Anigu waxaan ahay 16 sanno jir. Dhakhtar ayaa i weydiiyay haddii aan qabbo HIV ama AIDS. Maxaa laga wadaa HIV? Maxaa laga wadaa AIDS?

HIV iyo AIDS waa labbo shay oo kala duwan.
HIV waa fayras.
Fayras ku dhuunta jirkaaga kaana dhiga in aad xanuunsatid.
AIDS waa cudurka keena fayraskaan.
Haddii aad ku qabtid jirkaaga HIV muddo dheer, waxaa kugu dhacay cudurka AIDS-ka.
AIDS-ka wuu ku dili karaa haddii aanan lagaa daawaynin.

Waxaa jira daawooyin fiican oo la dagaalama fayraska HIV.
Daawooyinkaan waxay yareeyaan tirada fayraska HIV ee kujira jirkaaga.
Si aadan ugu daaran qofkale fayraska HIV.
Adigana kuugu dhicin cudurka AIDS.
Waxaad noolaan kartaa muddo dheer marka aad qaadatid daawooyinkaan.

Dalka Jarmalka adigu ma ahan in aad bixisid lacagta daawooyinkaan.
Caymiskaaga caafimaadka ayaa bixin doona lacagta daawooyinka loogu talogalay fayraska HIV.
Dadka qabba fayraska HIV waxay go’aansan karaan qofka ay rabaan in ay u sheegaan.
Sharcigu wuxuu ka mamnuucayaa dadka in ay dadka kale banaanka la baxaan.

Ka taxadir una hoggaansan arimahaan soo socda:

  • Galmo hala samaynin qof kale adiga oo aan isticmaalin kondom (galmada siilka ama dabada).
  • Ha isku mudin daroogooyin. Isticmaalida silingiyo iyo irbado waa mid khatar ah. Ha u dhiibin silingiyada ama irbadaha dadka kale.
  • Haddii aad dhiig baxayso ama leedahay dhaawac furan, iska hubso in aanan dhaawacaagu gaarin dhiig kale.

Text: AWO-Zentrum für Aidsarbeit Schwaben
www.zas-schwaben.de

Anigu waxaan ahay gabar 17-sanno-jir ah. Dhakhtarkayga ayaa i weydiiyay in la i guday iyo inkale. Maxaa laga wadaa midaasi?

“Jarrid” (ama “gudniinka dumarka”) waa marka qayb kamid ah xubinka taranka la gooyo.
Xubinka taranka waa magaca xubnaha kore ee taranka dumarka.
Waxaa dhici karta in lagaa gooyo ama gudo markii aad ilmo yar ahayd.
Waxaa dhici karta in aadan xusuusnayn wax walba oo arintaasi kusaabsan.

Waxaa jira qaabab baddan oo “gudniinka”.
Mararka qaar qayb aad u yar ayaa la gooyaa.
Sida “kintirka”.
Midkaana wuxuu ku yaala dusha sare ee xubinka taranka.
Ama “faruurta”.
Kuwaana waa qaybaha maqaarka ku wareegsan xubinka taranka.

Mararka qaar xubinka taranka waa la daboolaa.
Ayada oo la isku xirayo bishimaha gudaha ama kuwa banaanka ah.
Loogana tago duleel yar oo dhiiga iyo kaadida kasoo baxdo.

Midaan waxay noqon kartaa mid caadi kuu ah. Waxaa dhici karta in aadan fahmin su’aasha dhakhtarka.
Dumarka badankooda ee ku nool dalka Jarmalka ma ahan kuwo “la gudo”.
Waana sababtaas uu dhakhtarka kuu waydiiyay su’aashan.
Dalka Jarmalka, “gudniinku” waa mid ka mamnuuc ah oona sharciga ku ciqaabo.
Midaasna macnaheedu waxay tahay in dadka waawayn ee guda gabdhaha ay samaynayaan wax khaldan.

Gudniinku wuxuu dhibaato u gaysan karaa caafimaadka gabdhaha.
Gabdhuhu waxay macluumaad baddan ama caawimaad ka heli karaan halkan:
http://www.imma.de/einrichtungen/wuestenrose.html

Anigu waxaan ahay gabar jirta-14-sanno. Ma la ii oggolyahay in aan galmo sameeyo?

Marka aynu dhahayno “galmo”, waxaan ula jeednaa dhammaan taabashada la taabto meelaha khaaska ah ama xubnaha taranka ah.
Dalka Jarmalka, midaani waa mid ka reeban guud ahaan kahor guurka.
Laakiin kaliya waxaa la oggolyahay marka ay labada qofba rabaan!
Sidoo kale waa caadi haddii aadan doonaynin in aad galmo samaysid.

Dalka Jarmalka, sharcigu wuxuu dhigayaa:
In ay reebantahay in qof lagu qasbo in uu galmo sameeyo.
Qofna looma oggola in uu ku qasbo.
Marwalba adiga waxaa laguu oggolyahay in aad dhahdid maya ama diidid.

Sidoo kale waad bedeli kartaa ra’yigaaga.
Waxaa dhici karta marka hore in aad doonaysay in aad galmo samaysid.
Khasab kuguma ahan in aad marwalba sidaasi dareentid.
Dadku ma rabaan in ay marwalba galmo sameeyaan.
Mararka qaar way wanaagsantahay in galmo la sameeyo mararka qaarna ma ahan mid wanaagsan.
Taasina waa arin caadi ah.

Adiga weli waxaad tahay qof aad u yar.
Uga fikir si taxadar leh waxa aad doonaysid.
Qayb kale, waxaad ka heli kartaa xadadka da’da go’an ee loogu talogalay galmada.

Da’dee la ii oggolyahay in aan galmo sameeyo?

Waxaa jira labbo arimood oo aad muhiim u ah kuwaas oo muddan in la tixgeliyo:
Da’daada iyo xiriirkaaga aad la leedahay qofka aad galmada la samaynaysid.
Jadwalkan wuxuu ku tusinayaa da’ooyinka lagu oggolyahay in galmo lagu sameeyo iyo kuwa aan lagu oggolayn ee uu mamnuuca yahay:

Da’da 0-13 14-15 16-17 18-20 21 +
0-13 MAYA MAYA MAYA MAYA MAYA
14-15 MAYA HAA HAA HAA MAYA
16-17 MAYA HAA HAA HAA HAA
18-20 MAYA HAA HAA HAA HAA
21 +
MAYA MAYA HAA HAA HAA

Dhammaan labbada qofba waa in ay doonayaan in ay galmo sameeyaan.
Haddii aan mid doonaynin in uu galmo sameeyo, galmadu waa mid mamnuuc ah.
Qofna looma oggola in uu kugu khasbo in aad galmo samaysid.

Ma ku nooshahay guri la deganyahay?
Adiga laguuma oggola in aad galmo samaysid adiga oo kayar da’da 16.

Galmadu waa mid mamnuuc ka ah dadkaan soo socda dhexdooda:

  • Waalidiinta iyo carruurta
  • Waalidiinta aayada ama adeerka ah iyo carruurta
  • Macalimiinta labka ama dhediga ah iyo ardayda labka ama dhediga ah
  • Daryeelayaasha labka ama dhediga ah ee haysta dad yar-yar ee ku nool guriga la deganyahay ama xarun dhallinyaro
  • Gudaha koorso tababar, meesha shaqada ama tababar, macalinkaaga labka ama dhediga ah looma oggola in uu adiga galmo kula sameeyo.
  • Haddii aad qoys uu nooshahay sida ilmo la korsaday, waalidiintaada ku korsaday looma oggola in ay adiga galmo kula sameeyaan.
  • Masuulkaaga ama weligaaga sharciga ah looma oggola in uu adiga galmo kula sameeyo.

Qofna oo dadkaan kamid ahi looma oggola in uu adiga galmo kula sameeyo.
Haddii ay galmo kula sameeyaan, u raadi caawimaad si dhakhso ah.