Anigu waxaan ahay (15) mana la ii oggola in aan sigaar ku cabbo dalka Jarmalka. Sabab? Maxaana laga wadaa Jugendschutzgesetz (qaanuunka ilaalinta dhallinyarada)?

Qaanuunka ilaalinta dhallinyarada waxaa loogu talogalay in carruurta iyo dhallinyarada laga ilaaliyo dhibaatada.
Wuxuu si gaar ah u khuseeyaa meelaha ay dadweynaha isugu yimaadaan, taas oo macnaheedu tahay meel ka baxsan gurigaaga.
Dadka waaweyn waa in aysan u oggolaanin carruurta iyo dhallinyarada in ay waxaasi halkan ku sameeyaan.
Haddii ay u oggolaadaan, qofka weyn waxaa dhici karta in la ciqaabo.

Sharcigu wuxuu kala saarayaa carruurta iyo dhallinyarada.

Adiga maxaa mamnuuc kaa ah?
In aadan joogin makhaayadaha ama baararka kadib 11 habbeenimo.
In aadan ciyaarin khamaar lacag lagu dheelo.
In aadan cabbin khamro iyo in aadan sigaar cabbin.
In aadan soo iibsan ama soo kiraysan filimada aanan ‘la oggolaanin’.

Filim kasta waxaa loogu talogalay da’ khaas ah. Haddii aad ka yartahay da’da filimkaan loogu talogalay waa in aadan daawan.
Midaana waxay ku qorantahay baakada filimka korkiisa.
Xeerarkan ama sharciyadan sidoo kale waxay khuseeyaan ciyaaraha eliktarooniga ah, ciyaaraha teleefoonka gacanta iyo kombuyuutarka lagu ciyaaro.

Fiiri halkan si aad u oggaatid inbaddan:
https://www.rosenheim.de/fileadmin/Dateien/Jugendamt/Jugendschutztabelle_01.pdf
Loogu talogalay dadka waaweyn: waxaad ka dalban kartaa qaanuunka ama sharciga ku saabsan dhallinyarada ee ku qoran luuqado kale oo baddan halkan:
http://www.drei-w-verlag.de/shop/shop/juschg-tabelle-in-6-sprachen.html