Anigu waxaan ahay gabar 17-sanno jir ah waxaana jeclahay in aan maalin noqdo hooyo. Laakiin qoyskaygu midaasi ma doonayaan. Waxaa igu adag in aan wax cusub barto. Sidaas darteeda waa in aanan hooyo noqonin. Waxaan u malaynaa midaasi in ay tahay mid aanan cadaalad ahayn. Miyay tahay in aanan noqonin hooyo marka aan weynaado?

Waxaad u baahantahay in aad midaan kala hadashid qoyskaaga.
Waxaad heli kartaa caawimaad ku saabsan sida aad midaan u samaynaysid.
Waxaa laga yaabaa in aad caawimaad ka heshid qof weyn oo aad ku kalsoontahay.
Sidoo kale waxaa jira meelo lagu-magacaabo xarumaha latalinta meelahaas oo aad ka heli kartid caawimaad.

Gudaha dalka Jarmalka haweenay kasta waxay noqon kartaa hooyo.
Laakiin khasab kuguma ahan in aad hooyo noqotid.
Go’aanku ma ahan mid fudud.
Adiga weli waxaad tahay qof aad u yar.
Weli waxaad haysataa wakhti baddan si aad go’aankaasi u qaadatid.
Waa arin wanaagsan in aad wakhtigaaga qaadatid si aad u gaartid go’aankan.

Xarumaha latalinta waxay sidoo kale kugu caawin karaan in aad go’aanka qaadatid.
Haddii aad noqotid hooyo, weligaaga waxaad ahaanaysaa hooyo.
In aad hooyo noqotid ma ahan arin fudud.
Waxaad caawimaad ka heli kartaa: http://www.behinderte-eltern.de/Papoo_CMS/index.php?menuid=98
Ilmaha wuxuu qaataa wakhti iyo lacag aad u baddan.
Ilmahaaga waa in uu ficnaadaa.
Ilmahaaga sidoo kale waa in uu noqdaa mid faraxsan.
Waa arin wanaagsan marka ay dadku kugu caawiyaan in aad midaan samaysid.

Anigu waxaan ahay 15 sanno jir. Waxaan lahaa uur waana joojiyay uurka. Dadka kale ee jooga iskuulka waxay igu dhahaan in aan ahay qof dilaa ah, oona dilay ilmahayga.

Adigu weli ma doonaynin in aad ilmo dhashid.
Waxaadna go’aansatay in aad ilmaha iska soo ridid.
Midaasi waa adiga xaqaaga.
In ilmaha la iska soo rido ma ahan mid lagu noqonayo qof dilaa ah.
Dalka Jarmalka waxaa ka jira xeerar ku saabsan marka aad ilmaha iska soo ridi kartid.
Marka ay banaantahay?
Marka ay reebantahay?

Dadka kale adiga kuma fahmayaan.
Waxaa dhici karta in ay doonayaan in ay oggaadaan sababta aad sidaasi u samaysay

Waxaad ku dhihi kartaa:
Anigu ma jecli waxa aad sheegaysaan.
Waxa aad sheegaysaan waa hadalo i dhaawacaya.

Sidoo kale waxaad u sharxi kartaa sababta aad sidaasi u samaysay.
Kadib waxaa dhici karta in ay ku fahmaan.

Laakiin adiga khasab kuguma ahan in aad wax walba u sharaxdid.

Uur maku qaadi kartaa dhunkashada?

Maya, uur kuma qaadaysid dhunkashada!
Kaliya waxaad uur qaadi kartaa marka unugyada minadu gasho gudaha ama aad ugu dhowaato xubinkaaga taranka.
Waxaa laga wadaa marka aad galmo samayso.
Xitaa haddii uu xubinka taranka ninku yahay mid kaliya waxyar uun gudaha ugu jira xubinkaaga taranka.
Unugyada manida waxay kasoo baxayaan xubinka taranka ninka.
Unugyada manidu waxay bacrimin karaan unugyada ukunta haweenayda.
Sidoo kale waxaad uur qaadi kartaa inta lagu guda jiro mudada caadadaada!
Haddii aadan doonaynin in aad uur qaadid, waa in aad marwalba isticmaashid waxyaabo kaa ilaaliya uurka.

Waxaa jira noocyo kala duwan oo uurka looga hortagi karo.
Waxaad ka heli kartaa macluumaad kusaabsan noocyada ka hortaga uurka dhakhtarka ama xarun la talin.
Waxaad ka iibsan kartaa kondomyada dukaamada waawayn iyo farmashiyaasha.
Waa kuwo ammaan ah waxayna kaa ilaaliyaan cudurada.
Kaniiniga, gariirada uurka lagu celiyo iyo faraantiga xubinka taranka la geliyo waa noocyo kamid ah ka hortaga uurka kuwaas oo isticmaala hormoono.
Waa in uu dhakhtar soo qoro.

Xaaladaha “deg-dega ah” waxaad kasoo iibsan kartaa “kaniiniga subaxda kadib” farmashiyaha.
Xaalada “deg-dega ah” waa marka aadan isticmaalin wax uurka celiya ama marka uu dhacay xaalada kedis ah oo waxyaabaha uurka celiya ah.
“Kaniiniga subaxda kadib” waa in lagu qaato gudaha seddex maalmood oo laga joogo marka la sameeyay galmada aan ilaalada lahayn.

Text: pro familia München e.V.

Waxaan ahay qof uur leh. Waxaana doonayaa in aan ilmaha dhallo. Maxaa ila gudboon in aan sameeyo hadda?

Midaan waa isbedel aad u weyn oo noloshaada lasoo gudboonaanaya.
Adiga waxaa laguu oggolyahay in aad go’aansatid waxa xiga ee aad samaynaysid.
Midaasi waa masuuliyad weyn.
Laakiin waxaa jira dad badan oo midaasi kugu caawin kara.

Waa muhiim in aad ka taxadirtid nafsadaada.
Midaasna waxaa kamid ah caafimaadkaaga.
Waa in aad booqatid dhakhtarka dumarka.
Waxay kugu samayn doonaan baaritaan.
Sidoo kale waxay kusiin doonaan naseexooyin kusaabsan sidii aad ku ahaan lahayd qof caafimaad qabba.

Wixii kusaabsan su’aalo kale waxaa jirta xarunta tallada uurka.
Dadka halkaas jooga waxay kaaga jawaabi doonaan su’aalahaaga.
Waxaad mid ka heli kartaa boggaan soo socda:
http://www.zanzu.de/de/themen/schwanger-sein
http://www.familienplanung.de/beratung/beratungsstellensuche/
Waxaa dhici karta in aad u baahatid qof kugu caawiya in aad xarunta raadisid.
Bogga internetka ah hadda wuxuu ku qoranyahay kaliya luuqada Jarmalka.
Waxaa dhici karta in aad meesha u wadatid turjubaan.

Anigu waxaan ahay qof uur leh. Mana DOONAYO in aan ilmo dhallo. Maxaa ila gudboon in aan hadda sameeyo?

Waxaa laguu oggolyahay in aad go’aansatid haddii aad doonaysid in aad ilmaha dhashid iyo haddii kale oo aadan doonaynin.
Waxaad arintaasi kala hadli kartaa qof aad ku kalsoontahay.
Laakiin waa in aad adiga gaartid go’aankaaga khaaska kuu ah.

Waxaa laguu oggolyahay in aad joojisid uurka.
Midaasi waa mid lagu oggolyahay waddanka Jarmalka.
Laakii waa kaliya marka uurjiifka calooshaada ku jira uu weli yahay mid aad u yar.
Marka uu yahay uurkaagu mid ka yar seddex bilood.
Haddii aad tahay qof ka yar da’da 18 sanno oona doonaysid in aad samaysid qaliin lagu sameeyo hoosta qurxinta guud,
Waxaa khasab kugu ah in aad oggolaansho ka heshid waalidkaaga ama masuulkaaga sharciga ah.

Waxaa khasab kugu ah in aad hore u booqatid xarunta tallo bixinta uurka.
Ka fiiri halkan xarunta tallo bixinta: http://www.familienplanung.de/beratung/beratungsstellensuche
Ma ahan in aad cabsatid. Ayagu kaliya way kula hadli doonaan.
Waxaad u sheegi kartaa sababta aad u doonaysid in aad joojisid uurka.
Kadibna waxaad qaadan doontaa xaqiijin sheegaysa in aad booqatay xarunta tallo bixinta.
Waad u baahantahay xaqiijintaan si aad u samaysid ilma soo ridida.
Sidoo kale ayagu waxay kusiin doonaan cinwaanka dhakhtarka ama isbitaalka.
Meel aad ka heli kartid daaweyn ammaan ah.
Ha isku dayin qaab kale in aad samaysid. Midaasi waxay noqon kartaa mid halis ah.

Haddii uurjiifku yahay mid goor horeba ka weynaaday 3 bilood, waxaa khasab kugu noqonaya in aad dhashid ilmahaasi.
Kadibna waxaa laguu oggolaanayaa in aad ilmaha siisid dad korsada.
Xafiiska daryeelka dhallinyarada ayaa u raadin doona waalidiin ilmaha yar.