Anigu waxaan ahay gabar 17-sanno jir ah waxaana jeclahay in aan maalin noqdo hooyo. Laakiin qoyskaygu midaasi ma doonayaan. Waxaa igu adag in aan wax cusub barto. Sidaas darteeda waa in aanan hooyo noqonin. Waxaan u malaynaa midaasi in ay tahay mid aanan cadaalad ahayn. Miyay tahay in aanan noqonin hooyo marka aan weynaado?

Waxaad u baahantahay in aad midaan kala hadashid qoyskaaga.
Waxaad heli kartaa caawimaad ku saabsan sida aad midaan u samaynaysid.
Waxaa laga yaabaa in aad caawimaad ka heshid qof weyn oo aad ku kalsoontahay.
Sidoo kale waxaa jira meelo lagu-magacaabo xarumaha latalinta meelahaas oo aad ka heli kartid caawimaad.

Gudaha dalka Jarmalka haweenay kasta waxay noqon kartaa hooyo.
Laakiin khasab kuguma ahan in aad hooyo noqotid.
Go’aanku ma ahan mid fudud.
Adiga weli waxaad tahay qof aad u yar.
Weli waxaad haysataa wakhti baddan si aad go’aankaasi u qaadatid.
Waa arin wanaagsan in aad wakhtigaaga qaadatid si aad u gaartid go’aankan.

Xarumaha latalinta waxay sidoo kale kugu caawin karaan in aad go’aanka qaadatid.
Haddii aad noqotid hooyo, weligaaga waxaad ahaanaysaa hooyo.
In aad hooyo noqotid ma ahan arin fudud.
Waxaad caawimaad ka heli kartaa: http://www.behinderte-eltern.de/Papoo_CMS/index.php?menuid=98
Ilmaha wuxuu qaataa wakhti iyo lacag aad u baddan.
Ilmahaaga waa in uu ficnaadaa.
Ilmahaaga sidoo kale waa in uu noqdaa mid faraxsan.
Waa arin wanaagsan marka ay dadku kugu caawiyaan in aad midaan samaysid.

https://refu-tips.de/en/my-friend-told-me-that-he-ejaculated-what-does-that-mean/

Manidu waa biyo dheecaan adag.
Dheecaankan wuxuu ka yimaadaa xubinka taranka ninmka.
Midaana waxay dhacdaan marka uu ninku siigaysto.
Maqaalkan wuxuu kuu sheegayaa waxa uu yahay siigaysigu

https://refu-tips.de/so/saaxiibkayga-ayaa-ii-sheegay-in-uu-siigaystay-maxaa-laga-waddaa-midaasi/

Haddii aad liqdid manida ma noqonaysid qof midaasi uur ku qaada.
Laakiin manidu waxay sidi kartaa cuduro.
Xitaa marka manida la liqo.
Haddii aadan hubin in wiilka saaxiibkaaga ahi uu yahay mid caafimaadkiisu fiicanyahay, waxaa wanaagsan in aadan liqin manidiisa.

Manidu qofkasta waxay ugu dhadhamaysaa si gooni ah.
Dadka qaar way jecelyihiin dhadhanka.
Dadka qaarna manidu waxay u arkaan wax lagu yaq-yaqsado.
Dhammaan wax dhib ah malahan.

Adigu khasab kuguma ahan in aad liqdid manida.
Mana jiro qof kugu khasbi kara in aad liqdid manida.
Xitaa wiilka saaxiibkaaga ah.

Anigu waxaan ahay wiil 16-sanno jir ah waxaana isticmaalaa kursiga curyaanka. Waxaan jeclahay in aan banaanka la baxo saaxiibadayda. Waxay igu dhahaan in aanan samayn karin wax galmo ah. Maadaama aan ahay qof ku socda kursiga curyaanka. Waxay dhahaan in aan anigu ahayn nin dabiici ah. Anigu ma hubi arintaasi. Run miyaa midaasi?

Maya, midaasi ma ahan mid run ah.
Ma jiraan wax la yiraahdo nin “dabiici ah”.
Dadku waa kuwo kala duwan – nimanka iyo wiilashana waa sidaas oo kale.
Ninku wuxuu noqon karaa mid weyn ama mid yar.
Ninku wuxuu jeclaan karaa niman ama dumar.
Ninku wuxuu ku socon karaa kursiga curyaanka.
Nin kasta waa mid kaduwan midka kale.
Wax dhib ah malahan in aad ku socotid kursiga curyaanka.

Sidoo kale waxaa jira noocyo kala duwan oo galmo ah.
Galmada ninka iyo gabadha ay sameeyaan waa kaliya hal qaab oo galmada kamid ah.
Galmada ninka iyo gabadha ay sameeyaan waa marka uu xubinka taranka ninka uu galo xubinka taranka gabadha ama futada.
Sidoo kale waxaa jira qaabab kale oo baddan oo galmada loo sameeyo.
Waxa saxda ah waa waxa labada qofba ay ku faraxsanyihiin in ay wada sameeyaan.

Marka hore oggoow meesha aad jeceshahay in lagaa taabto.
Ugu sheeg gabadha saaxiibtaada ah ama wiilka saaxiibkaaga ah si daacad ah waxa aad jeceshahay.
Weydii asaga ama ayada waxa uu jecelyahay ama ay jeceshahay.
Si wada jir waxaad nafsadiina uga dhigi kartaan in aad si fiican dareentiin.

Anigu waxaan ahay wiil 17-sanno jir ah waxaana ku wareersanahay haddii aan isticmaali karo isla kandomka labbo jeer?

Maya, ma isticmaali kartid.
Haddii aad kandomka gelisid xubinka mar labaad, manidu waxay si kedis ah ugu soo baxaysaa dibada kandomka.
Kadibna manidu waxay geli kartaa xubinka taranka haweenayda.
Markaasi haweenaydu uur ayay qaadi kartaa.

Waxaynu kuu haynaa xoogaa nasteexooyin ah:
Kaliya isticmaal kandomyada aad kasoo saartid baakada xiran.
Ha isticmaalin kandomka haddii…
Baakadu ay dilaacsantahay ama furantahay.
Kandomku dilaacsanyahay.
Taariikhda dhicitaanka la dhaafay.
Aad siigaysatid.
Ay khasab kugu tahay in aad markale hoos ugu soo jiidid kandomka dhinaca xubinka taranka.
Aan kandomku ula ekayn si sax ah xubinka taranka.
Markaasi waxaa khasa kugu ah in aad tuurtid kandomka.

Waxaad soo iibsan kartaa kandomyo baddan hal mar.
Kandomyada raqiiska ah waxaa lagu iibiyaa dukaamada daawooyinka lagu gado.
In lasoo iibsado kandomyadu waa arin caadi ah.
Waxaad muujinaysaa in aad qaadaysid mas’uuliyada.
Adigu uma baahnid in aad midaasi ka xishootid!

Wiilka saaxiibkayga ah oo (17) jir ah waa mid curyaan ka ah hoosta dambe. Shalay wuxuu ii sheegay in ay hooyadiisu ka xiirto timaha ku baxa hoosta aaga xubnaha taranka. Midaas oo ay sabab u tahay nadaafada uu sharciga Islaamku amrayo. Maxaa laga wadaa midaasi? Muhiim miyay tahay in loo xiiro timaha?

Sharciga nadaafada macnaheedu waxay tahay in nadiif la ahaado, sida ay diintu amartay.
Islaamku wuxuu sheegayaa in qofka Muslimka ahi uu ahaado qof nadiif ah marka uu tukanayo.
Wiilka saaxiibkaaga ah waa wiil jir ahaan naafo u ah.
Waxaa dhici karta in uusan awoodin in uu tukado.
Haddii uu tukan karo, markaasi waxaa laga yaabaa in uu asaga iska xiiro timaha hoose.

Haddii uu yahay qof diin leh, waa in uu u hoggaansamo sharciyada diinta.
Midaasna waa mid uu asaga uun go’aansan karo.
Sidoo kale asaga wuxuu go’aansan karaa marka uu rabo in loo xiiro timaha.
Laakiin asaga ma ahan qof Muslim xun ah haddii uusan iska xiirin timaha hoose.
Waxaa dhici karta in uusan ku faraxsanayn in ay hooyadiisa ka xiirto timaha hoose.
Asaga ayaa go’aansanaya qofka ka xiiraya timaha hoose.

Wiilka saaxiibkaaga ah wuxuu leeyahay xuquuqo shakhsiyeed.
Midaasna macnaheedu waxay tahay in uu asaga go’aansanayo waxyaabaha jirkiisa ku saabsan.
Oona qofna ku khasbi karin in uu sameeyo waxyaabo uusan ku faraxsanayn.
Ma ahan xitaa in uu yahay qof naafo ah.

Aniga (oo ah 15 sano jir) waxaan u diray saaxiibkey sawir aan xiranahay hoosgashi.Wuxuu tusiyay sawirka saaxiib.Saaxiibkaas wuxuu u diray sawirka dad badan oo ardayda fasalkayga ah.Maxaa ila gudboon in aan hadda sameeyo?

Waxaa laga yaabaa in aad ka baqayso waxa dadka kale ay kuu qaadan karaan.
Waxaa laga yaabaa in aad ka niyad-jabtay ama in aad u xanaaqday saaxiibkaaga.
Looma baahan in aad kaligaa wax ka qabato walwalkaaga!
Waa kuma qofka weyn ee aad ku kalsoon tahay?
Kala hadal qofkaasi.
Waxaa laga yaabaa in uu ku caawin karo.

Muhiim ah in la ogaado:
Qofna looma oggola in uu diro sawirkaaga adiga oo aan oggolaan.
Waxaad ka raadin kartaa sawirkaaga internet-ka.
Geli magacaaga Google.
Haddii aad ku aragto sawirka bog internet:
La xiriir bogga internet-ka.
U sheeg:Sawirkaasi waa in la tirtiro.Aniga ayaa iska leh.
U sheeg ardayda aad isku fasalka tihiin:
Sawirkaasi looma baahnayn in la diro.
Caawinaad ka raadso qof aad ku kalsoon tahay.
Haddii aad doonayso in aad kala hadasho qof kale ama aad su’aalo qabto:
Waxaad talo ka heli kartaa www.save-me-online.de.
Talada waa lacag la’aan loomana baahna in aad magacaaga sheegto.

Aniga (oo ah 14 sano jir) aad ayaan u murugaysanahay.Waxaan ka fakara waxyaabo hore.Mararka qaarkood taasi ayaa iga dhigta in aan cabsado.Mararka qaarkood ma aqaano sida aan ula sii noolaan doono.Balse waxaan ka cabsi qabaa in aan kala hadlo waalidiintayda.Yaa i caawin kara?

Dad badan ayaa dareemaya isla sida aad dareento:
Ma oga sida ay ula noolan karaan cabsi iyo murugo.
Waxaa laga yaabaa in aysan iloowi karin waxyaabo horay ugu soo dhacay.
Waqtiyadaas oo kale, waxaad u baahan tahay caawimo.

Haddii aad ka cabsi qabto in aad kala hadasho qof adiga kugu dhow:
Markaas waxaa jira khadka tooska ah ee “Krisen-Dienst Psychiatrie” (Adeegga Dhibaatooyinka Xannuunka Maskaxda).
Khadka tooska ah waa lambar telefoon oo loogu talogalay xaalado gaar ah.
Waxaad waci kartaa marka aad dhibaato ku jirto.
Waxaad waci kartaa marka aad murugo dareento.

Waxaad ka waci kartaa khadka tooska ah teleefoon lambarka 0180 / 655 3000.
Waxaad waci kartaa lambarkaas min 9:00 ilaa 24:00.
Waalidiintaadu ma aha in ay ogaadaan.
Fadlan wac lambarkaasi.

Shaqaalaha teleefoonka ka jawaaba way ku dhageysan doonaan.
Way kula shaqayn doonaan si ay u go’aamiyaan waxa aad u baahan tahay.
Waxaan rajaynayaa, in ay ku caawin doonaan.

(13, wiil) Shaley dugsiga, waxaan ku qaadanay fasalka waxbarashada galmada.Macalinka wuxuu ina tusiyay gus ka sameysan alwaax iyo jeexa sare ee siilka oo dhar ka sameysan.Waxay na tusiyeen sida ay xubnahaasi u shaqeeyaan.Waxaa la naga filayay in aanu taabano.Saaxiib ayaa igu yiri:Waa dembi.Laguuma oggola in aad waxyaabahaasi taabatoRun miyaa midaasi?

Agabka loogu talogalay fasallada waxbarashada galmada inta badan waxaa loogu talogalay taabasho iyo barasho.
Hadafka laga leeyahay waa:
In gabdhaha iyo wiilasha ay tahay in ay ogaadaan oo ay bartaan xubnahooda galmada.
Gabdhaha iyo wiilasha waa in ay ogaadaan:
Sidee ayay u shaqeeyaan xubnahooda galmada?
Waa muhiim in carruurta iyo dhallinyarada la wargeliyo.
Waa in ay bartaan jirkooda.

Dadka qaarkood waxaa laga yaabaa in ay ka baqaan taabashada waxyaabahaasi oo kale.
Waxaa laga yaabaa in aysan u baran in ay ka hadlaan xubnaha galmada.
Xaaraan ama dembi ma aha in macluumaad la helo.
Ma jiro kitaab barakeysan oo sheegaya:
In aan laguu oggolayn in aad taabato waxyaabahan.

Ogaanshaha jirka iyo xubnaha galmada way ku caawin karaan:
Waxay kaa caawin karaan in aad iska difaacdo cudurrada qaarkood.
Waxay ku caawin karaan dumarka in aysan uur qaadin marka ay rabaan in aysan qaadin.
Waxay kaa caawin karaan ka hortagga macluumaadka beenta ah iyo quraafaadka.
Waxay gacan ka geysan karaan in qofna aan been u sheegiin gabdhaha iyo wiilasha.

Saaxiibtayda waxay ii sheegtay:In ay isticmaasho “faraantiga ka hortagga uurka”.Weligay ma aanan maqlin.Waa maxay?Sidee ayuu u shaqeeyaa?

Faraatiga ka hortagga uurka waa wax looga hortaggo uurka – sida kiniiniga oo kale.
Faraatiga wuxuu jirka ku siidaayaa hoormoon.
Hoormoontan waxaa loogu talogalay in ay ka hortagto uurka.
Takhtaradaada dumarka ayaa warqad daawo ama rijeeto kuu qori karta.
Adiga oo isticmaalaya rijeetada, waxaad ka qaadan kartaa faraatiga ka hortagga uurka farmashiga.

Waa in aad geliso faraatiga ka hortagga uurka siilka.
Faraatiga ka hortagga uurka wuxuu halkaasi ku jirayaa saddex toddobaad.
Markaas ka-dib, waxaad ka saareysaa faraatiga ka hortagga uurka siilkaaga.
Waxaad sugeysaa toddobo maalmood ka-dibna geli faraatiga ka hortagga uurka oo cusub.
Waxaa wanaagsan in aad geliso xasuusin kalandaariyahaaga.

Muhiim ah:Hoormoonta waxaa ay kugu reebi kartaa saameyn aan wanaagsanayn.
Takhtaradaada dumarka ayaa ku siin karta talo arrintan ku saabsan.
Sidee ayaad u gashaneysaa faraatiga ka hortagga uurka?
Marka hore, raadso boos aad raaxo ku qabto.
Waad kada-loobsan kartaa.
Ama waxaad hal lug saari kartaa geeska baafka qubeyska.
Waxaa ku majuujisaa faraatiga suulkaaga iyo fartaada murugsatada.
Hadda ku riix faraatiga ka hortagga siilkaaga.
Waxaad ogaan doontaa in uu ku sugan yahay goobta saxa ah marka aadan dareemi karin.

Saaxiibkey iyo aniga (oo 17 sano jir ah) waxaan ku talo jirnaa in aan isu galmoono maalmaha fasaxa ee toddobaadkan.Balse waxaa igu dhici doonta caado.Ayeeyadey waxay dhahdaa:Galmada la galmoodo xilliga caadada waa najaas.Run miyaa midaasi?

Galmada xilliga caadadaada waxyeelo ma laha.
Haddii labadiina aad doonaysaan, waa caadi.
Dumarka qaarkood waxay jecel yihiin galmo xilliga caadadooda qaarna ma jecla.
Sidoo kale, ragga sidaas ayay u kala duwan yihiin.
Diimaha qaar, galmada xilliga caadada lama oggola.
Balse taasi waa arrin aaminsanaan.
Haddii aad aaminsan tahay, daacad ayaad u ahaan kartaa.
Caafimaad ahaan, galmada xilligaasi dhibaato ma laha.

Waxa muhiimka ah waa in aad labadiinaba raaxo ku dareentaan.
Waxaa jira siyaabo kala duwan oo loo galmoodo inta lagu guda jiro xilliga caadada haweenayda.
Waxaad si tartiib ah u taataaban kartaan xubnaha taranka ee midba midka kale.

Ma doonaysaa guska in uu galo siilka?
Markaasi fadlan hubso in aad sameyso sidaan soo socota:
Isticmaal waxyaabaha uurka looga hortago xataa xilliga caadada.
Waxaa wanaagsan in la isticmaalo cinjirka loo yaqaano kondhomka.
Waxaad weli qaadi kartaa uur inta lagu guda jirro waqtigan.
Cudurrada galmada lagu kala qaado ayaa si aad u fudud la isugu gudbiyaa xilliga caadada.
Hubso had iyo jeer in aad iska saarto suuliyaha caadada ka hor inta guska uusan gelin siilka.