Aniga oo ah (gabar, 15 sanno jir ah) waxaa igu dhacay jacayl. Waxaan qabbaa su’aalooyin aad u baddan oo ku saabsan galmada. Ma garanayo sida aan u weydiiyo. Waalidiintaydu waxay dhahaan: Anigu uma baahni in aan oggaado waxyaabaha “sidaas oo kale ah” sababtoo ah waxaan qabaa dhibaato waxbarashada ah. Dhibaatada waxbarashada macnaheedu waxay tahay: In aan u baahanahay wakhti baddan iyo caawimaad la igu caawiyo waxyaabaha qaar. Kadibna wax kasta waan fahmayaa. Qofkee igu caawin kara su’aalahayga?

Waa wax wanaagsan in aad jacayl ku dhacday.
In aad qabtid su’aalooyin ku saabsan galmada waa mid gebi ahaanba caadi ah.
Galmadu waa wax hoosaad.
Midaasna macnaheedu waxay tahay: Waa mid ka dhaxaysa adiga iyo dadka aad ku kalsoontahay.
Waxaa dhici karta in waalidiintaada ay ka wel-welsanyihiin in qof uu ku khiyaamo ama ku dulmiyo.
Laakiin galmadu waa xaq aasaasi ah oo uu leeyahay qof walba.
Adigana waxaad xaq u leedahay in aad heshid qof kaaga jawaaba su’aalahaaga.

Ka fikir arinta: Qofkeed doonaysaa in aad arinta kala hadashid?
Wuxuu noqon karaa qof ka tirsan qoyskaaga.
Wuxuu noqon karaa qof lataliye ah.
Wuxuu noqon karaa qof iskuulka jooga.
Waxaa dhici karta in ay kaaga jawaabaan su’aalahaaga.
Laakiin sidoo kale waxaa dhici karta in aysan garanaynin jawaabaha.

Markaasi waxaad weydiin kartaa qof jooga xarunta latalinta, midkaas oo aan kaa qaadanin wax lacag ah.
Waad wici kartaa ama adiga ayaaba meesha aadi kara.
Waa kuwo aad ugu fiican ka jawaabida su’aalahaan.
Kahor inta aadan la kulmin ayaga, qoro arimaha kuugu muhiimsan.
Sidaasi waxna kuma iloobi doontid.
Halkan waxaad ka heli kartaa liis ay ku qoranyihiin xarumaha latalinta kuwaas oo ku caawin kara:
https://www.profamilia.de/themen/sexualitaet-und-behinderung.html
Ku dhufo jumlada guduudka ama casaanka ah “NÜTZLICHE ADRESSEN” (Cinwaano muhiim ah).

Aniga oo ah (wiil,16 jir ah) waxaan leeyahay saaxiibad. Waxaynu isku jecelnahay si aad ah waxaana aad u jecelnahay in aynu isku soo dhowaano oona isla baashaalno. Hadda waxaynu doonaynaa in aynu inbaddan galmo isla samayno. Sideen ugu samayn karnaa sida saxda ah? Siduu ku geli karaa xubinka taranka raga gudaha xubinka taranka dumarka?

Waa caadi in aadan hubin arintaasi.
Sababtoo ah adigu hore uma aadan samaynin galmo.
Marka ugu horaysa ma ahan mid ay u fududahay inbaddan oo dadka kamid ah.
Marka aad inbaddan samaysid galmada, waxay kuu noqonaysaa mid fudud.
Waxaad si fiican u baranaysaan qofba qofka kale jirkiisa.
Waxaad u baahantahay in aad khibrad isku leedihiin.

Marka aad is-daryeeshaan, waxaad baranaysaan qofba qofka kale jirkiisa.
Waxaad taaban kartaa xubinka taranka gabadha waxaadna oggaan kartaa meesha ay ku taalo.
Waxaad si taxadar leh ugu riixi kartaa gudaha xubinka taranka gabadha.
Saaxiibtaada waxay ayadana gacanta ku qabanaysaa xubinkaaga kacsan.
Saaxiibtaada waxay ayada nafteeda gelin kartaa xubinkaaga gudaha xubinkeeda.
Waxay wanaagsantahay in la isla hadlo inta aad samaynaysaan galmada.

Shayga ugu muhiimsan wuxuu yahay: Galmadu waa in ay noqotaa mid baashaal iyo raaxo leh.
Haddii ay saaxiibtaadu kugu dhahdo: Way i xanuunaysaa.
Waxaa khasab kugu ah in aad istaagtid.
Waxaad u baahantihiin wakhti si aad u barataan dareemihiina inta lagu guda jiro galmada.
Muddo kadib waxaad noqonaysaa lammaane wanaagsan.

Walaalkayga wuxuu ii sheegay: In uu galmo la sameeyay niman. Aniga oo ah (labb, 15 sanno jir a) ma fahmayo arinkan. Ma tahay mid baashaal ah?

Haa, waxay noqon kartaa mid baashaal ah.

Galmada u dhaxaysa nin iyo haweenay waxay noqon kartaa mid raaxo leh.
Galmada u dhaxaysa nimanka dhexdoodana waxay noqon kartaa mid baashaal ah.
Galmada u dhaxaysa dumarka dhexdoodana waxay sidoo kale noqon kartaa mid baashaal ah.
Waxaa jira noocyo kala duwan oo galmo ah.

Dhammaan dadka oo dhan waxay leeyihiin “meelooyin laga kacsado”.
“Meelaha laga kacsado” waa meelooyin kamid ah jirka.
In la taabto meelahaan inta lagu guda jiro galmada waxay qofka ka dhigaysaa in uu raaxo dareemo.

Mid kamid ah meelahaasna wuxuu yahay “borostayt-ka”.
Borostayt-ka waa qayb kamid ah jirka.
Kama arki kartid banaanka.
Borostayt-ka waxaa taabanaya dhaqaaqa gudaha dabada.
Tusaale ahaan marka 2 nin ay wada samaynayaan galmada dabada ah.
Galmada dabada ah xaaladaan waxaa loola jeedaa:
In hal nin uu geliyo xubinkiisa taranka ah dabada ninka kale.
Galmada dabada ah waxay noqon kartaa mid raaxo u leh labbada ninba.

Meelaha kale ee kamid ah “meelaha laga kacsado” waxay yihiin, tusaale ahaan:
Xubinka taranka oo dhan, xiniinyaha, ibta naasaha, ama qoorta.
Marka loo taabto meelo baddan oo “meelaha laga kacsado ah” qaab raaxo ah, galmadu waxay noqonaysaa mid baashaal ama raaxo leh.

Aniga waxaan ahay (wiil 16, sanno jir ah) waxaan maanta galmo la sameeyay saaxiibtayda waxaana dhaawac gaarsiiyay xubinkayga taranka. Wuu jabay waxaana maqlay cod jabitaan ah. Hadda wuu bararsanyahay midabkiisana waa buluug. Aad ayuu u xanuunayaa. Miyuu iga jabay?

Xubinkaaga taranka ma lahan wax laf ah.
Sidaas darteeda ma dhici karto laf jabta.
Midaan ma ahan mid dhacaysa inta baddan.
Balse: Xubinkaaga taranka waxaa gaari kara dhaawac halis ah.
Marka uu qofku gaaro dhaawac midkaan oo kale ah, anaga waxaynu dhahaynaa:
Xubinka taranka wuu jabay.

Waxaa khasab kugu ah in aad si dhakhso ah ula kulantid dhakhtar.
Dhaawaca waa in si dhakhso ah loo daaweeyo.
Waxaa dhici karta in uu jeexitaan ku dhacay gudaha xubinka taranka.
Kuwaasna waa in la daaweeyaa.

Fadlan ha sugin kahor inta aadan la kulmin dhakhtarka.
Aad dhakhtar ku takhasusay cudurada kaadi mareenka.
Ama qolka xaalada deg-dega ah ee ku yaala isbitaalka.
U sheeg: Xubinkayga si xoogan ayuu dhaawac u gaaray.
Ma ahan midaan wax laga xishoodo.
Khasab kuguma ahan in aad sheegtid sida ay midaan u dhacday.
Waxay muhiim u tahay caafimaadkaaga.
Daaweyn la’aan, xubinkaaga taranka wuxuu noqon karaa mid si ebed ah u dhaawacma.

Saaxiibkayga wuxuu ii sheegay oo ah (labb, 16 sanno jir ah): In labbo gabdhood oo dhigta iskuulka ay yihiin lammaane. Marka ay samaynayaan galmo: Miyay ahaanayaan kuwo bikro ah noloshooda oo dhan?

Maya, ma ahaanayaan.
Inbaddan oo dumarka kamid ah, “waayida bikradaada” macnaheedu waxay tahay:
In galmo lala sameeyo qofkale marka ugu horaysa.
Muhiim ma ahan nooca uu yahay qofka kale.

“Samaynta galmada” ma ahan macnaheedu kaliya:
In la geliyo xubinka taranka raga xubinka taranka dumarka.
Qofka sidoo kale wuxuu galmo ku samayn karaa afkiisa ama gacmahooda.
Waxa muhiimka ah waxay tahay waxa uu qofku jecelyahay.
Muhiim ma ahan haddii qofka kale uu yahay nin ama haweenay.

Midaasna macnaheedu waxay tahay:
Gabdhahaan sidoo kale waxay waayayaan bikradooda.
Nimankana sidoo kale waxay waayayaan bikradooda.
Inbaddan oo dadka kamid ahi, midaan waa arin aad muhiim u ah.

Inbaddan, macnaheedu waxay tahay: In la noqonayo qof weyn.
Laakiin sidoo kale adiga waxaad noqonaysaa qof weyn xitaa haddii aadan galmo samaynin.
Mana ahan qofkasta oo hore u sameeyay galmo in sidaasi ku noqonayo qof weyn.

Anigu waxaan ahay gabar 14 sanno jir ah. Saaxiibadayda waxay ka hadlayeen waxyaabo ku saabsan barta-G. Maxaa lagaa midaasi? Anigana sidoo kale ma leeyahay?

“barta-G” waa meel ka mid ah gudaha jirka dumarka iyo gabdhaha.
Ma ahan dhammaan gabdhaha iyo dumarka oo dhan kuwo leh bartaasi.
Waxay ku xirantahay jirkooda.

Bartaasi waxay ku taalaa gudaha xubinka taranka dumarka.
Waxay ku taalaa dhinaca caloosha, tooska, dusha ah.
Mararka qaar waxay si toos ah ugu taalaa gadaasha godka xubinka taranka.
Mararka qaar waxay kusii jirtaa gudaha.
Mararka qaar waxay u egtahay in ay adagtahay.
Waxay lahaan kartaa qiyaaso kala duwan.

Marka “barta-G” la duugo ama la salaaxo:
Midaan dadka qaar waxay ku dareemaan raaxo.
Dadka qaar sidaan ayay ku noqdaan kuwo aad u kacsan.
Qaarna maba dareemaan waxna gebi ahaanba.
Intaas oo dhan waa wax caadi ah!

Waxa ugu wanaagsan ee ay tahay in la sameeyo: Oggoow jirkaaga.
Barro waxa aad ku dareentid raaxo.
Qofkasta waa mid ay ku kala duwanyihiin.

Marka ay haweenaydu samayso galmo marka ugu horaysa: Miyay waynaysaa wax ka baddan hal litir oo dhiig ah?

Maya, inta baddan haweenaydu ma weynayso intaas oo dhiig ah inta lagu guda jiro samaynta galmadeeda ugu horaysa.
Galmada su’aashaan laga yaabee in macnaheedu tahay: Galmada la isla sameeyo.
Midaasna macnaheedu waxay tahay: Wax Xubinka taranka ee raga oo la geliyo xubinka taranka dumarka.

Qaar kamid ah dumarka, bikrada waxay jeexantaa inta lagu guda jiro galmadooda “marka ugu horaysa”.
Halkan waxaad ka akhrin kartaa waxa midaasi loola jeedo: https://refu-tips.de/en/i-14-year-old-had-my-period-last-week-i-used-a-tampon-and-i-suddenly-started-bleeding-heavily-i-am-afraid-i-may-have-damaged-my-hymen-what-can-i-do-now/
Qaar kamid ah dumarka, derbiyada xubinka taranka waxaa dhaawac gaarsiinaya xubinka taranka raga.
Midaasna macnaheedu waxay tahay: In xubinka taranka raga uu gaysanayo jeexitaan yar oo ku dhaca xubinka taranka dumarka.
Gudaha xubinka taranka dumarka waxaa loola jeedaa: Gudaha jirka.
Ku dhowaadkii nus kamid ah dhammaan dumarka oo dhan kama yimaado wax dhiig ah inta lagu guda jiro galmadooda “marka ugu horaysa”.

Marka uu dhiig ka imaanayo haweenayda:
Inta baddan, wuxuu noqonayaa kaliya dhibcooyin yar.
Midaan inta baddan ma ahan wax xun.
Dhaawacyada yar ayaga ayaaba iskooda u caafimaada.
Mararka qaar dhibcooyin yar oo xoogaa baddan ayaa imaanaya dhowr maalmood gudahooda.
Midaasna sidoo kale ma ahan mid xun.
Haddii uu jiro dhiig baddan:
Markaasi haweenaydu waa in ay la kulantaa dhakhtar.

https://refu-tips.de/en/my-friend-told-me-that-he-ejaculated-what-does-that-mean/

Manidu waa biyo dheecaan adag.
Dheecaankan wuxuu ka yimaadaa xubinka taranka ninmka.
Midaana waxay dhacdaan marka uu ninku siigaysto.
Maqaalkan wuxuu kuu sheegayaa waxa uu yahay siigaysigu

https://refu-tips.de/so/saaxiibkayga-ayaa-ii-sheegay-in-uu-siigaystay-maxaa-laga-waddaa-midaasi/

Haddii aad liqdid manida ma noqonaysid qof midaasi uur ku qaada.
Laakiin manidu waxay sidi kartaa cuduro.
Xitaa marka manida la liqo.
Haddii aadan hubin in wiilka saaxiibkaaga ahi uu yahay mid caafimaadkiisu fiicanyahay, waxaa wanaagsan in aadan liqin manidiisa.

Manidu qofkasta waxay ugu dhadhamaysaa si gooni ah.
Dadka qaar way jecelyihiin dhadhanka.
Dadka qaarna manidu waxay u arkaan wax lagu yaq-yaqsado.
Dhammaan wax dhib ah malahan.

Adigu khasab kuguma ahan in aad liqdid manida.
Mana jiro qof kugu khasbi kara in aad liqdid manida.
Xitaa wiilka saaxiibkaaga ah.

Anigu waxaan ahay wiil 16-sanno jir ah waxaana isticmaalaa kursiga curyaanka. Waxaan jeclahay in aan banaanka la baxo saaxiibadayda. Waxay igu dhahaan in aanan samayn karin wax galmo ah. Maadaama aan ahay qof ku socda kursiga curyaanka. Waxay dhahaan in aan anigu ahayn nin dabiici ah. Anigu ma hubi arintaasi. Run miyaa midaasi?

Maya, midaasi ma ahan mid run ah.
Ma jiraan wax la yiraahdo nin “dabiici ah”.
Dadku waa kuwo kala duwan – nimanka iyo wiilashana waa sidaas oo kale.
Ninku wuxuu noqon karaa mid weyn ama mid yar.
Ninku wuxuu jeclaan karaa niman ama dumar.
Ninku wuxuu ku socon karaa kursiga curyaanka.
Nin kasta waa mid kaduwan midka kale.
Wax dhib ah malahan in aad ku socotid kursiga curyaanka.

Sidoo kale waxaa jira noocyo kala duwan oo galmo ah.
Galmada ninka iyo gabadha ay sameeyaan waa kaliya hal qaab oo galmada kamid ah.
Galmada ninka iyo gabadha ay sameeyaan waa marka uu xubinka taranka ninka uu galo xubinka taranka gabadha ama futada.
Sidoo kale waxaa jira qaabab kale oo baddan oo galmada loo sameeyo.
Waxa saxda ah waa waxa labada qofba ay ku faraxsanyihiin in ay wada sameeyaan.

Marka hore oggoow meesha aad jeceshahay in lagaa taabto.
Ugu sheeg gabadha saaxiibtaada ah ama wiilka saaxiibkaaga ah si daacad ah waxa aad jeceshahay.
Weydii asaga ama ayada waxa uu jecelyahay ama ay jeceshahay.
Si wada jir waxaad nafsadiina uga dhigi kartaan in aad si fiican dareentiin.

Anigu waxaan ahay wiil 17-sanno jir ah waxaana ku wareersanahay haddii aan isticmaali karo isla kandomka labbo jeer?

Maya, ma isticmaali kartid.
Haddii aad kandomka gelisid xubinka mar labaad, manidu waxay si kedis ah ugu soo baxaysaa dibada kandomka.
Kadibna manidu waxay geli kartaa xubinka taranka haweenayda.
Markaasi haweenaydu uur ayay qaadi kartaa.

Waxaynu kuu haynaa xoogaa nasteexooyin ah:
Kaliya isticmaal kandomyada aad kasoo saartid baakada xiran.
Ha isticmaalin kandomka haddii…
Baakadu ay dilaacsantahay ama furantahay.
Kandomku dilaacsanyahay.
Taariikhda dhicitaanka la dhaafay.
Aad siigaysatid.
Ay khasab kugu tahay in aad markale hoos ugu soo jiidid kandomka dhinaca xubinka taranka.
Aan kandomku ula ekayn si sax ah xubinka taranka.
Markaasi waxaa khasa kugu ah in aad tuurtid kandomka.

Waxaad soo iibsan kartaa kandomyo baddan hal mar.
Kandomyada raqiiska ah waxaa lagu iibiyaa dukaamada daawooyinka lagu gado.
In lasoo iibsado kandomyadu waa arin caadi ah.
Waxaad muujinaysaa in aad qaadaysid mas’uuliyada.
Adigu uma baahnid in aad midaasi ka xishootid!