxanyahay. Ereyada kuwaan oo kale ah waa kuwo tusinaya jinsi ahaan.
Waxaa jira ereyo baddan oo kale oo dhibaato ku ah gabdhaha.
Sidoo kale wiilasha waxaa lagu waxyeelayn karaa ereyada.
Tusaale ahaan, sida ereyada ‘fuley’.

Muhiim ma ahan hadalka ama qaabka loo isticmaalo.
Haddiiba aydhibaato u gaysanayso qof kale ma ahan mid sax ah.
Way wanaagsantahay in dadka si toos ah loola hadlo.
Ma wanaagsana in lagu dhibaateeyo hadalo.
Haddaba adiga waxaa khasab kugu ah in aad raali geliso.

Haddii aad u malaysid in hab dhaqanka walaashaadu aan wanaagsanayn waa in aad ayada la hadashaa.
Waa muhiim in aad isku muujisaa ixtiraam.
Midaana waxaa kamid ah luuqada aad isticmaashaan: waxay tusinaysaa in aad qofka kale ixtiraamaysid.

Wiil dhigta fasalkayga ayaa igu yiri: “gabdhuhu waxay marwalba dhahaan maya marka ugu horeysa ee galmo la weydiiyo xitaa waloow ay rabbaan in ay galmo sameeyaan. Ayagu waxay doonayaan in la qanciyo.” Arintaasi run miyaa?

Waxaa jira hadalo baddan oo ay dadku dhahaan oo midaan la mid ah.
Tusaale ahaan: “wiilashu waa in ay ayagu qaadaan tallaabada koowaad”.
Ama: “gabdhuhu ma garanayaan waxa ay doonayaan”.
Midaan inta baddan ma ahan mid run ah.
Mararka qaar gabdhuhu waxay u fikiraan: Waa in aanan u dhihin haa isla markiiba.
Haddii kale wiilka wuxuu ii malaynayaa in aan ahay qof si fudud lagu helo.
Ayada oo aan la eegaynin sababta: gabadhu waxay dhahdaan maya marka koowaad.
Ayadu weli si buuxda kuuguma kalsoona.

Xaaladu sidoo kale waxay noqon kartaa mid aan ku caddeyn shukaansi ahaan.
Ma ahan mid ay marwalba fududahay in la fahmo haddii uu qof ula jeedo ama ka wado ‘haa’ ama ‘maya’.
Intaan dhammaan waa qayb kamid ah shukaansiga waxayna noqon kartaa mid xiiso leh.
Waa muhiim in aad feejignaatid.
Haddii kale waxaad dhaawac gaarsiinaysaa qofka kale.

Waana midaas sababta ay khasab u tahay in aad marwalba ixtiraamtid MAYA.
Qofna laguma qancinayo in uu galmo sameeyo.
Gabdhaha IYO wiilasha dhammaan waxay doonayaan in loo qaato si dhab ah.
Haddii aadan hubin: kaliya weydiiso.
Inbaddan oo kamid ah gabdhaha sidaan ayay dhab ahaantii jecelyihiin!
Macluumaad baddan waxaad ka heli kartaa halkan: http://www.echt-krass.info/trial_error.html

Masuuliyadaydii hore oo ah (22) jir iyo Aniga oo (wiil 16,) jir ah ayaa isjeceyl. Saaxiibadaydu waxay dhahaan: arintaan waa mid mamnuuc ah. Run miyaa arintaasi? Ayadu hadda waxay ka shaqaysaa hay’ad kale.

Waxa ay kuu sheegayaan saaxiibadaadu waa uun qayb runta kamid ah.
Weligeeda mamnuuc ma noqonin in qof la jeclaado.
Si kastaba, waa mid ay ka duwantahay marka ay arintu timaado xiriir jirka ah.
Qofka masuulka ahi waa in uusan galmo kula samaynin ama ku dhunkanin.
Adiga waxaad tahay qofka ay ‘ilaaliyaan’ adiguna ayaga ayaad ku tiirsantahay.
Qofka adiga ku ilaalinaya waa in uusan galmo kula samaynin.
Xitaa haddii aad doonaysid.
Waa arin mamnuuc ah.

Waa arin kale marka aysan ayadu kuu ahayn adiga masuulkaaga.
Markaasi ma ahan sharci ahaan mid mamnuuc ah.
Arinta muhiimka ahi waxay tahay:
Waa in aad dhammaantiinu wada rabtiin xiriirka.
Waa in aad dhammaantiinu wada rabtiin xiriirka jirka ah.
Haddii aad dhammaantiinu wada rabtiin isku shay markaasi waa Caadi.
Si kastaba, mararka qaar way adagtahay in la oggaado haddii aad sidaas rabtid iyo haddii aadan rabin.
Mararka qaar adigu waxaad doonaysaa in aad qof ka farxisid.
Kadibna waxaad samaynaysaa waxyaabo aadan dhab ahaantii doonaynin.
Way adagtahay in la sheego farqiga.
Waxaa dhici karta in aad qof u sheegtid kadibna qaadatid talada lagu siiyo.

Qof aynu is naqaano ayaa ii sheegay in uu i jeceylyahay. Laakiin anigu ma jecli. Sidee ila gudboon in aan u dhaqmo?

Waxaa dhici karta in uu murug dareemo.
Adigana waxaa dhici karta in aad u malaysid in ay midaasi tahay mid doqonimo ah.
Waxaa dhici karta in aadba tihiin kuwo saaxiibo ah.
Laakiin waxaa laguu oggolyahay in aad daacad ahaatid.
Waxaa laguu oggolyahay in aad si cad u dhahdid:
“Anigu kuma jecli.”

Mararka qaar dareemuhu way isbedelaan.
Waxaa dhici karta in aad hore ugu dhacday jeceyl.
Laakiin adiga hadda jeceyl kuma haayo.
Taasi sidoo kale waa caadi!

Khasab kuguma ahan in aad waxna samaysid haddii aadan doonaynin in aad wax samaysid.
Waxaa dhici karta in qofka aad istaqaaniin uu murgo ama kuu caroodo.
Laakiin waa in uu tixgeliyaa waxa aad u sheegtay.
Waa in uu aqbalaa in dareemahaagu ay isbedeleen.
Dareemuhu ma ahan kuwo la qasbi karo.

Aabe diimeedkayga wuxuu i siiyey (13) teleefoon casriyaysan. Wuxuuna doonayaa in uu i dhunkado oona hab i siiyo marka uu iga tagayo. Ma xuntahay ama qalafsantahay in aan ku iraahdo anigu midaasi ma jecli?

Waxaa laga yaabaa in aad ku faraxday in aad heshay teleefoonka casriyaysan.
Waxaa kaloo laga yaabaa in aad uga mahad celisay haddiyada uu ku siiyay.

Haddiyadu kuguma khasbayso in aad wax kale samaysid.
Haddiyadu waa in ay ka dhigtaa qofka kale mid faraxsan.
Aabe diimeedkaaga wuu ku farxayaa haddii aad tustid sida aad ugu faraxsantahay haddiyada.

Mararka qaar waxaa dhici karta in aadan ku farxin haddiyada.
Waxaa laga yaabaa in aadan u baahnaynba ama in aysan ahayn mid adiga kugu habboon ama maba jeclidba.
Si kastaba waa in aad ku dhahdaa qofka kuu keenay haddiyada mahadsanid.
Waad ogtahay adigu in qofka kale ula jeeday uun si wanaagsan.

Habsiinta iyo dhunkashadu lama lahan wax xiriir ah haddiyada.
Way wanaagsantahay in aad u sheegtid in aadan jeclayn arintaasi.

Waxaad dhahdaa wax lamid ah sida tan: Waan ku jeclahay.
Laakiin anigu ma jecli habsiinta iyo dhunkashada.
Fadlan isku day in aad midaasi fahantid. Waayo anigu aadbay muhiim iigu tahay.

Aabe diimeedkaaga waa in uu fahamaa midaasi oona kugu ixtiraamaa.
Haddii uusan sidaasi samaynin, ka raadso caawimaad qofkale oo wayn.