Waxaan dhowaanahaan bilaabay in ay timo igaga soo baxaan wejigayga waxaana ahay (wiil, 14 jir ah). Codkayga waa mid ka duwan sidii hore. Waxaan dareemayaa yax-yax.

Adigu waad wel-welsantahay sababtoo ah jirkaaga wuu isbedelayaa.
Laakiin midaasi waa arin gebi ahaanba caadi ah: adiga waad koraysaa.

Jirkaaga hadda wuxuu soo saarayaa hormoono galmo.
Hormoonadaan waa kuwo ku cusub jirkaaga.
Waxay u sheegayaan waxa u baahan in la bedelo.
Waxay si tartiib ah ugu bedelayaan jirkaaga jir qof-weyn.
Mudadaan isbedelka ah waxaa lagu magacaabaa ‘qaan-gaarnimo.

Waxaad bilaabaysaa in ay timo kaaga soo baxaan kilkishaada iyo meesha xubinka taranka.
Waxaad bilaabaysaa in uu gar kugu soo baxo, midkaas oo aad iska xiiri karto ama u deyn karto si uu u bato.
Codkaaga wuxuu iska bedelayaa codkii ilmo wuxuuna noqonayaa cod nin weyn.
Waxaad bilaabaysaa siigaysi.
Midaas macnaheedu waxay tahay: mini bacrin ayaa kasoo baxaysa xubinkaaga taranka.
Isbedelkaan ma ahan mid dhacaya isla markiiba, wuxuu qaadanayaa xoogaa wakhti ah.

Iyo: hoormoonadu waxay kaa dhigayaan in aad waxyaabaha u dareentid si xoogan.
Mararka qaar waxaad dareemaysaa murug aad ah, mararka qaarna carro aad ah iyo mararka qaar farxad aad ah.
Intaan oo dhan waa qayb kamid ah qaan-gaarnimada iyo koritaanka.
Isbedelkan ku dhaca dareenkana wuu iska degi doonaa hadhow markale.