Hooyaday iyo ayeeyaday waxay dhahaan: “Haddii ay gabar fadhiisato ayada oo ay lugaheeda kala fogyihiin midaasi macnaheedu waxay tahay gabadhaasi ma ahaanayso mid bikrad ah.” Run miyaa arintaasi?

Arintaas oo kale ma ahan mid lagu sheegi karo qaabka uu qofka u fadhiisto.
Dadkii hore ama dadka waaweyn ayaa waxaas caado u ahaan jirtay in ay aaminaan sannado hore.
Sababtoo ah waxay rabaan in ay gabdhuhu u fadhiistaan ayaga oo lugaha isku haya.

Waxaa jirta sheekooyin baddan oo midaan la mid ah (khuraafaad):
Tusaale ahaan: “haddii ay gabdhuhu wadaan baaskiil ma ahaanayaan kuwo bikro ah.”
Ama: “gabdhuhu waa in aan boodin haddii kale waxaa jeexmaysa xuubka bikradooda.”

Hadaladaan waxay noqon karaan kuwo ay gabdhuhu ku wareeraan.
Waxay gabdhuhu ka celinayaan dhaq-dhaqaaqooda ama hab dhaqankooda.
Gabdhaha qaarkooda waxay noqdaan kuwo ka baqa in ay u dhaqmaan siyaabo gaar ah.

Waxaa jira fikrado lamid ah kuwaan oo ku saabsan caadada dhiiga iyo uurka:
Tusaale ahaan: “haddii haweenay ku dhaco dhiiga caadada waa in aysan iska dhaqin haddii kale way xanuunsanaysaa.”
Ama: “haweenaydu waxay uur ku qaadi kartaa haddii ay gasho barkada lagu dabaasho ayada oo aan galmo samaynin.”

Dhammaan hadaladaan waa kuwo khalad ah.
Haddii aad tahay gabar waxaa wanaagsan in aad weydiisid dhakhtarada cudurada haweenka.
Ayadu waxay ku siin kartaa macluumaadka saxda ah ee arintan ku saabsan.