Anigu waxaan ahay gabar jirta-14-sanno waxaana maqlay in gabdho kale oo iskuulka dhigta ay sameeyeen tallaalka HPV. Maxay tahay midaasi? Anigana miyaan u baahanahay?

HPV waxaa laga soo gaabiyay “Fayraska Banii’aadamka Ee Papilloma”.
Fayrasyadu waxay keenaan cuduro.
Cudurada uu keeno HPV waxaa kamid ah:
“Kansarka afka-ilmagaleenka” iyo “burooyinka xubinta taranka”.
Kansarka afka-ilmagaleenka waa cudur halis ah oo jirka ku dhaca.
Afka-ilmagaleenka waa qayb kamid ah jirka dumarka midkaas oo ku xira dusha sare ee xubinta taranka.
Burooyinka xubinta taranka waxay u egyihiin sida qanjiro leh midabka buniga ah ama caddaanka.
Mararka qaar burooyinku waa kuwo sameeya cun-cun ama gubasho.

HPV waxaa loogu gudbin karaa dadka kale tooska galmada.
Inbaddan oo kamid ah dumarka iyo nimanka waxaa ku dhaca HPV inta ay noolyihiin.
Laakiin ma ahan mid qofkasta uu fayraska isku bedelo cudur.
“tallaal” ayaa kaa celin kara in aad xanuunsatid ama cudurka uu kugu dhaco.
“tallaalku” waa irbad laguugu duro oo ka hortagta cudurka.
Irbadaan waxay ku caawinaysaa jirkaaga in uu la dagaalamo fayraska.
Waxaan arintaan weydiin kartaa dhakhtarkaaga dumarka.
Waxay kugu caawin kartaa in aad go’aan gaartid.
Waxay kugu samayn kartaa tallaal.
Waxaa wanaagsan in lagu tallaalo kahor inta aadan marka hore samaynin galmo.
Tallaalka lagu daaweeyo HPV waa mid bilaash ama lacag la’aan ah.