Waxaa la igu leeyahay dayn aad u baddan midaas oo aan galay safarkaygii aan waddankaan usoo socday. Waxaa la iga rabaa in aan shaqeeyo waana cabsanayaa. Qofkee i caawin kara?

Gabdho baddan ayaa qabba isla mushkiladahaas oo kale.
Waxay doonayaan in ay ugu shaqeeyaan Yurub sida booyaaso oo kale ama timo hagaajiye.
Inta baddan waxaa lagu leeyahay daymo baddan kadib safarkooda ay halkan ku yimaadeen.
Waxaana laga rabaa in ay shaqeeyaan si ay isaga bixiyaan daymahaan.
Gabdhahaan waxaa lagu khasbaa shaqo aysan ayagu doonaynin in ay sameeyaan.

Qaar waxay isku dayaan in ay faktaan.
Laakiin inta baddan ma awoodaan in ay sheekadooda sheegaan.
Waa kuwo ka cabsada
in ay wax xun ku dhacaan ayaga iyo qoysaskooda haddii ay wax sheegaan.

Adigu ma ku jirtaa xaaladooda oo kale?
Sidoo kale ma ku dhaaratay in aadan cidna u sheegin?
Meesha SOLWODI waxaa jooga dumar u shaqeeya si ay u caawiyaan haweenka iyo gabdhaha caawimaad u baahan.
Waxaad u sheegi kartaa sheekadaada.
La xiriir ayaga waxayna kugu caawin doonaan in aad xal heshid.

SOLWODI München: 089/27275859
Wixii kusaabsan goobaha kale: www.solwodi.de

Text: SOLWODI München

Aniga oo (13 sanno jir ah) waxaan dhiig ku arkay kastuumadayda hoosteeda. Miyaan Xanuunsanahay?

Waxay u badantahay in uu kugu dhacay ‘dhiigaagii’ ugu horeeyay.
Qaar kamid ah qoysaska iyo waddamada dhab ahaantii wayba u dabaal degaan arintaan.
Macnaheedu waxay tahay: in aad weynaanaysid.

‘In uu dhiigaaga kugu dhacay’ macnaheedu waxay tahay:
Dhiiga aad ku aragtay kastuumadaada wuxuu ka yimid xubinkaaga taranka ah.
Xubinka taranka wuxuu ku dhacayaa god yar oo ku yaala calooshaada.
Godkaan waxaa lagu magacaabaa raximka.
Waxaa jirta labbo ugxan oo ku xigta raximka.
Waxaa jirta tuubad faloobiyan oo ku taala inta u dhaxaysa ugxan kasta iyo raximka.
Ku dhowaadkii halmar bishii ukun aad u yar ayaa laga soo daayaa ugxanta waxayna aadaa tooska tuubada faloobiyanka.

Hadda waxaad noqonaysaa qof uur leh.
Si kastaba, si ay arintaan u dhacdo, waa in aad galmo la samaysid nin ama wiil dhallinyaro ah.
Laakiin adiga weli aad ayaad uga yartahay arintaasi.
Kadibna, ukunta waxay noqonaysaa mid ‘laga bacrimiyo’ minadiisa midaasna macnaheedu waxay tahay in aad uur qaadaysid.
Ukuntu waxay ku weynaanaysaa gudaha raximka.
Intiiba aadan uur qaadin dhiiga wuxuu ka imaanayaa xubinkaaga taranka.
Laga bilaabo hadda ku dhowaadkii halmar bishii ayaa laga soo daynayaa dhiiga gudaha raximkaaga.
Waxay qaadanaysaa maalmo yar.

Waxaad ka heli kartaa shukumaano nadaafad ama suufafka dhiiga laga xirto dukaamada ama farmashiyaha.
Waxaad ku xiraysaa shukumaanada nadaafada gudaha kastuumadaada.
Waxaad gelinaysaa suufafka dhiiga gudaha xubinkaaga taranka.
Weydii gabar aad saaxiibo tihiin ama hooyadaada haddii ay ku caawin karaan.
Mararka qaar waxaad la kulmi kartaa dhiig soconaya muddo dheer ama waxaad arkaysaa xanuuno daran.
Haddii ay midaan dhacdo waa in aad la tashataa dhakhtarkaaga.

Sideen ku oggaan karaa haddii aan qabbo fayraska HIV?

Lama sheegi karo haddii uu qof qabbo fayraska HIV.
Kaliya baaritaanka fayraska HIV ayaa midaasi sheegi kara
haddii aad ku qabtid fayraska HIV jirkaaga ama haddii aadan ku qabbin.

Waxaad ku samayn kartaa baaritaanka fayraska HIV meesha Gesundheitsamt (xafiiska caafimaadka).
Baaritaanka fayraska HIV waa mid bilaash ah oona qofku la oggaanin magaciisa.
Adigu ma ahan in aad bixisid wax lacag ah.
Adigu ma ahan in aad sheegtid magacaaga.
Dhakhtar ayaa kaa qaadi doona dhiig.
Kadibna fiirin doona fayraska HIV ee ku jira gudaha dhiigaaga.

Haddii aanan ku jirin fayraska HIV gudaha dhiigaaga, haddaba midaasi waa mid wanaagsan.
Haddii uu ku jiro gudaha dhiigaaga fayraska HIV, waxaad qaadan doontaa daawooyin.
Haddii aad qabtid HIV ama AIDS, waa in aadan weligaaga dadka kale galmo la samaynin adiga oo aan xirnayn kondom.
Haddii kale waxaad cudurka ku daaranaysaa qofka kale.

Text: AWO-Zentrum für Aidsarbeit Schwaben
www.zas-schwaben.de

Anigu ma DOONAYO in uu igu dhaco cudurka HIV. Maxaan samayn karaa? Sideen u ilaalin karaa nafsadayda?

Haddii aad u isticmaashid kondomyada si sax ah, kuguma dhacaayo cudurka HIV tooska galmada.
Kondomyadu waxaa laga soo iibsan karaa meelo baddan,
sida dukaamada waawayn ee laga soo adeegto, boosteejooyinka baansiinka ama batroolka ama farmashiyooyinka.

Muhiim: Ha isticmaalin kondomyada la dhigay qoraxda.
Ha isticmaalin kondomyo hore oo qadiim ah.
Ha isticmaalin kondomyo dilaacsan.

Isticmaal kondomka marka aad doonaysid in aad galmo la samaysid gabar ama wiil.
Xubinka taranka raga ku jiid ama geli kondomka.
Kondomyadu waxay bixiyaan ilaalin wanaagsan.

Waxaan qabbaa su’aalooyin kusaabsan fayraska HIV iyo cudurka AIDS. Qofkeen la hadli karaa?
Haddii aad qabtid su’aalo kusaabsan fayraska HIV iyo cudurka AIDS, waxaad caawimaad ka heli kartaa dhinaca AIDSBERATUNGSSTELLE (Xarunta Tallada AIDS-ka) ama AIDSHILFE (Xarunta Taageerada AIDS-ka).
Xarumahaan waxaa laga heli karaa magaalooyin iyo tuulooyin baddan.
Adigu ma ahan in aad bixisid lacag ayaguna ma ahan kuwo kala hadla qofkale su’aalahaaga.

Text: AWO-Zentrum für Aidsarbeit Schwaben
www.zas-schwaben.de

Anigu waxaan ahay 16 sanno jir. Dhakhtar ayaa i weydiiyay haddii aan qabbo HIV ama AIDS. Maxaa laga wadaa HIV? Maxaa laga wadaa AIDS?

HIV iyo AIDS waa labbo shay oo kala duwan.
HIV waa fayras.
Fayras ku dhuunta jirkaaga kaana dhiga in aad xanuunsatid.
AIDS waa cudurka keena fayraskaan.
Haddii aad ku qabtid jirkaaga HIV muddo dheer, waxaa kugu dhacay cudurka AIDS-ka.
AIDS-ka wuu ku dili karaa haddii aanan lagaa daawaynin.

Waxaa jira daawooyin fiican oo la dagaalama fayraska HIV.
Daawooyinkaan waxay yareeyaan tirada fayraska HIV ee kujira jirkaaga.
Si aadan ugu daaran qofkale fayraska HIV.
Adigana kuugu dhicin cudurka AIDS.
Waxaad noolaan kartaa muddo dheer marka aad qaadatid daawooyinkaan.

Dalka Jarmalka adigu ma ahan in aad bixisid lacagta daawooyinkaan.
Caymiskaaga caafimaadka ayaa bixin doona lacagta daawooyinka loogu talogalay fayraska HIV.
Dadka qabba fayraska HIV waxay go’aansan karaan qofka ay rabaan in ay u sheegaan.
Sharcigu wuxuu ka mamnuucayaa dadka in ay dadka kale banaanka la baxaan.

Ka taxadir una hoggaansan arimahaan soo socda:

  • Galmo hala samaynin qof kale adiga oo aan isticmaalin kondom (galmada siilka ama dabada).
  • Ha isku mudin daroogooyin. Isticmaalida silingiyo iyo irbado waa mid khatar ah. Ha u dhiibin silingiyada ama irbadaha dadka kale.
  • Haddii aad dhiig baxayso ama leedahay dhaawac furan, iska hubso in aanan dhaawacaagu gaarin dhiig kale.

Text: AWO-Zentrum für Aidsarbeit Schwaben
www.zas-schwaben.de

Anigu waxaan ahay gabar 17-sanno-jir ah. Dhakhtarkayga ayaa i weydiiyay in la i guday iyo inkale. Maxaa laga wadaa midaasi?

“Jarrid” (ama “gudniinka dumarka”) waa marka qayb kamid ah xubinka taranka la gooyo.
Xubinka taranka waa magaca xubnaha kore ee taranka dumarka.
Waxaa dhici karta in lagaa gooyo ama gudo markii aad ilmo yar ahayd.
Waxaa dhici karta in aadan xusuusnayn wax walba oo arintaasi kusaabsan.

Waxaa jira qaabab baddan oo “gudniinka”.
Mararka qaar qayb aad u yar ayaa la gooyaa.
Sida “kintirka”.
Midkaana wuxuu ku yaala dusha sare ee xubinka taranka.
Ama “faruurta”.
Kuwaana waa qaybaha maqaarka ku wareegsan xubinka taranka.

Mararka qaar xubinka taranka waa la daboolaa.
Ayada oo la isku xirayo bishimaha gudaha ama kuwa banaanka ah.
Loogana tago duleel yar oo dhiiga iyo kaadida kasoo baxdo.

Midaan waxay noqon kartaa mid caadi kuu ah. Waxaa dhici karta in aadan fahmin su’aasha dhakhtarka.
Dumarka badankooda ee ku nool dalka Jarmalka ma ahan kuwo “la gudo”.
Waana sababtaas uu dhakhtarka kuu waydiiyay su’aashan.
Dalka Jarmalka, “gudniinku” waa mid ka mamnuuc ah oona sharciga ku ciqaabo.
Midaasna macnaheedu waxay tahay in dadka waawayn ee guda gabdhaha ay samaynayaan wax khaldan.

Gudniinku wuxuu dhibaato u gaysan karaa caafimaadka gabdhaha.
Gabdhuhu waxay macluumaad baddan ama caawimaad ka heli karaan halkan:
http://www.imma.de/einrichtungen/wuestenrose.html

Waxaan ahay wiil 15-sanno-jir ah. Waxaan u malaynayaa in aan jeclahay wiil kale. Ma tahay midaasi mid mamnuuc ah ama reeban? Maxaan samayn karaa?

In qofka uu jeceyl ku dhaco waa dareen aad u wanaagsan mana ka ahan mamnuuc ama mid ka reeban gudaha dalka Jarmal!
Mararka qaar gabar ayaa jeceyl u qaadaysa gabar kale.
Mararka qaarna wiil ayaa jeceyl u qaadaya wiil kale.
Midaasi gebi ahaanba waa mid caadi ah.
Ma ahan mid mamnuuc ah ama reeban.

Waddamada iyo diimaha qaarkooda, dadku waxay dhahaan midaasi waa dambi wayn.
Sidaas darteeda waxaa laga yaabaa in aad u malaysid in dareemahaagu ay yihiin kuwo xun.
Sidaas darteedna ma doonaysid in aad qaadid dareemahaasi.
Laakiin anagu waxaynu jecelnahay in aad oggaatid:
In dareemahaagu ay yihiin kuwo dabiici ah oona ahayn dambi.
Adigu ma dooran kartid dareemahaaga.
Dareemahaagu waa kuwo caadi ah.

Mararka qaar dadku waxay u arkaan in ay wanaagsantahay in aad qof u sheegtid.
Laakiin in dareemahaaga qof loo sheego ma ahan mid fudud waxayna u baahantahay geesinimo.
Dabcan waxaad kala hadli kartaa dareemahaaga qof aad ku kalsoontahay.
Waxaad ka heli doontaa caawimaad badan boggaan internetka ah: www.sextra.de

Ilmo adeerkayga (labb, 22 sanno jir ah) ayaa iga taabtay aniga oo ah gabar (dheddig, 13 sanno jir ah) lugahayga hoostooda xubintayda taranka. Laakiin anigu ma doonayo in uu i taabto. Maxaa dhacaya haddii aan qof u sheego?

Ilmo adeerkaaga looma oggola in uu sidaasi sameeyo.
Qofna looma oggola in uu kaa taabto goobahaaga khaaska ah xubinkaaga taranka ah.
Haddii aad tahay gabar ama wiilba.
Adigu aad ayaad u yartahay.
Taasi ma ahan mid laga oggolyahay gudaha dalka Jarmalka.
Marka aad weynaatid, waxaa laguu oggolyahay in aad adiga go’aansatid qofka ku taabanaya.

Waa in aad u sheegtid daryeelahaaga.
Way kugu caawin karaan.
Si aysan markale arintaasi u dhicin.
Sidoo kale waxaad caawimaad ka heli kartaa xarunta tallo bixinta.

Muhiim ah:
Adigu ma tihid qof dambi leh.
Laguma ciqaabi doono.
Ilmo adeerkaaga waa la ciqaabi karaa haddii aad sidaasi doonaysid.
Kadibna waxaa khasab kugu ah in aad ku cabatid booliiska.
Xarunta tallo bixinta ayaa midaasi kugu caawin karta.

Waxaan ahay wiil jira-14-sanno. Daryeelahayga wuxuu doonayaa in uu i dhunkado. Waxaan u malaynaa midaasi in ay tahay mid laga yaq-yaqsado ama la karaahiyeysto. Maxaa ila gudboon in aan sameeyo?

Daryeelahaaga looma oggola in uu ku dhunkado.
Dalka Jarmalka, dadku looma oggola in ay ka faa’ideystaan dadka daciifka ah.
Dadka daciifka ahi waa:
Dadka u baahan caawimaad iyo ilaalin uu qof kale bixiyo.
Sidaas darteeda asaga wuxuu sameeyay wax khalad ah oona mamnuuc ah.
U sheeg in aadan midaasi doonaynin.
Waa in uu midaasi aqbalo.

Haddii uu sidaasi kusii socodo, raadso caawimaad.
U sheeg daryeel bixiye kale ama qofka adiga masuulka kaa ah.
Haddii aysan ku rumeynin, raadi qofkale.
Illaa uu qof kaa caawiyo.

Muhiim ah:
Dareemahaaga iyo sida aad dareentid waa mid caadi ah.
Laguma ciqaabi doono.
Waxaa laguu oggolyahay in aad dhahdid MAYA.

Sideed ii caawin kartaan?

Waxaan kuu sharxi doonaa arimaha waxaana macluumaad kugu siin doonaa tooska bogga internetka.
Halkan wax xumaan ah kuma gaarayaan carruurta iyo dhallinyaradaba.
Waxaan ballan ku marnay in aynu kusiino taageero.
Waana midaasi sababta aynu kuugu sharxayno waxyaabo badan.
Si aad u oggaatid waxa wanaagsan iyo waxa aanan wanaagsanayn.

Uma caawino si toos ah carruurta iyo dhallinyarada.
Nagulama soo hadli kartid teleefoon.
Laakiin waxaa jooga dalka Jarmalka dad kale kuwaas oo caawiya carruurta iyo dhallinyarada.
Xitaa marka ay la kulmaan rabsho.
Xitaa marka ay la kulmaan xad gudub galmo ah.
Waan kuu sheegi karnaa halka aad caawimaad ka heli kartid.

Waa in aad ammaan ku dareentid halkan.