Maya, adigu lama kulmi doontid wax ciqaab sharci ah.
Maadaama aad tahay ilmo weli ma aadan gaarin da’da “mas’uuliyada dembiga” illaa aad ka gaartid da’da 14.
Da’da 13 sanno jir adigu lagaama ciqaabi doono dhinaca sharciga.
Kaliya waalidiintaada ama dadka mas’uulka kaa ah ayaa kaa celin kara in aad sidaas samaysid.
Si kastaba, waxaa jira dhowr waxyaabood oo ay tahay in aad tixgelisid ama oggaatid.
Tusaale ahaan, saaxiibkaaga waa la ciqaabi karaa
haddii uu asaga yahay mid jira 14 sanno ama ka weyn, maadaam uusan ahayn ilmo.
Mararka qaar sawiradu waxay u yihiin sharci daro sababtoo ah adiga ayaa ah kaliya 13 sanno jir.
Sidaan waxay xaaladu tahay haddii:
- Sawirku tusinaayo qof ka yar 14 sanno qofkaasi uu samaynaya galmo.
- Sawirku tusinaayo aasaasi ahaan naasaha ama meesha lugaha gudahooda ah
Ayada oo aan la eegaynin da’da, waa sharci daro haddii:
- Qof lala hadlo ama lagu khasbo in sawirka laga qaato.
- Sawirka noocaan ah waa midka loo diro qof aanan doonaynin.
Sidoo kale waa sharci daro
in loo diro sawirka noocaan ah qof kale ayada oo aan oggolaansho laga haysanin.
Laakiin midaasi mararka qaar way dhacdaa.
Haddii aad u baahantahay in arintan laguugu caawiyo, waxaad qof kala xiriiri kartaa halkan:
http://www.nina-info.de/save-me-online/kontakt-beratung.html