Saaxiibtayda waxay ii sheegtay:In ay isticmaasho “faraantiga ka hortagga uurka”.Weligay ma aanan maqlin.Waa maxay?Sidee ayuu u shaqeeyaa?

Faraatiga ka hortagga uurka waa wax looga hortaggo uurka – sida kiniiniga oo kale.
Faraatiga wuxuu jirka ku siidaayaa hoormoon.
Hoormoontan waxaa loogu talogalay in ay ka hortagto uurka.
Takhtaradaada dumarka ayaa warqad daawo ama rijeeto kuu qori karta.
Adiga oo isticmaalaya rijeetada, waxaad ka qaadan kartaa faraatiga ka hortagga uurka farmashiga.

Waa in aad geliso faraatiga ka hortagga uurka siilka.
Faraatiga ka hortagga uurka wuxuu halkaasi ku jirayaa saddex toddobaad.
Markaas ka-dib, waxaad ka saareysaa faraatiga ka hortagga uurka siilkaaga.
Waxaad sugeysaa toddobo maalmood ka-dibna geli faraatiga ka hortagga uurka oo cusub.
Waxaa wanaagsan in aad geliso xasuusin kalandaariyahaaga.

Muhiim ah:Hoormoonta waxaa ay kugu reebi kartaa saameyn aan wanaagsanayn.
Takhtaradaada dumarka ayaa ku siin karta talo arrintan ku saabsan.
Sidee ayaad u gashaneysaa faraatiga ka hortagga uurka?
Marka hore, raadso boos aad raaxo ku qabto.
Waad kada-loobsan kartaa.
Ama waxaad hal lug saari kartaa geeska baafka qubeyska.
Waxaa ku majuujisaa faraatiga suulkaaga iyo fartaada murugsatada.
Hadda ku riix faraatiga ka hortagga siilkaaga.
Waxaad ogaan doontaa in uu ku sugan yahay goobta saxa ah marka aadan dareemi karin.