Aniga oo ah gabar (14 sanno jir ah) waxaa igu dhacay dhiigayga caadada todobaadkii lasoo dhaafay. Waxaan isticmaalay suufka dhiiga laga xirto waxaana si kedis ah ku bilaabay in uu dhiig xoogan iga yimaado. Waan cabsanayaa waxaa laga yaabaa in aan dhaawac gaarsiiyay xuubkayga bikrada. Maxaan sameeyaa hadda?

Adigu ma ahan in aad cabsatid.
Socodka dhiiga caadadaada iyo xoogiisa waa mid ay ka duwantahay sida caadiga ah mararka qaar.
Midaasi waxay noqon kartaa sababta uu dhiiga xoogan kaaga yimid.

Ma garanaysaa sida uu u egyahay xuubka bikrada?
Ii oggoloow in aan kuu sharxo:
Inbaddan oo dadka kamid ahi waxay aaminsanyihiin in maqaarkeeda ku koro dusha xubinka taranka.
Laakiin midaan waa khalad: xuubka bikradu waa uun duub.
Duubka wuxuu ku wareegsanyahay godka xubinka taranka.
Duubkan marwalba waa mid qaabkiisu duwanyahay:
Mararka qaar waa mid aad u yar oona ay adagtahay in aad aragtid.
Mararka qaarna waa mid weyn wuxuuna leeyahay kaliya god yar.

Arinta muhiimka ahi waxay tahay: in xuubka bikrada gabar kasta uu ka duwanyahay mida kale.
Kaliya ku dhowaadkii nus kamid ah dhammaan gabdhaha oo dhan ayaa dhiiga ka yimaada marka ugu horeysa ee ay galmo sameeyaan.
Kuma oggaan kartid adiga oo fiiriya in ay gabar galmo samaysay iyo in aysan samaynin.
Haddaba adiga uma baahnid in aad wel-weshid gebi ahaanba.
Haddii aad jeceshahay talo dheeri ah waxaad booqan kartaa dhakhtarka cudurada haweenka ama xafiiska ProFamilia (https://www.profamilia.de/)
Waxaad ka oggaan kartaa waxa meesha ka dhacaya gudaha su’aashan: Dhammaan gabdhaha saaxiibadayda ah ee iskuulka dhigta waxay hore ula kulmeen dhakhtarada cudurada haweenka. Aniga oo (14) jir ah sidoo kale miyaan u baahanahay in aan aado? Haddii aan aado maxaa dhacaya?