Anigu waxaan ahay wiil 15-sanno jir ah saaxiibadayna waxay aadaan magaalada si ay u dhibaan una taabtaan gabdhaha ayaga oo midaasna ciyaar ka dhiganaya. Anigu ma doonayo in aan qayb ka noqdo. Maxaa ila habboon in aan sameeyo?

Saaxiibadaadu ma ahan kuwo ciyaaraya.
Waxa ay samaynayaan waa wax ka reeban gudaha dalka Jarmalka.
Saaxiibadaadu waa kuwo xitaa mudan in la ciqaabo.

Gabdhaha iyo haweenka jooga dalkaan Jarmalka waxay leeyihiin isla xuquuqaha ay leeyihiin wiilasha iyo nimanka.
Waa in aysan dadku dhibin.
Qofna looma oggola in la taabto haddii uusan doonaynin in la taabto.
Qofna looma oggola in uu cabsi geliyo ama dhib u gaysto.

Waa in aadan raacin saaxiibadaada.
Haddii aad meeshaasi joogtid adigana sidoo kale waa lagu ciqaabayaa.
Xitaa haddii aadan adigu nafsadaada dhibaato u gaysan gabar.

Waxaa dhici karta in ay saaxiibadaada ku cadaadiyaan si aad u raacdid.
Waxay doonayaan in aad meesha la joogtid.
Adigana waxaad doonaysaa in aad saaxiibo haysatid.
Waxaad u baahantahay in aad noqotid qof geesi ah si aad u dhahdid MAYA.

Weydiiso qof wayn in uu ku caawiyo.
Waxaa dhici karta in ay haystaan fikrad kusaabsan waxa aad ugu jawaabaysid cadaadiska kaaga yimaada saaxiibadaada.
In la gaysto fal dambiyeed wuxuu u lahaan karaa cawaaqib xumo mustaqbalkaaga.

Anigu waxaan ahay gabar 13-sanno jir ah gurigana waxay ahayd mid caadi ka ah in wiilashu ay dhibaan oona taabtaan haweenka. Hadda halkana waa sidii oo kale. Anigu waan xishoonayaa ama waxaan dareemayaa ceeb. Qofkee i caawin kara?

Waxa ay wiilashaasi samaynayaan waa wax ka reeban gudaha dalkaan Jarmalka.
Waa in aadan xishoonin.
Waxa ay wiilashaan samaynayaan waa wax lagu ciqaabi karo.

Gabdhaha iyo haweenka jooga dalkaan Jarmalka waxay leeyihiin isla xuquuqaha ay leeyihiin wiilasha iyo nimanka.
Qofna looma oggola in uu ku dhibo.
Qofna looma oggola in uu ku taabto adiga oo aan midaasi oggolayn.
Qofna looma oggola in uu ku cabsi geliyo ama dhib kuu gaysto.

Raadso caawimaad.
U sheeg macalinkaaga arintaasi.
Ama qofkale oo aad ku kalsoontahay.

Waxaad baran kartaa sida looga hortago ama loogu ficil celiyo dhaqamada doqonimada ah.
Waxaa jira koorsooyin aad kula baran kartid arintan dad kale.
Waxaad baran doontaa sida aad u xoog badantahay.
Waxaad baran doontaa marka ay tahay in aad orodid.
Waxaad baran doontaa waxa aad dhahaysid.
Waxaad baran doontaa qofka ku caawin kara.
Waxaad koorso la qaadan kartaa saaxiib.
Macalinkaaga ayaa kuu sheegi kara halka aad ku qaadanaysid koorsada.
Sidoo kale waxaad weydiisan kartaa dhakhtarka iskuulka ama shaqaalaha bulshada ee iskuulka jooga.

Adigu ma samaynaysid wax khalad ah.
Wiilashu waxay masuul ka yihiin dhaqankooda waana in ay isbedelaan.

Uur maku qaadi kartaa dhunkashada?

Maya, uur kuma qaadaysid dhunkashada!
Kaliya waxaad uur qaadi kartaa marka unugyada minadu gasho gudaha ama aad ugu dhowaato xubinkaaga taranka.
Waxaa laga wadaa marka aad galmo samayso.
Xitaa haddii uu xubinka taranka ninku yahay mid kaliya waxyar uun gudaha ugu jira xubinkaaga taranka.
Unugyada manida waxay kasoo baxayaan xubinka taranka ninka.
Unugyada manidu waxay bacrimin karaan unugyada ukunta haweenayda.
Sidoo kale waxaad uur qaadi kartaa inta lagu guda jiro mudada caadadaada!
Haddii aadan doonaynin in aad uur qaadid, waa in aad marwalba isticmaashid waxyaabo kaa ilaaliya uurka.

Waxaa jira noocyo kala duwan oo uurka looga hortagi karo.
Waxaad ka heli kartaa macluumaad kusaabsan noocyada ka hortaga uurka dhakhtarka ama xarun la talin.
Waxaad ka iibsan kartaa kondomyada dukaamada waawayn iyo farmashiyaasha.
Waa kuwo ammaan ah waxayna kaa ilaaliyaan cudurada.
Kaniiniga, gariirada uurka lagu celiyo iyo faraantiga xubinka taranka la geliyo waa noocyo kamid ah ka hortaga uurka kuwaas oo isticmaala hormoono.
Waa in uu dhakhtar soo qoro.

Xaaladaha “deg-dega ah” waxaad kasoo iibsan kartaa “kaniiniga subaxda kadib” farmashiyaha.
Xaalada “deg-dega ah” waa marka aadan isticmaalin wax uurka celiya ama marka uu dhacay xaalada kedis ah oo waxyaabaha uurka celiya ah.
“Kaniiniga subaxda kadib” waa in lagu qaato gudaha seddex maalmood oo laga joogo marka la sameeyay galmada aan ilaalada lahayn.

Text: pro familia München e.V.

Anigu waxaan ahay gabar 13-sanno jir. Jirkayga guud ahaan wuu isbedelayaa. Midaasi ma tahay mid caadi ah?

Anigu waxaan ahay gabar 13-sanno jir. Jirkayga guud ahaan wuu isbedelayaa. Midaasi ma tahay mid caadi ah?

Adigu waad wel-welsantahay sababtoo ah jirkaaga ayaa isbedelaaya.
Laakiin midaasi gebi ahaanba waa wax caadi ah.
Jirka dhammaan gabdhaha iyo wiilasha wuu isbedelayaa intiiba ay korayaan.

Waa kuwaan waxa dhici doona guud ahaan sannadaha soo socda:
Hadda adiga jirkaaga wuxuu soo saarayaa hormoono galmo.
Hormoonadu waxay siiyaan jirkaaga macluumaad cusub.
Waxay u sheegaan jirkaaga waxa u baahan in la bedelo.
Isbedelka waqtigaan dhacayo waxaa lagu magacaabaa “baaluqnimo”.

Timo ayaa kasoo baxaya gacanta hoosteeda iyo meesha uu kasoo baxo shuunka.
Waxaad u dhididaysaa si joogto ah.
Waxaa wejigaaga iyo dhabarkaaga kasoo bixi kara finan.
Timahaagu waxay noqonayaan kuwo saliid leh waana in la dhaqaa inbaddan.
Waxaa kugu dhacaysa caadadaada.
Naasahaagu waxay bilaabayaan in ay weynaadaan.
Ibta naasahaagu waxay noqonaysaa mid weyn oona madoow ah.

Hormoonooyinkan waxay sidoo kale kaa dhigayaan in aad dareentid dareemo aad u xoogan.
Mararka qaar aad ayaad u murgaysaa, mararka qaarna waxaad dareemaysaa carro aan caadi ahayn mararka qaarna waxaad noqonaysaa qof aad u faraxsan.
Intaan oo dhan waa qayb kamid ah baaluqnimada.

Saaxiibkayga ayaa ii sheegay in uu siigaystay. Maxaa laga waddaa midaasi?

Wiilasha iyo nimanku way siigaysan karaan.

Midaasna macnaheedu waxay tahay in dheecaan kasoo baxo xubinka taranka raga.
Midaana waxay dhacdaan mararka qaar inta uu qofku hurdo.
Ama marka wiil ama nin uu taataabto ama ku siigaysto xubinkiisa taranka.
Waxayna inta baddan dhacdaa marka uu nin galmo la sameeyo qofkale.

Wiilka ama ninka wuxuu la kulmayaa dareen wanaagsan marka uu siigaysanayo.
Dareenkaan wanaagsan waxaa lagu magacaabaa kacsi.
Dheecaanka badankiisa wuxuu kasoo baxaa xubinka taranka waqtiga kacsigu jiro.
Qaar kamid ah dheecaanka sidoo kale waxay ka yimaadaan xubinka taranka kahor kacsiga.
Laga bilaabo da’da qaan-gaarnimada, dheecaankan wuxuu ku darsamayaa manida.

Manidu waxay noqonaysaa cunug marka ay ku dheexanto ukun.
Ukunta waxay ku jirtaa gudaha ilmo-galeenka -> haweenayda.
Xubinka taranka raga mararka qaar wuxuu gelayaa gudaha ilmo-galeenka haweenayda marka la samaynayo galmada.

Siigaysigu ma ahan wax xun.
Nimanka iyo wiilasha waxay u arkaan mid laga helo dareen wanaagsan.
Inbaddan oo wiilasha iyo nimanka ka mid ahi waxay siigaystaan wax baddan inta ay noolyihiin.
Nimanku waxay marwalba isticmaalaan -> kondom si ay uga fogaadaan in ay si “kadis ah” uur u yeelaan.
Kondomka sidoo kale wuxuu ka ilaaliyaa nimanka iyo dumarkaba in ay qaadaan cudurada qaarkooda.

Waalidiintaydu waxay i bareen in haweenayda wanaagsan ay tahay in ay guursato nin. Kadibna waxay dhallaysaa carruur. Laakiin anigu ma doonayo in aan guursado. Miyaan ahay anigu haweenay wanaagsan?

Dalkaan Jarmalka, dadku waxay u wada noolaan karaan qaabab baddan.
Halkan waxaa ku qoran qaar tusaalooyin ah:
Nimanka iyo haweenka qaarkooda way isguursadaan waxayna iska dhallaan carruur.
Nimanka iyo haweenka qaarkooda waxay iska dhallaan carruur ayaga oo AAN isguursan.
Nimanka iyo haweenka qaarkooda way isguursadaan carruurna ISKUMA dhallaan.

Lammaanaha qaarkooda way kala tagaan ama way isfuraan.
Midaas macnaheedu waxay tahay in ay dhammeeyeen xiriirkooda.
Qaar kamid ah lammaanahaan waxay leeyihiin carruur.
Kadibna carruurta waxay la noolaan karaan hooyadooda ama aabahooda.

Nimanka iyo haweenka qaarkooda waxay yihiin kuwo khaniisiin ah.
Waxay xiriir la yeelan karaan qof ay isku nooc yihiin.
Dadka qaar waxay ku noolyihiin guri ay dad kale wadaagaan.
Midaas macnaheedu waxay tahay in ay si wada jir ah u noolaadaan laakiin ma ahan kuwo xiriir ku jira ama qoys ah.
Niman iyo dumar baddan ayaa sidoo kale ah kuwo keligooda nool marka ay waynaadaan.

Qofkasta asaga ayaa go’aansanaya sida uu doonayo in uu u noolaado.
Dhammaan doorashooyinkaan waa kuwo lagu oggolyahay gudaha dalka Jarmalka.
Qofna tusaalooyinkan kujira ma ahan mid xun ama fiican.
Qofna looma takoorayo ama looma maxkamadaynayo dhaqankaan darteeda.
Wax dhib ah malahan haddii aadan doonaynin in aad guursatid.
Adigu ma tihid qof xun ama gabar xun.

Aniga iyo saaxiibtayda waxaan jirnaa 17 sanno. Waxay ii sheegtay in ay gabar jeceshahay. Ma garanayo waxa aan ku dhaho. Sideen ula dhaqmaa?

Ula dhaqan sidii aad awol hore ula dhaqmi jirtay.
Ayadu waxay jeceshahay qofkale oo ay isku nooc yihiin.

Haddii aad jeceshahay qof aadan isku nooc ahayn sida wiil, midaasi waxaa lagu magacaabaa xiriir nooca kale lala sameeyo.
Haddii aad jeceshahay qof aad isku nooc tihiin sida gabar kale, midaasi waxaa lagu magacaabaa xiriir khaniisnimo.
Gabdhahaasna waxaa lagu magacaabaa khaniisiin.
Wiilasha ayaga isjeclaadana waxaa lagu magacaabaa khaniisiin.
Qofna ma dooran karo sida uu dareemayo.
Dadka qaarkooda waxay jeclaadaan dad labbada noocba ah.
Haddii aad mararka qaarkooda tahay qof jeceyl noocaaga marar kalena qof aan noocaaga ahayn, midaasi waxaa lagu magacaabaa qof labbada noocba u galmooda ama jeceyl.
Midaasna gebi ahaanba waa mid caadi ah.
Waxaa jira qaabab baddan oo qof la gula midoobi karo.
Laakiin nasiib daro, ma ahan dhammaan kuwo laga aqbalayo waddamada qaarkooda.

Gabdho iyo wiilal baddan way ku adagtahay in ay noqdaan kuwo khaniisiin ah.
Waxaa hubaal ah saaxiibtaada in ay ku adagtahay in ay midaasi dadka u sheegto.
Midaasi waxay u baahantahay geesinimo aan caadi ahayn.
Maadaama ay adiga kuu sheegtayna midaasi macnaheedu waxay tahay in saaxiibtaadu ay adiga kugu kalsoontahay.

Waxaa dhici karta in aadan fahmin sababta ay jeceyl ugu qaaday gabar kale.
Adigu khasab kuguma ahan in aad midaasi fahantid.
Mida muhiimka ahi waxay tahay in ay saaxiibtaadu weli tahay qofkii ay awolba ahayd.
Waxaa dhici karta in aad ka cabsanaysid in aad adigu tahay qofka ay jeceshahay.
Laakiin midaasi inta baddan ma ahan mid run ah.
Weli waxaad saaxiibo u ahaan kartiin sidii caadiga ahayd.
Dhagayso oona isla baashaala ama isla sameeya waxyaabo madadaalo ah.
Saaxiibtaada weligeeda waxay ahaanaysaa saaxiibtaada.
Waa wax fiican in la lahaado saaxiib wanaagsan.

Anigu waxaan ahay gabar 16-sanno-jir ah waxaana sameeyay galmo mana ihi bikrad. Qoyskayga midaan waxaa looga tixgeliyaa ku xad gudub sharafeed. Waxaan ka cabsanayaa qoyskayga in ay midaasi oggaadan. Maxaan sameeyaa?

Midaan waa in ay tahay xaalad adiga murug kuu leh.
Sidaas darteeda waa muhiim in aad fahantid in
sharaftu ay leedahay macno kala duwan hadba dhaqanka qofka ayay ku xirantahay.

Dalka Jarmalka, qofka waxaa loogu tixgelinayaa in uu yahay qof aanan sharaf lahayn
haddii aanan ixtiraamin sharciyada iyo xeerarka dalka u yaala
ama haddii ay garaacaan ama kufsadaan haweenay ama carruur.
Waa sharaf in la caawiyo qof caawimaad iyo ilaalin u baahan.

Dhaqamada qaarkooda dadku waxay u fahmaan sharaftu si kale.
Mararka qaar sharaftu macnaheedu waxay tahay in gabadhu ay ahaato mid bikrad ah illaa ay ka guursato.
Ama in gabdhaha iyo wiilasha ay guursadaan qof ay qoysaskooda u doortaan.
Laakiin go’aanadaan waa in aad adiga kaligaaga qaadatid.
Waa adiga xaqaaqa shakhsiyeed!
Qofna looma oggola in uu ku xad gudbo xuquuqahaaga.

Waxaad heli kartaa caawimaad haddii qoyskaaga uu sida kale u fikiro oona cadaadis ku geliyo.
Ma ahan mid wanaagsan in waalidkaaga cadaadis kugu geliyo ama kugu saaro bikronimadaada darteeda.
Waxaad caawimaad ka heli kartaa tooska boggagaan internetka ah:

http://www.scheherazade-hilft.de/

http://www.imma.de/einrichtungen/fachstelle-zwangsheirat/kontakt.html

https://profamilia.sextra.de/pages/sextra/beratung/onlineberatung/fragen/

http://www.fpz-berlin.de/

Anigu waxaan ahay wiil 13-sanno-jir ah inta lagu guda jiray safarkii aan usoo socday waddankan waxaan la safray labbo nin. Waxay igu sameeyeen waxyaabo la yaq-yaqsado. Anigu hadda miyaan ahay khaniis?

Khaniisnimadu waa qof jacayl qofkale oo noociisa ah.

Wiil jacayl wiil kale.
Ama gabar jacayl gabar kale.
Dadkaan waxay samayn karaan galmo haddii ay sidaasi doonayaan.
Khaniisnimadu sidoo kale waxaa lagu magacaabaa khaniis haddii ay tahay mid ka dhaxaysa wiilasha dhexdooda khaniisad haddii ay tahay mid ka dhaxaysa gabdhaha dhexdooda.

Adigu ma doonaysid in aad samaysid waxyaabahaan.
Midaan waxaa lagu magacaabaa xad gudub galmo.
Midaan waa mid mamnuuc ah. Dadka waawayn ee ku xad gudba carruurta waxaa loo ciqaabi karaa si aad u daran.

Akhri sheekadan gaaban.
Waxaad fuushay geed kadibna waxaad ku fadhiisatay laanta geedka.
Si kedis ah nin ayaa soo fuulay geedkii kadibna kaa riday laantii aad ku fadhiday.
Dhaawac ayaa ku gaaray waadna xanuunsatay.
Ma ahan adiga khaladkaaga in aad soo dhacday.
Balse waa ninka kusoo riday.
Haddana markale ayaad fuushay geedkii. Meeshii cidna ma saarna.
Kama soo dhicin laanta geedka.
Waad ku fadhin kartaa laantaasi ama waxaad fuuli kartaa laan kale.
Macnaheedu ma ahan in halmar lagu soo riday, in aad markasta kasoo dhacaysid geedka.

Midaana macnaheedu wuxuu yahay in xad gudubka galmo ee uu nin kugu sameeyo aadan kaa dhigaynin in aad noqotid khaniis.
Adiga ayaa nafsadaada u oggaan doona hadhow dambe haddii aad tahay khaniis ama haddii aadan ahaynba.
Waxaad oggaan doontaa marka aad qof jeclaatid.

Waxaa jira waardiye wanaagsan oo ka shaqeeya meesha aan deganahay. Wuu i caawiyaa wuxuuna ii fududeeyaa in aan wax baddan sameeyo. Laakiin shalay wuxuu si ku cel-celis ah u taabtay jirkayga. Anigu midaasi ma jeclaysan. Maxaa ila gudboon in aan sameeyo?

Waxaa dhici karta in aad is tiri
in waardiyaha uu adiga ku gaad-gaadayo.
Wuu ku caawiyaa wax baddan wuu kuu fududeeyaa in aad samaysid.
Waxaa dhici karta in uusan markale ku caawinin haddii aad ka dacwootid.
Ma garanaysid qofka aad arintaasi kala hadlaysid.

Haddii uu waardiyahu ku caawinayo midaasi waa asaga go’aankiisa.
Laakiin ma ahan mid wanaagsan haddii uu sameeyo wax aadan adigu jeclayn.
Waa adiga qofka go’aansanaya qofka adiga ku taabanaya.

Waxaa jira dad baddan oo ku caawin kara.
Adiga kaliya waxaad u baahantahay in aad u mahad celisid wax intaas ka badana majiraan.
Haddii uu qof u rabbo in uu si daacadnimo ah kuu caawiyo,
kuguma samaynayo wax aadan adigu jeclayn.

Way wanaagsantahay in aad qof kala hadashid arinta.
Waxaad la hadli kartaa shaqaalayaasha bulshada jooga meesha aad degantahay.
Ama la hadal dadka jooga xarunta la talinta.
Ka raadi tallo tooska boggagaan internetka:
http://www.zanzu.de/de/hilfe-beratung

https://www.hilfeportal-missbrauch.de/nc/adressen/hilfe-in-ihrer-naehe/kartensuche.html?tx_nxshelpdesk_helpdesk[institutionType]=21