Inbaddan oo kamid ah saaxiibadayda waxay daawadaan filimaan galmo ah. Anigu waxaan ahay wiil 14-sanno-jir ah waxaana ku raaxaystaa daawashada filimaantaasi. Sidoo kale waxaan jeclahay in aan daawado filimaantaan. Laakiin saaxiibadaydu waxay dhahaan waa in ay ahaato mid sir ah. Oo aanan waxna u sheegin dadka waaweyn. Maxay sidaasi u tahay?

Dhalinyarada ay ka yartahay da’doodu 18 sanno looma oggola in ay daawadaan filimaanta galmada ah.
Sidoo kale dadka waaweyn waa in aysan u oggolaanin dhalinyarada yar-yar in ay filimaantaasi daawadaan.
Waa mid sharci daro ah.

Sharciga waxaa loo dejiyay si uu u ilaaliyo gabdhaha iyo wiilashaba.
Dhalinyaradu waxay baranayaan khibrada galmo markii ugu horaysay.
Waa in ay ayagu oggaadaan waxa ay jecelyihiin.
Waxa ayaga ku habboon.
Iyo waxa aanan ku habboonayn.
Filimaanta galmada midaasi ayay saamayn ku yeelan karaan.

Dhalinyarada waxaa dhici karta in ay hore u lahaayeen waxyar oo khibrad ah oo galmada ku saabsan.
Sidaas darteeda filimaanta galmadu waa kuwo wareer leh.
Filimadaan kaliya waxay muujiyaan galmo lagu sameeyay kaamarada horteeda.
Dadka iyo dareemahoodu waa kuwo inta baddan aanan ahmiyad ku lahayn filimaantaan.
Laakiin dhalinyarada qaarkooda waxaa dhici karta in ay nafsadooda bar-bardhig kula sameeyaan dadkaan filimaanta jilaaya.
Waxa ay dadkaan sameeyaan waxaa dhici karta in aysan adiga kugu habboonayn.
Iskaba dhaaf waxaa dhici karta in aad dareentid dembi marka aad daawatid filimaantaan.
Sidaas darteeda dhalinyaradu waa in aysan daawanin filimaanta galmada ah.

Anigu waxaan ahay wiil 16-sanno-jir ah waxaana galmo la sameeyay saaxiibtayda. Waxaana kasoo bixiyaa xubinkayga taranka xubinkeeda taranka kahor inta aan biyo iga imaanin. Waxaana kaliya galmo samaynaa waxyar kadib marka uu dhiiga caadada ka istaago. Ama waxyar kahor inta aan la gaarin muddada dhiigeeda caadada ee xigta. Ma dhici kartaa in ay weli uur qaado?

Haa saaxiibtaada weli waxay qaadi kartaa uur.
Waxa aad samaysid waxaa lagu magacaabaa “joojinta galmada”.
Midaana macnaheedu waxay tahay galmo la isku gooyay.
Laakiin weli minidu waxay geli kartaa xubinka taranka saaxiibtaada.
Qaar kamid ah minida waxay kasoo baxaan xubinkaaga taranka kahor inta aadan biyo bixin.
Adigu ma oggaanaysid.
Adigu kama hortagi kartid.
Minidaan waxay rimin kartaa ukunta.
Saaxiibtaadana waxay qaadi kartaa uur.

Ugxanta inta baddan waxay dhacdaa bartamaha inta u dhaxaysa labbo dhiig caado.
Laakiin inbaddan oo dumarka kamid ah ukuntooda waxay weynaataa wakhtiyo kale.
Goormee saaxiibtaada samaysaa ukunta?
Ayadu ma oggaan karto dhab ahaantii.
Inbaddan oo gabdhaha kamid ahi waxay qabaan muddooyin dhiig caado aan caadi ahayn.
Caadada dhiiga ma ahan mid marwalba imaanaysa isku wakhti.

Waxaad u tagi kartaan idinka oo isla jira dhakhtarka dumarka.
Ayada/asaga ayaa idin siin kara tallo ku saabsan kahortaga uurka.

Anigu waxaan ahay gabar 17-sanno-jir ah waxaana shalay galmo la sameeyay saaxiibkayga markii ugu horaysay. Waxaan jeclaystay in aan ka qubeysto kadib galmada, sababtoo ah waxaan doonayaa in aan nadiif ahaado. Laakiin ma hubi in uu saaxiibkayga midaasi u arkayo in ay tahay dabaalnimo iyo inkale. Dadka kale maxay sameeyaan?

Waa caadi in aad sidaan u fikirtid.
Gaar ahaan marka aadan ahayn qof khibrad baddan arintaas u leh.
Fikradahaaga ku saabsan nadaafada kadib galmada waa kuwo sax ah.

Laakiin waxaad xoogaa sii joogi kartaa sariirta si aad u heshid habsiin.
Kadibna aad musqusha si aad usoo qubaysatid.

Hareeraha xubinka taranka dumarka waa meel xasaasi ah.
Dhakhtaradu waxay dhahaan in ay dumarku waajib ku tahay in ay aadaan musqusha kadib galmada.
Gudaha 30 daqiiqado.
Sababtoo ah ilinka kaadida wuxuu qaadi karaa caabuq.
Midaas oo horseedaysa in caabuq ku dhaco kaadihaysta.
Sidaas darteeda waa muhiim in aanan la sugin muddo dheer kadib galmada.

Dadku way kala duwanyihiin qofkastana wuxuu sameeyaa waxyaabo kala duwan.
Adigu waad ogtahay jirkaaga.
Samee waxa adiga kuu wanaagsan.
Arintaana waxaad kala hadli kartaa saaxiibkaaga.
Kadibna wuu fahmi doonaa sababta aad u kacdid una aadid musqusha kadib galmada.

Dhammaan saaxiibadaydu waxay ku jiraan barnaamijka Lovoo. Maxay tahay midaasi?

Lovoo waa barnaamij la isku shukaansado.
Barnaamijka la isku shukaansado waa barnaamij ay dadku ku kulmaan kadibna meeshaasi isku shukaansadaan.
Waxaad dadkale kula kulmi kartaa tooska teleefoonkaaga gacanta casriga ah.
Waxaad arkaysaa sawirka qof uu leeyahay kadibna wax ayaad u qoraysaa.
Waxaa jira barnaamijyo shukaansi baddan oo kala duwan.

Waxaad kala kulmi kartaa saaxiibo baddan barnaamijka Lovoo.
Ama waxaad ku samayn kartaa xiriir.
Waxaad iskugu diiwaan gelin kartaa barnaamijka Lovoo si bilaash ah oo aan lacag ahayn.
Laakiin waa in ay da’daadu tahay 17 sanno jir.
Muhiim ah: Qaar kamid ah adeegaha uu bixiyo barnaamijka Lovoo waa kuwo lacag ah.

Dadka qaar waxay u isticmaalaan barnaamijyada shukaansiga sababo kale.
Waxaa dhici karta in ay ku dhagraan.
Ama waxaa dhici karta (kaliya) in ay doonayaan in ay galmo kula sameeyaan.
Sidoo kale mararka qaar waxay ka been sheegaan da’dooda.

Haddii aad doonaysid in aad qof la kulantid:
Kula kulan meel ay dadkale joogaan.
U sheeg waxa aad doonaysid iyo waxa aadan doonaynin.
Raadso caawimaad haddii aad dareentid in ay wax khaldanyihiin.

Anigu waxaan ahay 15 sanno jir. Waxaan lahaa uur waana joojiyay uurka. Dadka kale ee jooga iskuulka waxay igu dhahaan in aan ahay qof dilaa ah, oona dilay ilmahayga.

Adigu weli ma doonaynin in aad ilmo dhashid.
Waxaadna go’aansatay in aad ilmaha iska soo ridid.
Midaasi waa adiga xaqaaga.
In ilmaha la iska soo rido ma ahan mid lagu noqonayo qof dilaa ah.
Dalka Jarmalka waxaa ka jira xeerar ku saabsan marka aad ilmaha iska soo ridi kartid.
Marka ay banaantahay?
Marka ay reebantahay?

Dadka kale adiga kuma fahmayaan.
Waxaa dhici karta in ay doonayaan in ay oggaadaan sababta aad sidaasi u samaysay

Waxaad ku dhihi kartaa:
Anigu ma jecli waxa aad sheegaysaan.
Waxa aad sheegaysaan waa hadalo i dhaawacaya.

Sidoo kale waxaad u sharxi kartaa sababta aad sidaasi u samaysay.
Kadib waxaa dhici karta in ay ku fahmaan.

Laakiin adiga khasab kuguma ahan in aad wax walba u sharaxdid.

Anigu waxaan ahay gabar 16-sanno jir waxaana saaxiibo la ahay daryeelahayga. Mararka qaar waxaan la aadaa keligeena dabaal. Daryeelayaasha kale waxay u maleeyaan in ay midaani tahay arin aan wanaagsanayn waxayna doonayaan in ay iga celiyaan. Maxay sidaasi u samaynayaan?

Daryeelahaagu waxay haysataa shaqo.
Shaqadaasi ayadu waxay ka warhaynaysaa gabdhaha iyo wiilasha kooxda guud ahaan.
Ayada waxaa looga baahanyahay in ay ka warhayso dhammaan dhallinyarada.

In ay adiga saaxiib kula noqoto waxay ka dhigantahay in:
Ay adiga gaar ahaan kuu taqaano si wanaagsan.
Ama in ay adiga kaa jeceshahay kuwa kale.
Midaasna waxay sababaysaa in ay kuwa kale kacaan.
Qof ayaa u malayn kara
in daryeelahaagu ay tahay qof aan cadaalad u samaynaynin dhallinyarada kale.

Saaxiibtinimadu sidoo kale waa in ay noqotaa mid loo simanyahay.
Laakiin daryeelahaagu waxay adiga kuu samayn kartaa go’aanada.
Midaasna macnaheedu waxay tahay in aadan la sinayn kuwa kale.
Dalka Jarmalka saaxiibtinimada noocaas ah waxay ka tahay “qof aan xirfad lahayn”.

Midaasna macnaheedu waxay tahay
in daryeelahaagu ay kala saarto shaqadeeda iyo nolosheeda gaarka ah.

Anigu waxaan ahay gabar 13 sanno jir ah waxaana jeclahay in aan u diro saaxiibkayga dhabta ah sawirkayga oo qaawan. Anigu gebi ahaanba waan qaawanahay. Laakiin qof iskuulka jooga ayaa igu yiri midaasi in ay tahay “filimada xun ama galmada ah ee ilmaha”. Miyaa la igu ciqaabayaa arintaasi?

Maya, adigu lama kulmi doontid wax ciqaab sharci ah.

Maadaama aad tahay ilmo weli ma aadan gaarin da’da “mas’uuliyada dembiga” illaa aad ka gaartid da’da 14.

Da’da 13 sanno jir adigu lagaama ciqaabi doono dhinaca sharciga.

Kaliya waalidiintaada ama dadka mas’uulka kaa ah ayaa kaa celin kara in aad sidaas samaysid.

Si kastaba, waxaa jira dhowr waxyaabood oo ay tahay in aad tixgelisid ama oggaatid.

Tusaale ahaan, saaxiibkaaga waa la ciqaabi karaa

haddii uu asaga yahay mid jira 14 sanno ama ka weyn, maadaam uusan ahayn ilmo.

Mararka qaar sawiradu waxay u yihiin sharci daro sababtoo ah adiga ayaa ah kaliya 13 sanno jir.

Sidaan waxay xaaladu tahay haddii:

  • Sawirku tusinaayo qof ka yar 14 sanno qofkaasi uu samaynaya galmo.
  • Sawirku tusinaayo aasaasi ahaan naasaha ama meesha lugaha gudahooda ah

Ayada oo aan la eegaynin da’da, waa sharci daro haddii:

  • Qof lala hadlo ama lagu khasbo in sawirka laga qaato.
  • Sawirka noocaan ah waa midka loo diro qof aanan doonaynin.

Sidoo kale waa sharci daro

in loo diro sawirka noocaan ah qof kale ayada oo aan oggolaansho laga haysanin.

Laakiin midaasi mararka qaar way dhacdaa.

Haddii aad u baahantahay in arintan laguugu caawiyo, waxaad qof kala xiriiri kartaa halkan:

http://www.nina-info.de/save-me-online/kontakt-beratung.html

Halkan dadku waxay inbaddan ka hadlaan galmada. Anigu waxaan ahay wiil 15-sanno-jir ah waxaana u malaynayaa in aysan qofna waxba ka galin. Maxay dadka oo dhan uga hadlaan waxyaabaha ku saabsan galmada?

Galmadu waa arin aad shakhsi ah.
Inbaddan oo dadka kamid ahi ma doonayaan in ay ka hadlaan.
Laakiin dhallinyaro baddan waxay qabbaan su’aalooyin.
Ayagu ma hubbaan mana ogga wax walba.
Aad ayay muhiim kuugu tahay in aad oggaatid
in ay dhici karto in aad weydiisid su’aalo.
Laakiin khasab kuguma ahan in aad qofkasta kala hadashid waxyaabaha ku saabsan galmada.

Mararka qaar way wanaagsantahay in laga hadlo.
Waxaa jira sababo baddan oo kaa dhigaya in aad ka hadashid galmada:
Dhallinyaradu waxay la kulmayaan waxyaabo baddan oo cusub.
Waxay jeclaan karaan in ay arimahaasi la wadaagaan dhallinyaro kale.
Waxay noqon kartaa mid aad xiiso u leh!

Inbadda oo kamid ah dadka waaweyn waxay ka jawaabi karaan su’aalaha ay weydiiyaan dhallinyarada.
Waxay siin karaan macluumaad
Waxay doonayaan in ay caawiyaan.
Dhallinyaradu waa in ay dareemaan in:
Ay kala hadli karaan waxyaabaha wanaagsan iyo waxyaabaha aan wanaagsanaynba dadka waaweyn.
Waxay weydiin karaan su’aalooyin ku saabsan jirkooda iyo galmada.
Waxay heli karaan caawimaad marka ay u baahdaan.

Anigu waxaan ahay gabar jirta-14-sanno waxaana maqlay in gabdho kale oo iskuulka dhigta ay sameeyeen tallaalka HPV. Maxay tahay midaasi? Anigana miyaan u baahanahay?

HPV waxaa laga soo gaabiyay “Fayraska Banii’aadamka Ee Papilloma”.
Fayrasyadu waxay keenaan cuduro.
Cudurada uu keeno HPV waxaa kamid ah:
“Kansarka afka-ilmagaleenka” iyo “burooyinka xubinta taranka”.
Kansarka afka-ilmagaleenka waa cudur halis ah oo jirka ku dhaca.
Afka-ilmagaleenka waa qayb kamid ah jirka dumarka midkaas oo ku xira dusha sare ee xubinta taranka.
Burooyinka xubinta taranka waxay u egyihiin sida qanjiro leh midabka buniga ah ama caddaanka.
Mararka qaar burooyinku waa kuwo sameeya cun-cun ama gubasho.

HPV waxaa loogu gudbin karaa dadka kale tooska galmada.
Inbaddan oo kamid ah dumarka iyo nimanka waxaa ku dhaca HPV inta ay noolyihiin.
Laakiin ma ahan mid qofkasta uu fayraska isku bedelo cudur.
“tallaal” ayaa kaa celin kara in aad xanuunsatid ama cudurka uu kugu dhaco.
“tallaalku” waa irbad laguugu duro oo ka hortagta cudurka.
Irbadaan waxay ku caawinaysaa jirkaaga in uu la dagaalamo fayraska.
Waxaan arintaan weydiin kartaa dhakhtarkaaga dumarka.
Waxay kugu caawin kartaa in aad go’aan gaartid.
Waxay kugu samayn kartaa tallaal.
Waxaa wanaagsan in lagu tallaalo kahor inta aadan marka hore samaynin galmo.
Tallaalka lagu daaweeyo HPV waa mid bilaash ama lacag la’aan ah.

Anigu waxaan ahay gabar 13-sanno jir ah qoyskaygana waxay doonayaan in ay “gudniin igu sameeyaan”. Anigu waan cabsanayaa. Qoyskaygu ma maqlayaan warkayga. Qofkeen la hadli karaa?

Adiga oo kaliya kuguma koobna arintaan.
Inbaddan oo gabdhaha kamid ahi waxay ka cabsadaan “gudniinka” (sidoo kale loogu yeero “gudniinka gabdhaha” ama “gudniinka xubinka taranka gabdhaha”).
Inbaddan oo gabdhaha kamid ahi ma jecla in gudniin lagu sameeyo.
Inbaddan oo qoysaska kamid ahina ma ogga in gudniinka uu dhibaato u gaysan karo caafimaadka gabadha.
Gudniinku wuxuu ka yahay dalka Jarmalka mid aan sharci ahayn.

Qaar kamid ah gabdhaha way ku adagtahay in ay dad kala hadlaan gudniinka.
Waa kuwo xishooda ama ma garanayaan waxa ay dhahaan.
Kuwo kalena ma helayaan ereyo ku habboon oo ay sheegaan.
Dareemuhu marwalba waa kuwo caadi ah.

Waxaa jira xarumo latalin kuwaas oo kugu caawin kara arintan.
Meelo ay gabdhuhu kula hadli karaan dumar kale oo waaweyn.
Waxay kala hadli karaan cabsidooda, xishoodkooda iyo wixii kale oo dareemo ah.
Dumarka halkaasi jooga ma eedeeyaan gabdhaha ayaga u yimaada.
Ayagu kaliya waxay doonayaan in ay gabdhaha caawiyaan.
Waxaad u sheegi kartaa dumarkaasi waxa aad u baahantahay.

Gudaha Munich, tusaale ahaan, xarunta latalinta waxaa lagu magacaabaa Wüstenrose (PDF 3,3 MB).