Saaxiibadayda waxay rabaan in aan u raaco barkad biyo lagu dabaasho (14). Halkaasi waxaad ku arkaysaa dumar qaawan. Run miyaa midaasi?

Gabdhaha iyo wiilasha iyo nimanka iyo dumarka waxay jecelyihiin in ay aadaan barkada biyo ee lagu dabaasho.
Marka uu jawigu wanaagsanyahay waxay aadaan barkad biyo hawadeedu-furantahay ama war.
Halkan waxaa ku yaala inta badan dhul seere ah halkaas oo aad ku nasan karto kuna cadceedsato.
Waxaana sidoo kale ku yaala meelo loogu talogalay in lagu ciyaaro kubadna lagu dheelo.
Marka uu jawigu xunyahay dadku waxay aadaan barkadaha biyaha lagu dabaasho ee gudaha guryaha ku yaala.
Halkan waxay leedahay oo kaliya hal meel oo lagu nasto kadib dabaasha.

Qofkasta wuxuu xiranayaa dharka lagu dabaasho.
Waxay doonayaan in ay dabaashaan, nastaan oona baashaalaan.
Qofna ma doonayo in indhaha lagu taago ama la taabto.

Gudaha Yurub dad badan ma xirtaan dhar badan marka ay dabaalanayaan.
Midaana waxay tahay sababo macquul ah, si ay ugu oggolaato dharka qoyan in uu si dhakhso ah u qalalo.

In la daawado ama indhaha lagu taago dumarka ama gabdhaha waa mid aan ficnayn.
Mararka qaar dumarka iyo gabdhaha waxay u arkaan fiirmooyinkaan in ay yihiin dhibaatayn ama dhib u gaysasho.
Haddii aad doonaysid in aad fiirisid, hadaba ka dhig mid dhakhso ah.
Weligaaga laguuma oggolaanayo in aad qof taabatid ama dhibaato u gaysatid. Haddii kale waxaad ku dhacaysaa mushkilad.
In la taabto dumarka iyo gabdhaha waa mid mamnuuc ah ama reeban.

Haddii aad doonaysid in aad baratid gabar, waa in aad ula hadashaa si edboon oo ixtiraam leh.
Waxaad weydiin kartaa: Ma kuu soo iibin karaa jallaato?
Ama ma jeceshahay in aad ciyaartid kubada teeniska miiska?

Muhiim ah: Barro sida loo dabaasho si aan biyuhu kuu liqin!

Waxaan Facebook ku samaystay teleefoonkayga casriga ah. Sideen ku baran karaa dadka?

Facebook waa shabakad bulsho internetka ah.
Shabakada bulshadu waa:
Meel banaan oo aan la taaban karin halkaas oo dadka adduunka jooga oo dhani ku wada hadli karaan.
Instagram iyo WhatsApp sidoo kale waa shabakado bulsho.
Waxaad xiriir kula samaysan kartaa saaxiibo hore.
Waxaadna heli kartaa oodna baran kartaa saaxiibo cusub.

Waa arin xiiso leh in la barto dad cusub.
Laakiin mararka qaar waxaa khasab kugu ah in aad ka taxadirtid dadka aadan garanaynin.
Dadka aadan garanaynin waa dad aad kula kulantay ama ku baratay tooska internetka
oona aadan weligaaga u arkin si dhab ah.

Halkan waxaa ku qoran dhowr naseexooyin ah:
Qofna ha siinin magacaaga dhabta ah iyo cinwaankaaga.
Ha bixinin oo ha siinin lambarkaaga teleefoonka.
Ha gelinin sawirada saaxiibadaada internetka.
Waxaa dhici karta in aysan midaasi jeclayn.

Muhiim ah: Ha kula kulmin qof aadan aqoon u lahayn meel ka baxsan internetka adiga keligaaga.
Hore u wado qof aad si fiican u garanaysid.
Kula heshii in aad kula kulantid meel fagaare ah ama muqaayad.

Waalidiintayda waxay ii heleen qof i guursada. Laakiin anigu ma DOONAYO in aan guursado. Maxaan sameeyaa?

Midaasi waa xaalad aad u adag.
In dadka lagu qasbo in ay guursadaan
waa ka mamnuuc dalka Jarmal.

Waxaad haysataa doorashooyin badan:
Doorashada koowaad:
Waxaad isku dayi kartaa in aad arintaasi kala hadashid qoyskaaga.
Qoyskaaga waxaa dhici karta in aysan dareemin in ay samaynayaan wax sharci daro ah.
Laakiin waxaa dhici karta in aysan adiga ku dhagaysan.

Doorashada labbaad:
Waxaad ka tagi kartaa qoyskaaga kahor inta uusan dhicin guurka la qorshaystay.
Waxaad heli kartaa caawimaad.
Laakiin ka taxadir! Qofna hore ha ugu sheegin qorshahaaga ah in aad ka tagtid guriga.

Waxaad marwalba lasoo xiriiri kartaa Wüstenrose.
Lambarka teleefoonka waa 0 89 – 45 21 63 50.
Dadka meeshaasi ka shaqeeya waa kuwo garanaya xarumaha caawimaada ama taageerada laga helo dalka Jarmalka.
Waxay kaala hadli doonaan waxa aad samayn kartid.
Khasab kuguma ahan in aad ku sheegtid magacaaga tooska teleefoonka.
Qoraal ka yimid dhinaca Wüstenrose (IMMA e.V.)

Waxaan ahay gabar jirta-17-sanno. Waxaan jeclahay in aan guursado saaxiibkayga. Ma tahay midaasi mid laga oggolyahay dalka Jarmal?

Waad guursan kartaa saaxiibkaaga.
Guurku waa xiriirka rasmiga ah ee qaanuunka hortiisa.
Xafiis diiwaan gelin ayaa xaqiijin doona xiriirka.

Waxaa jira xeerar badan oo xiriir la leh guurka ka dhaca dalka Jarmal.
Waxaa laguu oggolyahay in aad ku guursatid da’da 18.
Mararka qaar waxaa laguu oggolyahay in aad ku guursatid da’da 16:
Laakiin waa in uu lammaanahaagu yahay mid ka wayn 18.
Waana in ay maxkamada qoysku oggolaato.

Adiga kaliya waxaa laguu oggolyahay in aad guursatid hal qof.
Guurarka badan waa kuwo mamnuuc ka ah ama ka reeban dalka Jarmalka.

Waxaa laguu oggolyahay in aad dhammaysid guurkaaga wakhti kasta haddii aadan guurkaasi farxad ku dareemaynin.
Midaasna waxaa lagu magacaabaa furiin.
Waxaad ka heli kartaa macluumaad badan boggaan internetka ah: http://www.zanzu.de/de/scheidung-0

Adigu laguuma oggola in aad guursatid qof katirsan qoyskaaga.
Xitaa ilmo adeerada kuma guursadaan ilmo adeeradooda kale gudaha dalka Jarmal.
Carruurta ka dhasha guurarkaan waxaa ku dhacaya cudurada hidaha la isaga qaado.
Sidaas darteeda ma ahan fikrad wanaagsan in la guursado qaraabadaada khaaska ah.

Adigu khasab kuguma ahan in aad guursatid!
Waxaad heli kartaa caawimaad haddii uu qof kugu khasbayo in aad guursatid.

Doorashada kale waxay tahay:
Waxaad ku guursan kartaa qaabab hab dhaqan diimeed ah.
Waxaa jira hab dhaqano guur badan oo kala duwan.
Laakiin gudaha dalka Jarmalku kuwaan ma ahan kuwo rasmi ka ah sida waafaqsan sharciga waddanka.

Saaxiibkayga oo jira (15) iyo aniga oo jira (15) aad ayaynu isku jecelnahay. Wuxuuna doonayaa in uu galmo ila sameeyo. Ma ku khasbanahay in aan galmo la sameeyo si uusan iiga tagin?

Waa arin wanaagsan in labadiinuba aad isjeceshihiin.
Haddaba saaxiibkaaga wuxuu doonayaa in uu galmo kula sameeyo.
Wuu jeclaan karaa in uu jirkaaga taa-taabto oona sidaasi adiga iskula kacsataan ama raaxaysataan.
Taasi dhib malahan.

Laakiin adiga ma doonaysid.
Taasi gebi ahaabna waa mid caadi ah.
Labbo qof oo isjeceyl ma ahan in ay marwalba hal shay isla wada jecelyihiin.

U sheeg in aad jeceshahay.
Laakiin aadan doonaynin in aad galmo la samaysid.
Waxaa dhici karta in uu muraal jabo una maleeyo in aadan jeclayn asaga.
Si cad ugu sheeg in aad weli u baahantahay wakhti dheeri ah kahor inta aadan samaynin galmada.

Galmadu waxay macaantahay marka ay labbada qofba wada doonayaan.
Laakiin ma wanaagsana in galmada loo sameeyo kaliya in uu qofka kale doonayo.

Waxaa dhici karta in uu sugo illaa aad adiguna sidoo kale ka doonaysid in aad galmo samaysid.
Waxaa dhici karta in uu isku dayo in uu ku qanciyo oona arinta kaa dhaadhiciyo.
Waxaa kaloo dhici karta in uuba kaa tago.
Laakiin galmadu ma ahan mid dammaana qaadaysa in uu weligiisa kula joogayo.

Sidaas darteeda waa muhiim in aad NAFSADAADA ka taxadirtid.
Waa muhiim in aad oggaatid waxa AAD doonaysid iyo waxa ADIGA kuu fiican.

Waxaan helay boggaan internetka ah. Waxaana jeclahay in aan oggaado dadka iiga jawaabaya su’aalahayga. Yaad tihiin idinka?

Waxaynu nahay 3 haween.
Labbo inaga mid ahi waxay ku dhasheen dalka Jarmalka.
Mid halkan waxay ku timid sida qaxootanimo sannado baddan kahor.

Waxaynu si wada jir ah ugu wada shaqaynaa hay’ad bulshadeed.
Hay’adeena waxaa lagu magacaabaa AMYNA.
7 dumar kale ayaa sidoo kale halkan ku shaqeeya.
Dadka ku shaqeeya hay’ad bulsho waxay jecelyihiin in ay caawiyaan dadka kale.

Ujeeddada ugu weyni ee hay’adeenu waxay tahay
si looga ilaaliyo gabdhaha iyo wiilasha xad gudub galmo ah.
Hadafkeenu wuxuu yahay in aynu dadka caawino ka hor inta aysan wax dhicin.
Waxaan u sheegnaa dadka kale ee waaweyn waxyaabo ku saabsan arimo baddan oo muhiim ah.
Waxaana uga jawaabnaa su’aalo baddan oo muhiim ah oo khuseeya gabdhaha iyo wiilasha boggaan internetka ah.

Laakiin haddii ay wax xun kugu dhacaan,
waxaan sidoo kale ku tusin doonaa halka caawimaada laga helo!

Ku dhufo linkigan: https://refu-tips.de/so/category/help-hilfe-so/

Aabe diimeedkayga wuxuu i siiyey (13) teleefoon casriyaysan. Wuxuuna doonayaa in uu i dhunkado oona hab i siiyo marka uu iga tagayo. Ma xuntahay ama qalafsantahay in aan ku iraahdo anigu midaasi ma jecli?

Waxaa laga yaabaa in aad ku faraxday in aad heshay teleefoonka casriyaysan.
Waxaa kaloo laga yaabaa in aad uga mahad celisay haddiyada uu ku siiyay.

Haddiyadu kuguma khasbayso in aad wax kale samaysid.
Haddiyadu waa in ay ka dhigtaa qofka kale mid faraxsan.
Aabe diimeedkaaga wuu ku farxayaa haddii aad tustid sida aad ugu faraxsantahay haddiyada.

Mararka qaar waxaa dhici karta in aadan ku farxin haddiyada.
Waxaa laga yaabaa in aadan u baahnaynba ama in aysan ahayn mid adiga kugu habboon ama maba jeclidba.
Si kastaba waa in aad ku dhahdaa qofka kuu keenay haddiyada mahadsanid.
Waad ogtahay adigu in qofka kale ula jeeday uun si wanaagsan.

Habsiinta iyo dhunkashadu lama lahan wax xiriir ah haddiyada.
Way wanaagsantahay in aad u sheegtid in aadan jeclayn arintaasi.

Waxaad dhahdaa wax lamid ah sida tan: Waan ku jeclahay.
Laakiin anigu ma jecli habsiinta iyo dhunkashada.
Fadlan isku day in aad midaasi fahantid. Waayo anigu aadbay muhiim iigu tahay.

Aabe diimeedkaaga waa in uu fahamaa midaasi oona kugu ixtiraamaa.
Haddii uusan sidaasi samaynin, ka raadso caawimaad qofkale oo wayn.

Kusoo dhowoow boggaan internetka ah www.refu-tips.de

Boggaan internetka ah waxaa loogu talogalay gabdhaha iyo wiilasha da’ yarta ah.
Laakiin waxaa khasab kugu ah in aad ahaatid ugu yaraan 13 sanno jir.
Waxaan si joogto ah kugu siin doonaa macluumaad cusub.
Sidaas darteeda soo booqo inta badan boggeena internetka ah.

Waxaad jeclaan lahayd in aad ku dareentid dalka Jarmalka sida dalkaaga oo kale.
Haddaba waxaad u baahantahay in aad oggaatid sharciyada dalkaan u yaala.
Waana in aad baratid dhowr waxyaabood.
Waxaan doonaynaa in aynu midaasi kugu caawino.

Waxaa dhici karta in aynu si toos ah wax kuugu sheegno anaga oo aan isticmaalin sarbeebyo.
Waxaa dhici karta in waxyaabaha qaar kula noqdaan kuwo laga xishoodo ama laga yax-yaxo.
Qaar kamid ah waxyaabaha aynu qorno.
Anagu nagama ahan in aynu kuu gaysano wax dhibaato ah.
Waxaan kuugu cudur daaranaynaa si horumarin ah.
Laakiin oggoow waa muhiim in aad sidoo kale oggaatid waxyaabaha kusaabsan arimaha laga xishoodo ama laga yax-yaxo.

Waa in aad ku dareentid ammaan iyo raaxo dalka Jarmalka.
Waxaan doonaynaa in aynu kugu caawino in aad sidaasi dareentid.